Home » Warar »

Golaha Xuquuqul Insaanka QM oo Isku Raacay Qaraar Ku Wajahan Xaalada Xuquuqul Insaanka iyo Danjiraha Soomaaliya oo bayaan akhriyey

14kii bishan March inta badan warbaahinta caalamka waxa ay si weyn uga hadleen khudbad taariikhi ahayd oo uu Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta QM ee Geneva ka akhriyey Golaha Xuquuqal Insaanka ee Qaramada Midoobey.

Bayaankaas muhiimka ah waxaa wada taageerey 44 dal ee kala ah Albania, Austria, Belgium, Benin, Bosnia and Herzegovina, Canada, Costa Rica, Croatia, Cyprus, Czech Republic, Denmark, Djibouti, Estonia, Finland, France, Germany, Greece, Honduras, Hungary, Ireland, Latvia, Lithuania, Luxembourg, Malta, Maldives, Mauritius, Mexico, Montenegro, The Netherlands, Nigeria, Norway, Poland, Portugal, Romania, Slovakia, Slovenia, Spain, Somalia, St Kitts and Nevis, Sweden, Switzerland, Ukraine, United kingdom of Great Britain and Northern Ireland, United States of America.

Ilaa 43 Danjire ee fadhiya Xarunta QM Geneva oo matalaya dalalka kor ku xusan ayaa waxa si aqlabiyad buuxda isku raaceen, iyagoo ka codsaday Danjiraha Soomaaliya ee fadhiya Xarunta QM ee Geneva in uu shirweynaha 19aad ee Golaha Xuquuqal Insaanka bayaankas ka akhriyo, tallaabo lagu tilmaamay in DFKGM ah ee Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeed ay u tahay sharaf weyn in ay u hiiliyaan shacabka walaalahood ah ee u dhashey wadanka Eritrea oo si aad ah u dhiban laakiinse Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta QM ee Geneva Mudane Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari inta uusan akhrinin bayaankaas muhiimka ah wuxuu ka hor mariyey hordhac ka turjumaya sababta ay Soomaaliya u go’aansatey in ay shirweynaha 19aad ka akhriso bayaankaas, wuxuuna yiri, akhriso qoraalka Englishka ah:

“Somalia has been a strong supporter of the rights of the Eritrean people during their struggles for self-determination, even though this support came at a cost to Somalia. Somalia is greatly concerned, therefore, at the deteriorating human rights situation in Eritrea. After such a long struggle, the Eritrean authorities’ highest priority must be the rights of their people. Somalia has itself suffered through long struggles. Somalia has repeatedly asked the Human Rights Council for assistance in overcoming its own problems, and we now bring the situation in Eritrea to the Council in the hope that the international community can help Eritrea to avoid the nightmare situation that has plagued Somalia for so long. For these reasons, Madam President, Somalia has the honour to deliver the following joint statement on behalf of 44 countries so far”.

Sida ay xaqiijiyeen warar lagu kalsoon karo oo laga heley diblumaasiin ku sugan magaalada Geneva waxaay tibaaxayaan in Danjiraha Eritrea u fadhiya Midowga Yurub Mudane Maxamed Suleymaan uu si cad ugu hanjabey Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xaruunta QM ee Geneva. Mar aan sameynay isku day in arrimahaas aan ka xaqiijino Danjire Yusuf Maxamed Ismaaciil Baribari wuxuu ka gaabsadey in beeniyo ama xaqiijiyo.

Dhinaca kale 23 March 2012 Golaha Xuquuqal Insaanka wuxuu si aqlabiyad buuxda u ansixiyey qaraar lixaad (tan iyo 29 March 2008) ku wajahan xaalada Xuquuqal Insaanka ee ka jirta dalka Soomaaliya.

Mudane Yuusuf Maxamad Ismaaciil Baribari Danjiraha Somaaliya u fadhiya Xarunta QM ee magaalada Gineva, ayaa waxaa uu sheegay in qaraarkaan uu ka duwan yahay qaraarardii hore, isagoo marka hore sheegay in dawladda Somaliya uga mahadcelinayso dawladda waddanka Ingiriiska shirkii dhawaan ay ugu qabatay dalkeeda umadda Soomaaliyeed. Sidoo kale qaraarkaani cusub waxaa uu xoogga saarayaa, xuquuqda shacabka Soomaaliyeed ay u leeyihiin nabada, horumarkooda, iyo sidii ay uga bixi lahaayeen nidaamka Kumeelgaarka ah, si loogu gudbo dawlad Soomaaliyeed oo rasmi ah.

