Home » Faallo »

Dad Kala Didsan, Dano Shisheeye & Dal Hodan Ah ?

Alaah ayaa mahad oo idil iska leh, nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.
Dadka Bani’aadamka ah ayaa ku kala duwan fikirka , Garaadka , Aqoonta , Farsamada , Hanka iyo Hal abuurnimada Iyo caqliga Waa sida uu eebe u abuuraye Balse waxyaabaha dunida iyo Quburada cilmiyada Bulshada ( Sociology) & Cilmi Nafsiga Bulshada (Social Psycholgy) Wax ka dhigtaa eey la yaabeen si wanaagsan eey u Qeexi waayeen ayaa ah kala duwanaanta & Kala Qoqobnaanta Fikirka iyo Ficilka Bulshada Soomaaliyeed oo waxaad maqleeysaa in reer walba uu tuulo, degmo ama Gobol ay dad yar ooh al milyan aysan ku nooleyn u sameeyay Maamul oo leh waxaaynu nahay Reer Hebel State iyo magacyo kale oo fara badan oo aysan mudneyn in la xusaa Balse waxaa muhiim ah la fahmo in Qabaa’ilku yahay Laan ka mid Laamaha Qaranka Sidoo kale Gobolku wuxuu ka mid yahay, ku yaallaa qaybna ka yahay dalka Soomaaliyeed oo ahjidhka, oogada Qaranka Soomaaliyeed. Qaar maskaxdoodu , aqoontoodu iyo fikradoodu yar tahay baa aaminay in Gobalka ama xaafad yar ama Sedex gobal in ay noqon karaan maamul jira oo shaqeeya sidii dowlad iyadoo aysan kaafin Karin waxyaabahii yar yaraa ee dowlad qarami ay qaban laheyd sida Adeegyada Waxbarasho, Caafimaad iyo Dhowrida amniga iyo xuquuqda dadka . Waxaa muhiim ah fikradaha la mideeyo, oo dhalinyarada iyo dadka laga dhaadhiciyo midnimada , muhiimadeeda , faa’iidooyinkeeda Iwm. Sidoo kale in Caruurta lagu barbaariyo labbo qodob oo mihiim u ah ineey fahmaan kuna barbaaraan :-

1- In dadka soomaaliyeed ay yihiin dad wada dhashay oo walaalo ah oo aan cadaw isku aheyn lana daboolo waxii ka dhexdhacay oo dhan oo dhib ahaa ka dhex dhacay Markaa Hadii ubadka sidaa wax loo fahamsiiyo uuna ku barbaari in la jecleeysiiyo dadkiisa waxaa meeshaa ka dhalaneeysa muddo kadib in ay soo baxaan dhalinyaro mid ah oo walaalo ah.

2- In dadka soomaaliyeedi ay leeyihiin cadaw soo jireen ah ( Ethiopia ) oo dantiisu ay tahay sidii soomaali loo cirib tiri lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa Waa muhiim in ubadka ama dhalinta la fahamsiiyo , lagu barbaariyo lana barro taariikhdooda soo jireenka aheyd.

Dalal soomaaliya ka weyn oo ka dad badan sida India iyo China iyo kuwo kale oo dadkoodu ay kala diin, madhabyo, dhaqan, luqado, iyo midabo duwan yihiin ayaa mid ah oo rabba in dhaqaalaha aduunyada ay hogaamiyaan 40 ka sanno ee soo socota ka dib waxaana u sabab ah Midnimo iyo Isku duubni Balse waa fajac iyo Anfariir in dadka soomaaliyeed ay Tobanba dhinac u jeesato ay tiraahdo waxaaynu nahay fulaan state iyo wax la mid ah . Dadka Dadka gumeystaa waxeey adeegsadaan Fikarada ah “ Divide and Rule” oo ah kala qeybi oo xukun waana tan manta dadka soomaaliyeed heystaa.
Halka aduunyadu ay ka shaqeeyneeyso in ay midoowdo si mid ahna isku kaashato tusaale Europe waxaa ka jira midow ganacsi (Business Block) iyo mid midoow siyaasadeed oo waxeey si isku mid ah ula dagaalamaan musuqmaasuqa waxaana si isku mid ah ay wax uga qabtaan Jahwareerka dhaqaale ee ka dhex dhaca Dhexdooda Sida wax ka qabashada dhaqaale bur-burka ku socda wadama la isku dhaho ( PIGS ) OO ah Portugal , Italy, Greece & Spain wadamadaan ayaa midowga Europe ay rabaan inay badbaadiyaan.

