Home » Warar »

Guddoomiyaha Baarlamaanka DFKMG oo Faahfaahiyey Qaabka Doorashada Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed ayaa wareegto uu bartamihii bishan Maarso u kala diray qaybaha xukuumadda iyo baarlamaanka, islamarkaasna nuluq kamid ah uu soo gaarey SomaliTalk.com ayaa waxa uu ku faahfaahiyey in “doorashada Madaxweynaha la qaban doono 30ka Abril 2012 , kaasi oo magacaabi doona Raiisulwasaare bil gudaheed (Maajo) halka uu Ra’iisulwasaaruhu ku soo dhisi doono gole wasiiro bil gudahood (Juunyo) ka dibna baarlamaanku ansaxiyo Xukuumadda bisha Juulay. Xukuumadda la dhiseyna waxay ay hawlgali doontaa siddii la qoondeeyey bisha Ogosto 2012.”

Hoos ka akhri wareegtada guddoomiyaha baarlamaanka Madoobe Nuunow:

Baarlamaanka Federaaliga KMG ah Ee Jamhuuriyadda Soomaaliya – Xafiiska Guddoomiyaha KMG

Ref:XGB/ Date : 17/03/2012: Tixraac Soo jeedintii Hore

Ayada oo la tixraacayo kulankeennii ugu dambeeyey waxaan go’aansanney inaan ka jawaabcelinno su’aalihii taagnaa ee xalka loo rabey. Sidaasi darteed waxaan rabnaa in aan caddeynno aragtidayada ku aaddan arrimaha hadda la doonayo in la maareyo.

1. Gabagabeynta Kumeelgaarka

Kadib qabashadii kulamo isdabajoog ah oo aan la yeelanney beelsha Caalamka waxaan rabnaa inaan ifinno fakirkayaga ku saabsan murrannada ka horimaanaya dadka daneeya sida Baarlamaanka, xukuumadda iyo bulshada caalamka sidii loo dejin lahaa xal ku habboon oo lagu soo gagabeeyo habka kumeelgaarnimada xukuumadda horana looga socon lahaa. Wey caddahay in bulshoweynta adduunku go’aandadeen in la soo gabagbeeyo KMG bisha Ogost ee 2012. Mudada la qabteyna lama beddeli karo lamana kordhin karo.

Baarlanaanku waa uu tixgalinayaa walwalka bulshoweynta adduunka iyo fashilka Xukuumadda KMG iyo waliba tabaryarida Xukuumadda. Baarlamaanku waxaa uu u arkaa in loo baahan yahy sameynta maaamul waxkuool ah iyo dhisidda hogaan u hawlgala oo xasilinta guulaha la gaarey ee dhinaca nabadda iyo xasiloonda. Sida awgeed, waxaan soo jeedineynaa in laqabto doorashooyin hordhac ah oo lagu doorto madaxda qaranka ee sarsare sida Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Raisulwasaaraha oo heyn doona xilkaasi muddo saddex ama afar sano ah.

Si loo hubiyo waqtiga la qabtey ee u harey madaxda hadda joogta, waxaan ku talojirnaa in la qabto doorashada Madaxweynaha 30ka Abril , kaasi oo magacaabi doona Raiisulwasaare bil gudaheed (Maajo) halka uu Ra’iisulwasaaruhu ku soo dhisi doono gole wasiiro bil gudahood (Juunyo) ka dibna baarlamaanku ansaxiyo Xukuumadda bisha Juulay. Xukuumadda la dhiseyna waxay ay hawlgali doontaa siddii la qoondeeyey bisha Ogosto 2012.

2. Shirararkii Garowe 1 iyo 2.

Shirarka kor ku xusan waa sharcidarro maadaama: :

1. Jaantuska jidka – Road Mapku aan Xukuummaddu horkeenin baarlamaanka si looga doodo loona ansaxiyo

2. Kaqaybgalka iyo go’aamada ka soo baxey shirarkaasi waxa ay ku koobnaayeen ashkhaas aan la soo tashan dadka oo haysannin kalsoonida dadka halka jifooyin waaweyn aan la xusun lagana tagey matalaadna aysan ku lahayn.

3. Saxeexayaasha ma laha awoodda saxeexa heshiiska la gaarey waayo Shariif Xasan xilkii oo hayey ee afahayeenka waa laga qaadey halka Madaxweynaha iyo Ra’iisulwasaaruhu aysan ka haysan kalsooni baarlamaanka iyo golaha wasiirrada.

3. Geeddisocodka Kalaguurka Waannu soo dhaweyneynaa gabagabeynta kumeelgaarnimada annaga oo ogol in a dhiso dawlad dhab ah oo la aqoonsanyahay oo ka dhalata dalka ayada oo la raacaya qodobka 11 faqradda 3aad ee cahdiga kumeegaarka ah.

4. Waxkabaddelidda iyo Dib u eegidda Qodobada Cahdiga Qaranka.

Annaga oo ka jawaabryna su’aashan in baarlamaanku diyaar u yahay waxkabaddelidda iyo dib u eegidda qodobada Cahdiga KMG si loo waafajiyo marxaladaha siyaasadeed ee hadda taagan, waxaan idiin caddeyneynaa in baarlamaanka ogsoonyahay baahida loo qabo cahdiga KMG oo wax laga beddelo si loogu fuliyo arrimaha faa’iidada u ah dadka iyo dalka oo loo sahla in aannu sameysanno qarannimo buuxda oo leh nabad iyo xasiloni ayada la raaci doono qodobada Cahdiga KMG lana wafajiyo marxalada taagan ee kalaguurka iyo dibusaxidda shuruucda hoose ee baarlamaanka.

Annagu waannu daahfurannahay waxaanuna soo dhaweyneynaa talooyinka xukuumadaha yo bulshaweynta adduunka ee na taakuleeya inta aannu ku jirno dhibatada. Halka aan ka fileynno xukumadahaasi iyo bulshada caalamkaba iney ixtiraamaan oo ay aqoonsadaan go’aamada iyo talooyinka baarlamaanka.

5. Hawlgabnimada Xubnaha Baarlamaanka

Waxaan soo jeedineynaa sameynta sharci daryeela xubnaha baarlamanka gala hawlgabnimada oo illaliya xuquuqdooda.

6. Ansixinta Dastuurka

Waannu ka soo horjeednaa sameynta majlisu tashriiciga – constituent assembly – oo tiradoodu lagu sheegey kun qof kuna saleysan awoodqeybsiga 4.5 si ay u ansaxiyaan dastuurka dalka ee cusub. Khibrad badan baanu u leenahay koox madax ah oo samaysata wadiiqo ay ku sharciyeystaan talaabooyin qalad ah oo hadhow dhaliya isafgaranwaa, buuq iyo colaad sokeeyo ugu dambeynta.

7. Guddiga Doorashooyinka

Magacaabidda Ra’iisulwasaaraha ee Guddiga Doorashooyinku asaas ahaan waa sharcidarro xilka loo saanteyna ee xulista xubnaha baarlamaanka cusub waa mid aan maangal aheyn. Hogaamiyayaasha xukuumadda KMG ayaa curiyey fakirkan qaldan si ay u helaan dad la soo xuley oo taageroyaal u ah dibna ugu soo doorta jagooyinka ay hayaan mustaqbalka.

Dammaad

La xiriir: Tell: +252-61-5896644/ +2526-99-496948
Email:speakernunow@gmail.com

Wareegtadii hore ee Guddoomiyaha ka akhri halkan

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.