Home » Faallo »

Culumada oo loo qaybiyo Rabaaniyiin iyo Culuma’usuu waa kalmad xaq ah oo loola jeedo baadil-Dhamaad

“Waysha gawrac dibiga ha ku quustee ”

Akhristoow gabagabadii iyo gunaaanadkii qormadii taxanaha ahayd ee culimmada oo loo qaybiyo rabaaniyiin iyo culummaa u’suu waxaa iiga hor maray Sh. Xasan Daahir Uways, afkaaga caano lagu qabay, iyo waliba Abuu mansuur Al-amriiki oo isna taabtay arimuhu meeshay u socdaan iyo qaloocu meesha iyo heer ka uu gaaray.

Akhristoow qormadii 3-xaad ee u danbeysay waxaan balan qaaday inaan ka hadlo xukunka iyo natiijada ka dhalan cayda culummada iyo eraygan culummaa u’suu, hadaba mudo waxaa soo socday xadgudubka xarakada AL-Shabaab ay ku hayaan ummadda soomaliyeed ee muslimiinta ah, xadgudubkaas oo isugu jira Aflagaado loo gaysto culimada oo midba maalin la saloosho iyo dil qorshaysan oo loo gaysto qofkii afkaartooda iyo aragtidooda khilaafa xitaa hadduu iyaga ka tirsan yahay, waxaana la hayaa cadaymo badan.

(وشهد شاهد من أهلها) Markhaati iyo Jawaab celin waxaa ugu muhiimsan kan ka soo yeera qof kula jira ama adiga kugu hoos nool, hadda ka hor markuu dhacay dilkii Dr.Axmed xaaji C/raxmaan, Sh Xasan Daahir Uways oo tacliiq saaray khudbo jimce wuxuu yiri, war culummada daaya war ninkii ku khilaafa ma culummaa u’suubaa ? waxuu ka waramay dadkii wax soo baray iyo siday u qadarin jireen .

Sidoo kale bishii Maarso 30-keedii hadana masaajid ku yaala ceelasha biyaha Sheekh Xasan Daahir Uways oo tacliiq saaraya Khudbo jimce wuxuu Sheegay in Shabaabku dadka cabsi galin ku hayaan, oo loo hanjabi qofkii wax Sheegi lahaa ama sixi lahaa uuna baqaayo, laakiin waxaa aad ii xanuujiyay markuu yiri; “ Sheekhu anaa is qadimaya oo macneheedu yahay xaqa waan sheegi hadii la rabo hala’i dilee”, waxaa ka horeeyay hadalkii Abuu mansuur Al-amriiki uu yiri; “ Naftaydu Khatar bay ku sugantahay waxaana idilaya xarakada Shabaab ee hala ogaado”, wuxuu ka digay Sh.Xasan in lagu sifoobo tilmaanta ah kaligii muslim, hadaba soo ma rumoobin maah maahdii ahayd waysha gawrac dibigu ha ku quusqaatee, Sh. Xasan Daahir oo ah waalidkoodii ninka dilaya miyaa adiga kuu daahaya? Labada war ee Sh.Xasan Daahir waxay ku jiraan wabsiteka halgan.net waadna ka dhagaysan kartaa.

Akhristoow waxaa kuu muuqda oo’u cadaaday sida qoraxda, natiijada ka dhalan cayda culumada, si aad ugarato natiijada waxaa lagama maarmaan ah inaad ogaato hadafka guud iyo danta laga lee yahay cayda culumada, waa maxay? Jawaabtu way cadahay waa in horta laga saaro culummonimada iyo qadarinta ay bulshada ku dhax leeyihiin, ka dibna lagu xukumo Rido iyo inay gaaloobeen, ugu danbayntana dhiigooda la banaysto oo qoorta loo caseeyo,waxayna diidan yihiin Shabaabku in la helo culimo u sheegta khaladaadkooda iyo qaloocooda, taasina waa mid aynan culumadu ka gaban Karin intuu qof ka nool yahay, waayo waa waajib saran وَلا يَخَافُونَ لَوْمَةَ لائِمٍ.
Culimadii hada ka hor ka hadashay qaladaadka iyo qalooca Shabaabka waxaa kamid ahaa intaan ka xusuusto Sh.maxamed cabdi Umal, Sh.maxamuud Shibile, Sh.c/qaadir nuur Faarax, Sh. Cali warsame, Sh.bashiir axmed salad, Sh.mohamed Idriis, Sh.C/raxmaan Sh.cumar, Sh.C/raxmaan Abyad iyo culimo kale oo badan oo aanan halkan ku soo koobi Karin, hadaba naseexada culummadaan iyo naseexada Sh.xasan Daahir Aways maxay ku kala duwan yihiin ?.