Hadaba Sidee looga baxaa kala Didsanaantaan , Looguna Gudbaa Midnimo iyo Guul ?

Fikir kala duwanaanshaha waa wax waligeedba soo jiray oo ilaa xiligii Nabbi Maxamed ( NNKH ) waxaa jirtay in ay isku qabsan jireen Muhaajiriin iyo Ansaar waxaana mar walba la hadli jiray oo isku keeni jiray Nabbi Maxamed (NNKH) Meeshaa waxaan ka aqrisan karnaa in isku imaashaha, midnimada iyo walaaltinimada ay mihiim tahay waayo Nabbi Maxamed oo aynu ku dayano ayaa sidaa yeeli jiray sidoo kale Mideynta ummad iyo dal ma aha wax sahlan oo waxeey u baahan tahay in ay dad badan u istaagaan sida aqoonyahano, suugaanyahano,siyaasiyiin,culumo,dhalinyarro IWM.

1- Aqoonyahanka: Waa in qibradiisa iyo Aqoontiisa uu la kaashado sidii uu isugu soo dhaweyn lahaa ummada.
2- Suugaanyahanka: sidoo kale waa in uu suugaanta noocyadeeda kala duwan u adeegsadaa sidii u isugu soo dhaweyn lahaa Bulshada.
3- Siyaasiga: Waa in uu noqdaa mid dantiisa ay tahay mideynta, isku soo dhaweynta iyo isku duubida ummada.
4- Culumada: Doorkoodu waa in ayaga oo kaashanaya diinta iyo sunaha nabiga ay ummada u sheegaan manaafacaadka iyo muhiimda midnimada.
5- Dhalinyarada: Doorkoodu waa in ay ka shaqeeyaan midnimada, isjecleysiinta iyo isku duubida dadka iyo dalka. Hadii intaan oo mid ah la hello umadi waa liibaantaa sidii ilaaheey uu ka rabayna waa noqotaa.

Dano shisheeye: { DANI WAA SEETO }

Dal dadkiisu ay kala didsan yihiin oo aysan is rabin waxaanan shaki ku jirin in il xun lagu soo fiirinayo oo dano hagardaameed laga yeelanayo hadii ay noqon laheyd in la gumeysto: sidii cadeed ee dalkeena iyo dalal badanba ka dhacday oo aduunyada ku yaal ama si dadban oo manta dalal badan oo aynu ka mid nahay ay ku jiraan.
Danuhu shisheeye waa faro badan yihiin waana isdulsaaran yihiin Balse waxaan u kala qaadi karnaa sedex koox:

1- Reer Galbeedka{ Europe & USA }

Danaha Dowladaha galbeedka ah waligoodba waxaa lagu yaqiinay xaqiraad, gardarro,xaasidnimo, iyo in cagta hoosteeda lagu haayo dadka madoow iyo islaamka oo waxaa marqaati ka ah gumeysigii ka dhacay qaarada afrika iyo dalal kale oo aduunyada ku yaal Gaar ahaan somaliya waxeey ka geysteen oo duleyn dad iyo dal ahaa wali kama go’in maskaxda dadka somalida ah oo ilaa maantadan waxaad maqleysaa koonfurta waxaa gumeystay Talyaani halka Waqooyina Ingariiska uu gumeystay waxaase xusid mudan in somalida ay dhaqan u leeyihiin in la noco gumeystaha midabka uu doono ha lahaadee Balse reer galbeedka iyo mareykan dantoodu waxaa la dhihi karaa in aysan ka duwaneyn tii dadka soomaliyeedi ay ka xuroobeen 1960 waxaanse soconeyn qarnigaan gumeysi iyo soo fariiso aan kuu yeeriyee Waxaase danahooda lagu soo gabagabeyn karaa kalmada dhaheysa Adiga ayaa guuldareystay anigaase guuleystay.