“Siyaasadda adduunku waa is baddashay ilaalinta xuquuqul insaanka waxay ka tahay xubin aad iyo aad u muhiim ah , 14kii bisha March Waxaa ka dhacay arrin taariikhi ah kulankii golaha xuquuqul insaanka QM kaasoo laga soo saaray bayaan cad oo ku aaddan Xuquuqul Insaanka Ereteria kaa soo ay soo saareen illaa 44 dawladood, sidoo kale dawladahaasi waxay isku raaceen in Soomaaliya laga codsado in loo xilsaaro, Safiirka Somaaliyed ee QM ee fadhiya Geneva, arrintaasoo dhalisay in loo soo jeesto arrinta Xuquuqul Insaanka ka jirta Ereteria, insha ALLAAH swt 3 bilood ka dib shirweynaha soo socda ee Golaha Xuquuqul Insaanka ee QM waxaa laga soo saari donaa qaraar kaasoo dawladda Ereteria lagu fari doono in ay la shaqayso Wakiil ka socda beesha caalamka oo ilaalin doona Xuquuqul Insaanka hadday diiddana qaraaro kale iyo cunaqabatayn ayaa lagu soo rogayaa” ayuu yiri Mudane Yuusuf Maxamad Ismaaciil Baribari oo ah Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta QM ee Gineva oo Soomaaliya u matalayay kulankii 19aad ee Golaha Xuquuqul Insaanka QM.

halkan kadhegeyso bayaankii danjire bari bari

[audio:http://somalitalkradio.com/cod/2012/waraysi_bari_bari.mp3]

Mudane Yuusuf Maxamad Ismaaciil Baribari, Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Xarunta QM ee Geneva ayaa dhinaca kale sheegay in bisha soo socota ay dalka Soomaaliya booqan doonaan wafdi heer sare ah oo ka socda dhanka farsamada Xafiiska QM ee Xuquuqul Insaanka iyagoo u kuur gali doona gaar ahaan waxay dawladdu u baahan tahay dhanka sare u qaadidda tayada hay’adaha dawladda iyagoo kala sixiixan doona heshiis qeexaya nooca iskaashiga dhex mari doona dawladda iyo xafiiska xuquuqul insaanka QM. Danjiraha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay umadda soomaaliyeed, Dawladda iyo dhinacyada ka soo horjeedaba in looga baahanyahay in ay ilaaliyaan xuquuqda shacabka. Isagoo sheegay in loo baahanyahay in shacabka Soomaaliyeed ay dhexda u u xirtaan sidii loo ilaalin lahaa xuquuqul insaanka maadaama buu yiri uu asal u yahay diinteena suuban iyo dhaqankeena. Ambassadorka wuxuuna nasiib daro ku tilmaamay in guud ahaan Soomaalidu aysan ku baraarugsanayn ilaalinta xuquuqul insaanka.

“ Waxaan jeclaan lahaa inaan idin la socodsiiyo arrin ka dhacday shirkii International Contact Group ee bishii Oct sanadkii la soo dhaafay ee lagu qabtay magaalada Copenhagen ee caasimada dalka Denmark, wakiilka sare ee Midawga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, waa Madaxweynihii hore ee dalka Ghana Mudane Jerry Rowlings, qudbad cajiib ah ayuu shirka ka jeediyay, gaar ahaan wuxuu si toos ah ula hadlay madaxda Soomaalida oo dhan, wuxuu su’aalay waa tee diinta iyo dhaqanka ogol xadugubyada loo geeysto dumarka. Maalin kasta dumar masaakiin ah oo waliba qaxooti ah baa la kufsanayaa oo aan waxba laga qabanaynin. Wuxuu hoosta ka xariiqey xawayaanka Illahay abuuray, xiliga abaarta Illahay dareenka ayuu dhinac mariyaa, kalmadahaas inteenii shirka fadhiday si aan caadi ahayn ayay noo taabatay, waliba isagoo ilmaynaya.”

Danjiaraha oo sii hadlaya ayaa sheegay “ Waxaan is waydiiyay su’aal ah ninka qof dumar ah oo Soomaaliyeed oo lix bilood aanan mayran, oo saddex asbuuc iyo wax ka badan soo lugaynaysay, oo aan waxba cunin oo gaajo dilootey, dhibaatada haysa Ilaahay oo kaliyah garan kara, war ninka damac ka galaya muxuu yahay, ileen xawayeenkaba sidaas ma sameeyee, Ilaah baa runta nagu jecel war Isimada meeye, Odayaasha dhaqanka meeye, Culumaa’u diinkii meeye maxay fadwo uga soo saari waayeen, waxgaradka aaway, cid inkiri karta ma jirto”.

Daawasho wacan qudbadii oo Muuqaal Ah

http://www.eritreadaily.net/News2012/article201203141.htm

Nairobi, Kenya

Mohamed Garane

mgarane@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.