Fiiro Gaar ah: Fariin gaar ah waxaan u dirayaa Sh.Xasaan Xuseen Aadan, Sh. Xasaanoow hada ka hor waxaad tiri; “nimanka Xagal daacinta ku haya halganka iyo Jihaadka waa in fasaad kooda umada laga qabtaa” waxaan hada kaaga fadhinaa inaad ka jawaabto Xagal daacinta halganka iyo jihaadka uu ku hayo hadayba tahay Xagal daacin Sh. Xasan daahir Aways mise Sh. Xasan waa mujaahid khaldamay Khaladka mujaahidkuna dhib ma laha, sidaad horay u sheegtay xitaa haduu qof muslim ah dilo janaday isugu tagayaan isaga iyo kuu dilay waa sidaad sheegtay mise waxaa jira waxa loo yaqaano {Al-kayl bimik yaaleen}.

FG: Fariinta labaad waxaan u dirayaa wabsiteyada caadaystay markuu Sh.Xasan daahir Shabaabka amaano inay soo daayaan codkiisa markuu radiyo ama wax ka sheegana ay ka gaabsadaan ama ay hadalkiisa jarjaraan waxaan leeyahay Allah ka baqa oo amaanada cilmiga ilaaliya Sheekhu waa uun Sheekhii isma badalin Sh.Xasan waa Sh.Xasan.

Gabagabadii Iyo Gunaanadkii waxaan u mahadcelin walaalo badan oo faalooyin ka qoray qormooyinkii hore een uga hadlayay qaybinta culummada dhamaantiina waad ku mahadsan tihiin waqtiga aad galiseen akhrinta qoraaladii koobnaa ee aan soo wadanay, waxaan si gaar ah ugu mahad celinayaa labada walaal ee kala ah Fowsi daahir, iyo C/qaadir xirsi jamac, waxaan soo xusuustay maahmaah dii ahayd run sheeg wax kuu markhaati fura ma waydide, markaan ka sheekeeyay qormadii tan xigtay taariikhdii dheereed Ee Sh.c/qaadir nuur faarax iyo mowqif kiisa aan isbadalka lahayn, waxaan anigu ka soo bilaabay 1991, Laakiin labada walaal waxay Sheegeen qiso ka dhacday Jaamacada gahayr 1989, goobtaas oo dhiig badani ku daadan gaaray sababtuna ahayd dagdaga iyo fudaydka dhalin yarada, kadibna Sh.c/qaadir nuur faarax oo goobtaa muxaadaro ka jeediyay, waxaa ka mid ahaa hadaladiisa ma “muxaadaro yaad caawa dhiig u daadin gaadheen” labada faalo ee walaaluhu qoreen waxay ku jiraan qaar kamid ah website-yada qoraaladii hore daabcay. Hadaba soo marumoobin maahmaahdii ahayd Run sheeg wax kuu marag fura ma waydide.

Ugu horayn waxaan u mahadcelinayaa illaahay oo ii fududeeye inaan fursadaan wada qaadano. Markale waxaan u mahad celinayaa dhamaan walaalaha waqtigooda galiyey inay akhriyeen fikirkoodana ila wadaagaa, si gaar ah waxaan ugu mahadinay walaalaha qoraaladaan faafiyaan, oo bogogooda ku daabacay sida; Somalitalk.com, Halgan.net, Somalireal.com iyo Alyaqiin.com, bacda laahi iyaga la’aantoodna qoraaladaan lama faafiyeen, Jizaakumullaahu khayra. Waxaan rajaynayaa inaan markel dib isugu soo noqono oon wadaagno qormooyin kale insha allaah.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Culumada oo loo qaybiyo Rabaaniyiin iyo Culuma’usuu waa kalmad xaq ah oo loola jeedo baadil-Dhamaad "

  1. maka hore waxaa salaamayaa quf qalaba oo wanaaga jecel culumada kheyr allah siiyo lkn qaladka dhan kooda wey leeyihiin waayo kama hadlaan dhibka gaalada eey geesato waxaey kahadlaan dhibka sbaabka bas taasi miyeey gardaro aheyn hadey waa jibkooda kudanayaan umad mey wada difaacaan yaa badan inta eey amisom dishay iyo inta shabaabka dileen
    maa laga hadlo taasi waa arin aad loola yaabo waad iisoo jabaabi kartaan cinwaan keyga waxaan ahay quf cadaalada jecel