2- Dowladaha Islaamka sida Turkey IWM.

Danaha dowlaha islaamka sida turkeyga, sacuudi, Qatar, Kuwait ayaa waxaa la dhihi karaa kuwo biloow wanaagsan leh oo saaxiibtinimo, iskaashi, iyo walaaltinimo islaam ku soo biyo shubanaya balse waxaa loo baahan yahay dowlad qorsheysan oo u diyaarsan sidii dalalkaa gacanta inoo fidiyay sida turkeyga loola shaqeeysan lahaa oo looga faa’ideeysan lahaa sidoo kalana loogala kaashan lahaa horumarka dalka iyo dadka .

3- Dowladaha Dariska ah sida:{ Ethiopia, Kenya, Uganda iyo Burundi}

A- Ethiopia waxeey goobjoog ka aheyd shirkii Berlin ee dalka soomaaliya lagu qeybsanayay waxaase la wada ogsoon yahay in ay cadaw soo jireen ah oo somaliya dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi Karin ayey u geysatay ilaa iyo manta ayey dalka si sharci darro iyo xoog ah ugu jirtaa magaalooyinka B/weyne iyo B/dhaba waxaase murugo ah dadkeena oo aanan garaneyn taariikhdooda iyo danaha ay shisheeyuhu ka leeyihiin
B- Kenya ayaa sanadkii tagay markii ugu horeeysay dalka soomaaliya si sharci darro ah ku soo gashay iyadoo ku eersheeganeysa baacsashada kooxda alshabaab balse qasaare ba’an ayey dadkeena degen xadka iyo jubbooyinka ku heeysaa maalin walba iyadoo danteedu la dhihi karo badda soomaaliya ee shidaalka leh.

C- Uganda & Burundi

Aduunyadu waxaa ciidamo nabad sugid la geeyey dalal badan oo aduunyda ku yaal sida: Congo, Angola, Namibia, Sierra leone, Iran-Iraq, Bosnia iyo Herzegovina, Kashmir iyo meelo kale oo farabadan Balse waxaa jira su’aale farabadan oo u baahan in laga jawaabo oo ay ka mid yihiin:- Ciidamada amisom ma yihiin kuwo dalka nabadiisa si habsami leh u sugi kara? Yaa loo raacanayaa dhibaatadii ay geysteen ? Ma waxeey yihiin kuwo saaxiibo ah oo dalka iyo dadka inta ay mideeyaan misana nabadeeyaan ka tagi doona ? mise Waa dowlada dhabta ah ee dalka ka talisa ? Dantoodu maxeey tahay ? Gunti waxaa jiro dano balse la arki doonee meesha ay ku dambeeyn doonaan?

Dal Hodan ah

Shaki kuma jiro, Caadna inagama saarno cid ka war la’na ma jirto in dalkeenu yahay dalka hodan ah Eebana ku maneystay Webiyo, Bad baaxad weyn leh, Dalaga noocyadiisa kala duwani ay ka baxaan oo sidoo kale uu yahay dal Petrol, Macdan iyo Gasba leh Balse Waxaa su’aal sadar oo qura ah ka taagan tahay Sidii lagu hanan lahaa oo si qurux badan loogu noolaan lahaa ?

Gabogabo

Waxaan ku soo gabogabeynayaa qormadaan yar in ay muhiim tahay Midnimada, Yeelashada hogaan dhab ah oo xalaal ah oo cadawga iyo danahooda guracan og iyo ka faa’ideysashada Dalkaan hodanka ah.

W/Q. Ahmed Mohamed Rooble

Waa Arday Jaamacadeed, Cilmibaare iyo Qoraa Sare.

{amrooble10@hotmail.com}

Karachi, Pakistan.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

2 Jawaabood " Dad Kala Didsan, Dano Shisheeye & Dal Hodan Ah ? "

  1. m.m.ahmed says:

    Aad baad u mahadsantahay, waxaa loo baahanyahay fikradaas oo kale iyo wax la mid ah, dhallinyaradana waa in ay sidaas ay u fakaraan , waa qoraal qiimo adduunyo iyo mid aakhiroba.

  2. Mahadsanid Ahmed Waa aragti iyo Maqaal wanaagan walaal