Home » Warar »

Shirar ay yeesheen Jaaliyadaha Soomaaliyeed: Norway, K/Afrika, Galkacyo, W/Amerika, Muqdisho, Badhan….

Shirar kala duwan oo ay yeesheen jaaliyadaha Soomaaliyeed oo lagu qabtay Woqooyiga Ameerika, Koonfur Afrika, Gaalkacyo, Muqdisho..

Cisbitaalka Degmada Baran oo lagu soo kordhiyey qeybta Caruurta

Waxaa magaalada Badhan ee xarunta 2aad ee Gobolka Sanaag dhowaan lagu qabtey xaflad balaaran oo ay kasoo qeyb galeen dhamaan laamaha kala duwan ee Dowlada iyo ururada madaniga ee ka dhisan isla magaalada ayaa lagu wareejinayay qeybta cusub ee caruurta oo ay dhiseen ururka Sahal Community Organisation oo ka dhisan dalka Boqortooyada Ingiriiska. Sii Akhri…


Shirweynaha jaaliyada Somalida Ogadenia ee South Africa oo maalintii 2aad ka socda Port Elizabeth..

Boqolaal qof ooy kujiraan South African oo ka qayb galay , Calanka Ogadenia iyo midka South Africa oo noqday astaanta Shirka…. Shirkan oo ah mid ay Jaaliyada Somalida Ogadenia sanad walba ku qabato Xorunta Jaaliyada oo Ku taala magaala Madaxda Gobalka Eastern Cape ee Port Elisabeth ayaa furmay Khamiistii shalay wuxuuna socon doonaa ilaa maalinta Sabtidaha ah sida lagu wado . Shirka ayaa waxaa soo buuxdhaafiyay Boqolaal qof oo isugu jira Rag, Dumar Caruur u dhalatay Dalka Gumaysiga Ethiopia haysto ee Ogadenia… Sii AKhri…..


Jaaliyadda Beelaha Muddulood ee Woqooyiga Ameerika oo caleemo saaray Caaqil Xaaji Caraale Carshaan

Sabti March 17, 2012 – Kulan balaaran ay isugu yimaadeed jaaliyada beesha Muddulood ee waqooyiga Ameerika maalinimadii Jimcaha ay bisha Maarso ahayd 16.3.2012 ayaa waxa lagu caleemo saaray Caaqilka beesha Muddulood. Xilka Caaqilka cusub ayaa waxaa hore u hayn jiray Caaqil Maxamud Cali Jimcaale (Koogaar), naxariistii jano alaha ka waraabiyee oo ahan jirey Guddoomiyaha Guddiga Muduloodka Waqooyiga Ameerika ( North America Mudulood Chairman). Sii Akhri….


Shir Beesha Cumar maxamuud oo kadhacayay beerta Amiir Maxamuud Yuusuf Ciise ee Gaalkacyo

Shirkan oo uu gudoominayey Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ahaa Isimka ugu weyn Isimada joogay isla markaasna wakiil rasmiya ka ahaa Islaan Bashiir Islaan Cabdille oo Hawlo shaqo uga uga maqnaa shirka.Shirkan aadka loo agaasimay oo ay soo qaban qaabiyeen Ganacsato iyo waxgarad dalka dibadiisa kayimid ayaa aad loogu lafa guray muhiimada midnimada beesha iyo dhinaca horumarka sidii deegaanada beesha looga hirgalin lahaa. Sii AKhri….


Beesha Reer Xaaji Suleymaan oo Jawaab kulul ka bixisay hadal ka soo yeeray Dowladda KMG ee ku saabsanaa Qaraxii Ismiidaaminta ee ka dhacay Madaxtooyada

Kulan balaaran oo ay magaalada Muqdisho ku yeesheen Qeybaha kala duwan ee beesha reer Xaaji Suleymaan aan oo ka mid ah beelweynta Habargidir ayaa waxay uga hadleen, isla markaasna ay jawaab kulul uga bixiyeen hadal ka soo yeeray qaar ka mid ah saraakiisha dowladda KMG, Qarixii ismiidaaminta ahaa ee maalintii Arbacada ka dhacay afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada iyo Duqeyntii ay diyaaradaha Kenya ku laayeen caruur wadadhalatay oo hal qoys ka koobnaa. Sii AKhri…..


Shir lagu xusayo Maalinta Xasuuqa Ogadenya oo ka dhacay dalka Norway.

Norway- Waxaa xalay fiidkii magaaladda Oslo lagu qabtay munaasabad aad u balaadhan oo lagu xusayey maalinta xasuuqa Ogadenya (Ogaden Massacre Day). Xuska maalintan oo ay soo qaban-qaabiyeen ururka dhalinyarada iyo ardayda Ogadenya ee dalka Norway (OYSU), ayaa lagu martiqaaday wufuud kala duwan oo ka kala socday hay’adaha xuquuqul insaanka ee wadamada Yurub, aqoonyahano ku xeel dheer arimaha bani’adminimada, maamulka Jaaliyadda iyo dadweyne kale.

Shirkan oo ujeedadiisu ahayd sidii aduunka loo xasuusin lahaa xasuuqa ciidamad Woyaanuhu kawadaan dhulka Soomaalida Ogadenia, ayaa laga soo jeediyey war-bixino dhawr ah oo sheegayey heerka uu gaadhsiisan yahay dilka iyo kufsiga baaxadda leh ee ay geysanayaan maleeshiyaadka Itoobiya.

Maalinta xasuuqa Ogadenya oo dunida laga xuso sanadkiiba hal mar, ayaa sanadkan ku soo hagaagtay marxalad adag sida ay sheegayaan warbixinna gudaha ka imanay oy ka mid tahay warbixintii ay hay’ada Human Right Watch kasoo saartay gumaadka ka jira dhulka Ogadenya. War bixin dheer oo haya’ada HRW ay ka qortay xaaladda bani-aadminmo ee caalamka ayaa lagu cadeeyey in dhulka Ogadeenya ay ka socdaan xasuuq baalaadhan oo askarta Tigreegu u geysanayaan dadka reer-guuraaga, iyagoo islamarkaasna dab qabadsiinaya tuulooyinka la dagan yahay.

Video:

http://youtu.be/d_yh6aEXxyM

Warbixino ka xogwaramaya xaaladda Ogadenya ayaa goobta shirka laga soo jeediyay iyadoo wufuudii ka soo qaybgashay shirka la daawadsiiyay filimo ka xog-waramaya xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka S.Ogadenya. Dadkii joogay shiraka ayaa muujiyey markay dhagaysteen warbixinadii ay soo bandhigeen dhalinyarada OYSU-Norway inay ka xunyihiin dhibaatada lagu hayo shacabka Ogadenya iyo sida uu caalamka uga aamusan yahay arimaha naxdinta leh ee shacabkaasi uu ku sugan yahay.

Xarbi Aden.
La xiriir geeddan@yahoo.com
iyo Mohamed Ilyas. (freelance Journalist)


Warar kale:

Ra’iisul Wasaaraha oo galabta la kulmay haween ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka ah

Muqdisho, March 17, 2012—–Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa galabta xafiiskiisa ku qaabilay haween ka kala socday qeybaha bulshada Rayidka sida, Guddiyada, Bulshada Rayidka, ururada iyo qeybaha kale ee muhiimka ah isaga oo la tashi ballaaran kala sameeyay qaabka loo wajahayo marxaladda kala guurka, dhismaha Baarlaanka iyo ansixinta Dastuurka dalka iyo weliba Koontada haweenka ee 30% (Boqolkiiba soddon). Sii Akhri

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.