Home » Warar »

Ciidamo Itoobiyaan oo soo Buuxiyey Guriceel iyo Shariif Xasan oo ka soo horjeestey in Ciidamo AMISOM la keeno Magaaladda Baydhabo

Dowladda Itoobiya ayaa askar tira badan ku soo daad gureysay Magaalada Guriceel ee Gobalka Galgaduud ee Dalkeenna Soomaaliya, iyadoo ciidamadaasi halkaasi dhaqdhaqaaqyo ay ka wadaan ka dib markii Magaaladda Dhuuso mareeb ay ka dheceen Dagaalo Khasaaro badan dhaliyey.

Cidamadaan qaarkood oo ka yimid Dhulka Soomaalida ee Itoobiya gumaysato ayaa soo maray Magaalada Balanbal ee Waqooyiga Gobalka Galgaduud ku taalla, halka qeyb kale ka tagtay Gobalka Hiiraan ee Dalkeena Soomaaliya oo ay muddo ku sugnaayeen, waxaana hore u joogey Degmadda Guriceel Ciidamo kale kuwaas oo la sheegey in ay gacan siinayaan kuwa Ahlu Sunna .

Askartu waxa ay degeen goobo Muhiim ah oo Guriceel ku yaalla oo qaarkood ay deganaa jireen cidamadii hore ee Soomaaliya.“waxa ay wataan ciidamadu 80 Gaari” ayuu yiri mid ka mid ah dadka Deegaanka oo Magaciisa sababo Amni uga gaabsaday.Waxgaradka Gobalka ku dhaqan qaarkood ayaa si kulul uga hadlay tilaabada Itoobiya ciidamada faraha badan ku soo dhoobtay Guriceel.

“Dadka Gobalka ku dhaqan Hubka ha qaataano, ha iska dhiciyaano Cadawga, Hubka iyo Gaadiidka ha ka furtaanu. Kuwa Galgaduud ku dhaqan, kuwa Hiiraan ku dhaqan waa in ay dagaalka ka qeybqaataan” sidaas waxaa yiri Warsame Xasan Cabdulle oo waramayey Idaacadda Alfurqaan., qaar ka mid ah waxgaradka Galgaduud gaar ahaan Guriceel ayaa ciidamadaas kulan albaabadu u xiran yihiin la yeesheey Sraakiisha Ciidamada Ahlu Sunna waxaana kulanklaas looga hadley sidii Dagaalo loogu qaadi lahaa Goobaha Xarakada Alshabaab kaga sugan yihiin Gabolada Galguduud iyo Hiiraan

Dhinaca kale wararka naga soo gaaraya Magaaladda Baydhabo oo dhawaan ay qabsadeen Ciidamada Itoobiya ayaa sheegayaan in Gudoomiyahii Baarlamaanka ee ay Xilka ka qaadeen Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka uu sheegey in marnaba ogolaan doonin in Ciidamo ka tirsan Amisom la keeno Magaaladda Baydhabo:”Amaanka Gobolka waxaa ku filan Ciidamada Itoobiya marnaba ma yeeleyno in Ciidamada Amisom ay yimaadaan Gobolka “ayuu yiri Shariif Xasan

Sidoo kale Odoyaal uu Abaabuley Shariif Xasan oo dhawaan la hadleyey Warfaafinta ayaa sheegey in ay ka soo horjeedaan in Magaaladda Baydhabo Yimaadaan Ciidamo ka tirsn kuwa Amisom sidoo kale waxay sheegey in Ciidamada Amisom ay wax ka qaban waayeen Amaanka Magaalada Muqdisho sidaadarteed ma ogolaaneyno in Ciidamo Amisom ay yimaadaaan Magaaladda Baydhabo.

Dhawaan waxaa Magaalada Baydhabo gaarey Saraakiil ka socotey Amisom kuwaas oo la sheegey in ay kulumo la yeesheen kuwa Itoobiya hase yeeshee kulankaas ayaa ku dhamaadey isfgarawaa kuwaas oo markii dambe ku soo laabteyMagaalada Muqdisho hase yeeshe dadka u kuurgala Arrimaha Siyaasada waxay sheegeyayaan in diidmada ka soo yeertey Shariif Xasan ay tahay mid markii horeba ka timid Saraakiisha Itoobiya waxayna diidmadaas ku tilmameen mid Lagu Xayaysiinayo Ciidamada Itoobiya islamrkaana lagu liidayo kuwa Amisom sidoo kale waxay ku tilmaameen mid Itoobiya loogu raadinyo in ay galaan-gal weyn ku yeelato arrimaha siyasadda ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.