Home » Warar »

Hay’adda HARO oo Muqdisho ka Qaybisay Dhar Noocyo kala duwan leh oo laga keenay Magaalada SEATLE ee Gobalka Washington.

Hay’adda Humanitarian African Relief Organization (HARO) oo ah Hay’ad Samafal kana hawlgasha guud ahaan Soomaaliya iyo meelo ka mid ah wadamada deriska la ah Soomaaliya ayaa maalintii khamiista ahayd ee 29kii bishii Maarso ee la soo gudbay waxay Kaamka BAADLE ee ku yaala degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ka qaybisay dhar noocyo kala duwan leh iyo kabo ay ku deeqeen Soomaalida ku nool Magaalada SEATLE ee Gobalka Washington.

Deeqdaan Dharka ah ayaa waxaa ka faa’iideystay 650 Qoys waxaana la siiyey Rag iyo Dumar iyo Carruur kuwaas oo si weyn uga muuqatay duruuf dhar la’aaneed, waxayna dadkii loo qaybiyey dharkaasi si aad ah ugu mahadceliyeen Hay’adda HARO oo iyadu fududeysay in ay dharkaasi soo gaarsiiso Gobalka Banaadir.

Sidoo kale Kaam lagu magacaabo ASHRAF oo ku yaala Siligii hore ee Mareykanka ee Degmada WADAJIR ayaa isna waxay HARO ka qaybisay dhar noocyo kala duwan leh, waxaana ka faa’iideystay ilaa 600 qoys oo isugu jiray Rag, Dumar iyo Carruur waxayna iyana u mahadceliyeen Hay’adda HARO oo gacan weyn ka gaystay in deeqdaasi soo gaarto dadkaasi.

Guddoomiyaha Hay’adda Cali Xaaji Cabdinuur oo isagu dharka ka soo qaaday Magaalada Seatle ayaa mar uu wareysi na siiyey wuxuu u mahadceliyey dadka Soomaaliyeed ee ku nool Gobalka Washington gaar ahaan magaalada Seattle oo uu sheegay in ay iyagu ahaan kuwii dadaalka ku bixiyey in ay dharkaasi soo gaaro walaalahooda tabaaleysan.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

“Qarashka rarida iyo dedejinta waxaana bixisay Hay’adda HARO ilaa laga gaarsiiyo dadkii loogu talagalay, waxaana sidoo kale deeqdaan oo kale ah ka qaybin doonaan Xerooyin ku yaala Magaalada Muqdisho” ayuu yiri Cali Xaaji oo aan wax ka weydiinay madaama Hay’adda horey looga bartay in ay qaybiso raashin kala duwan waxa xiligaan ku soo beegay in ay dhar kala duwan qaybiso, wuxuuna ku jawaabay “Dadka Soomaaliyeed ee ku nool dibadda ayaa markii ay arkeen Soomaalida faraha badan ee dhar la’aantu ka muuqato waxay go’aansadeen in ay soo uruuriyaan dhar, waxaana rajeynaynaa in todobaadkaan gudihiisa ay hay’addu dib u bilowdo gargaarkii raashinka ahaa ee ay ka qaybin jirtay Soomaaliya”,

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.