Home » Warar »

Magaalada Gaalkacyo oo lagu Go’aamiyey in Dastuurka ay Ansaxiyaan 825 Ergo islamarkaana ka soo baxeen 9 Qodob

Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha Road Mabka, gaar ahaana heshiiskii Garoowe Kow iyo Labo.Shirkan oo ay ka qayb galeen Saxiixayashii Road Map-ka ayaa waxayaabaha lagu soo qaaday waxaa ugu waa weynaa dar dar gelinta waxyaabihii hore loogu heshiiyay.

Eng. Yariisow af hayeenka Xukuumadda oo arrimahaa ka war bixiyay ayaa sheegey in arrimaha kulankaasi looga hadlay ay ka mid ahayd in wax laga bedelo qodobada qaar, gaar ahaana Ergadii ansixinta Dastuurka oo awal lagu qorsheeyay illaa Kun qof oo haatan laga dhigay 825 Xubnood Afhayeenka ayaa sheegey in ariintaas sababta loo sameeyay ay tahay iyadoo lagu jaan goynayo habkii awood qaybsiga beelaha Soomaaliyeed taasoo beeshiiba loo qoondeeyay illaa 175 Xubnood.

Af hayeenka ayaa hoosta ka xarriiqay in shirkan ka dhacay Gaalkacyop uu yahay oo keliya mid lagu sii xoojinayo Go’aanadii Garoowe balse ayan jirin wax kale oo is bedel ah. Shirkan ayaa waxaa ka qayb galay Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya, Guddoomiyaha Barlamaanka, Ra’iisul wasaaraha, Madaxweynaha Maamulka PuntLan. Madaxweyne ku Xigeenka Gal Mudug iyo xubno matalayay Ahlu Sunna Wal Jamaaca.

Sidoo kale Beesha Caalamkana waxa u joogay oo shirka arrimihiisa fududeynayay Ergayaga qaramada Midoobay ee Soomaaliya. kulankaas ayaa sida la sheegay wax badan ka bedeleyn kulankii kaa ka horreeyay ee ka dhacay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal. Waxaana ka mid ahaa qodobadii ka soo baxay

1- In la dardar galiyo dhameystirka barnaamijka xiliga kala guurka ah, heshiiyadii geedi socodka iyo mabaa’diida Garowe 1,2.

2- In la dedajiyo xulushada xubnaha kamid noqonaya golaha ansaxinta Dastuurka oo shuruudahoodu ku cad yihiin go’aamada Garowe1,2 waxaana la isla gartey in loo soo xulayo xubnaha shirweynaha la yareeyo si ay ugu sahlanaato wax qaybsiga 4.5 ee lagu heshiiyey.

3- Tirada golaha ansaxinta Dastuurka oo lagu go’aamiyey Garowe2 oo aheyd 1000 (kun)qof waxaa la isla gartey in laga dhigo 825 oo lagu qaybinayo habka 4.5, oo loo arkey wax qaybsi raad-raac hore leh.

4- Waxaa la isku raacey in madax dhaqameedyada Somaliyeed ay noqdaan dadka soo xulaya xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyagoo kaashanaya qaybaha kala duwan ee bulshada sida culu’maudiinka, aqoonyanahada, dhalinyarada, haweenka, Ganacsatada iyo qaybaha kale ee bulshada.

5- Waxaa la isla gartey 135 xubnood oo ka imaanaya madax dhaqameedka afar beelood oo min 30 xubnood ah iyo beesha 5aad oo 15 xubnood ah iyagoo la tashanaya beelahooda waxay soo xuli doonan xubnaha golaha ansaxinta Dastuurka iyo xubnaha Barlamanka cusub iyagoo ay gacan siinayaan guddi farsamo oo ka kooban 17 xubnood oo lix xubnood ka imaanayaan hay’adaha dowlada Federaalka Somaliyeed, 3 Xubnood Puntland, 3 Xubnood Galmudug, 3 xubnood Ahlu Sunah, 6 Xubnood oo Federaal ah iyo 2 xubnood oo ah xafiiska siyaasada qaramada midoobey ee Somalia UNPOS. Iyo 6 Xubnood oo ka socda beesha caalamka oo goobjoogayaal ah, wixii caqabad noqda waxaa loola soo noqonayaa saxiixayaasha Raodmap-ka iyo mabaa’diida Garowe1,2.

6 Waxaa lagu heshiiyey in shirka ugu horeeya ee madaxdhaqameedyada soo xulaya ergada ansaxinta Dastuurka ay kulankooda ugu horeeya ku yeeshaan magaalada Muqdisho 25 April 2012.

7- Waxaa la isku raacey in masuu’liyada iyo dhameystirka barnaamijka xilaga kala guurka ah iyo mabaadiida Garowe1,2 ay si gaar ah u saaran tahay saxiixayaasha barnaamijka “Roadmap-ka” oo ah cida loola noqonayo wixii caqabad ah.

8-waxaa la isku raacey fududeynta iyo takeerada maaliyadeed ee barnaamijka dhameystirka xiliga KMG ah in si deg-deg ah looga sugayo beesha caalamka.

9- Wixii aan halkaan ku cadeyn waxaa loola noqanayaa “Roadmap-ka” iyo Mabaadiida Garowe1,2.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.