Home » Warar »

Muhaajiriin Soomaaliyeed oo laga sii daayay Xabsi ku yaalla Libya iyo kuwa weli ku jira Xabsiga.

Muhaajiriin Soomaaliyeed oo ay tiradoodu la ekayd 74, oo ay 13-ka mid ahi yihiin Dumar, midna uu Caruur ahaa, ayaa maanta(25/03/2012) laga sii daayay Xabsi KMG ah oo ku yaalla Magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Dadkan oo ay Safaaradda Soomaalida ee Libya ay sii-dayntooda u gashay dadaal badan, ayay Ciidanka Amaanka ee Tripoli 14-kii bishan gacanta ku soo dhigeen, xilli ay isu diyaarinayeen inay ku shiraacdaan Doonni kuwa Tahriibka ah, si ay ugu tallaabaan Xeebaha Dalka Talyaaniga.

Warka ayaa intaas ku daraya: inay Doonnidan iyo 4 kale, ay isla taariikhdaas iyo 15-kii bisha ay guda-galeen inay u shiraacdaan Xeebaha Talyaaniga.

Tafaasiil la xiriirta Doonyahan, ayaa sheegaysa: in ay Doonnida middood , gacanta u gashay Markab u soo socday dhanka Xeebaha Libya. Dadkii la socday Doontaas oo 78 wada Soomaali ahaa, ayaa la dhigay, welina ku jira Xabsi ku yaalla Tripoli., oo lagu magacaabo ‘Duwaysha’.

Doonnidii 3-aad, markii ay 3 habeen ku jirtay Biyaha, ayay iyadoo marin-habowsan, ku xiratay Dekedda Tuunis. Dadkii la socday Doontaas habawday ayaa haatan ku jira Xerada Qaxootiga ee ‘Shousha’ ee dalka Tuunis.

Labadii Doonyood ee kale oo middood laga dhex helay Maydadka dhowr qof, ayaa si dirqi ah ku gaaray Xeebaha dalka Talyaaniga.Tafaasiisha la xiriirta Maydadkaas ayaan weli soo gaarin Safaaradda Som.ee Libya.

Sida la og-yahay 13-kii bishan ayay ahayd markii Xabsi ku yaalla Tripoli laga soo daayay 53 Soomaali ah, oo lagu soo qabtay falkan Tahriibka ah oo kale. Waxaa kaloo hubaal ah inay kumannaan Muhaajiriin Soomaaliyeed, dhexda ugu soo jiraan ama u xaraysan yihiin Tahriib xagga Badda ilaa Talyaaniga ah.

Waxaa kaloo lala socdaa inay Badda u dhaxaysa Libya iyo Talyaaniga ku halligmeen, kuna maqan yihiin weli Kumannaan Muhaajiriin Afrikaan ah, oo ay Soomaalina ku jirto.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Sidaas darteed, waxay Madaxda Safaaradda Soomaaliyeed ee Libya ku celcelinaysaa, ugana digaysaa Dhallinyarada Soomaaliyeed Tahriibka xagga Badda ah, oo badanaa xambaarsan Cawaaqibxumo, naf iyo maal ah iyo halaag.

Dhanka kale, waxay Safaaraddu si buuxda u beeninaysaa Warar lagu daabacay Shabakadaha qaarkood , oo sheegayay in Libya gudaheed, lagu gubay 30-neeyo Muhaajiriin Soomaaliyeed ah.

Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Soomaalida
Tripoli-Libya

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.