Home » Warar »

Xasan Daahir Aweys “Dagaalka Jihaadka ahi Cidna si Gaar ah uma Sheegan Karto, balse Jihaad Waa Fardul Ceynka Wuxuu Waajib ku yahay …

Sheikh Xasan Daahir Aweys oo ka tirsan Saraakiisha Sare ee Xarakada Shabaab ayaa markii u horeeyay ka hadlay Mad-Madow u muuqda inuu u dhaxeeyo Xarakada Shabaab. Xasan Daahir oo ka hadlayay Magaalada Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa ugu horeynba sheegey in ay khaldami karayaan isla markaana loo baahan yahay wixii Khalad ah ee ka dhaca Maamulkooda in ay dib u saxaan.

Hadalkii Sheikh Aweys Hoos ka dhegeyso:

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/aweys_mar302012.mp3]

ama Halkan ka dhegeyso (mp3)

Sheikh Aweys ayaa daba taagnaa oo Naqdiyay hadal hore uga soo baxay Maamulkooda Sare kaasoo ahaa in degaanada ay ka arrimiyaan Xarakada Shabaab inaan laga dhisi Karin waxa loo yaqaano Maamul Goboleedyo iyo Ururo Diini ah taasoo si aad ah uga soo hor jeestay.Xasan oo hadalkiisu aanu qofna ku socon ayaa haddana waxaa laga dareemayay inta badan inuu u hadlayay si Sarbeeb ah isagoona afka ka dhowrayay inuu si toos ah u abbaaro Cidda uu hadalka ku wado.

Sheikh Xasan Daahir Aweys

Sheikh Aweys ayaa sheegey in ay khalad tahay in la bannaysto Dhiiga Ruuxa Muslimka ah iyadoo Shaati aan Tolliinkiisu saxneyn loo gashanayo ama loo soo qaadanayo Shiikha ayaa aad uga dheeraaday in aan weli la gaarin xilli Magac qura la samaysto sidii dhici jirtay iyo doorarkii ay soo mareen Muslimiinta ee ahaa Ikhaawnu Muslimiin iyo magacyo kale.Xasan Daahir oo ka hadlayay dagaalada ayaa sheegey in Dagaalka Jihaadka ahi ayan cidna si gaar ah u sheegan Karin, balse Jihaad Fardul Ceynka ah uu waajib ku yahay keli keli, koox koox iyo qabiil qabiilba in loo Jihaado.

Hadalkan oo aan hore looga baran Xasan Daahir ayaan la garanayn Sababta xiligan ku soo beegtay, waxayse Dadka arrimaha Oddorosaa ay sheegayaan inuu yahay Khilaaf aan qarsooneyn oo u dhaxeeyay Xarakada Shabaab.Xasan Daahir ayaa in dhawaalaba ka hadal xaaladda Dalka gaar ahaana wixii ka danbeeyay markii uu meesha ka baxay Ururkiisii lagu magacaabi jiray Xisbul Islaam.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.