Home » Warar »

Magaalada Ceel Buur oo Markii ugu Horeysey Taariikhda oo Gacanta u gashey Ciidamo Itoobiyaan ka dib markii ay halkaa ka Baxeen…

Wararka naga soo gaaraya Magaaladda Ceel Buur ee Gobolka Galgaduud waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay Galabnimadii Isniinta qabsadeen Magaaladaas oo ahayd mid ka mid ah Fariisamihii ugu weynaa ee Xarakadda Alshabaab waxaana warka intaa uu ku darayaan In Magaaladaas uusan ka dhicin Wax Dagaal ah.

Ciidamadii Alshabaab ee ku sugnaa Magaalada Ceel Buur ayaa iyana la sheegey in ku sugan yihiin meel aan sidaa uga dheereeyn Magaaladda Ceel Buur iyadoo lagu waramey in dadkii degenaa Magaaladda Ceel Buur ay halkaa ka qaxeen iyagoo u jaheystey dhinaca Hawd iyagoo ka Cabsi qaba in uu saameeyo Dagaalada, sidoo kale Ciidamo shabaab ah oo wata hubka noocayadiisa kala duwan ayaa la sheegey in ay ka soo dhaqaaqeen Degmada Galhareeri iyadoo lagu waramey in dadka Deegaanka ay aad ugu Caroodeen Imaansha Ciidamada Itoobiya.

Waa markii ugu horeysey oo Ciidamo Itoobiyaan ay gaaraan Magaaladda Ceel Buur, waxana la sheegey in Ciidamada Itoobiya ay qabqabteen dhowr qof oo la sheegey in looga shakisan yahay in ay taageesaan yihiin Xarakada Alshabaab, warar kale ayaa sheegaya in Ciidamada Itoobiya ee Halkaa tagey iyo Ciidamadii Ahlu Suna ay dadka u sheegaan in Magaalada Ceel buur laga dhisayo Maamul u gaar ah, sidoo kale wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado oo Xarun u ah Maamulka Ximan iyo Xeeb iyana u diyaargaroobeen sidii ay isaga dhicin lahaayeen Ciidamada Itoobiya.

Odoyaalka ka soo jeeda Magaalada Ceel Buur ayaa digniin u direy Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Ahlu Suna in sida ugu dhaqsiyaha Badan uga baxaan Magaalada Ceel Buur haddi kale ay wajahayaan Dagaal Qaraar , Odoyaashaas oo sheegey in Taariikh Xun ay ka raaci doonto Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Daba dhilifka u ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.