Home » Warar »

Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirkii Golaha Wasiirada fadhigoodii maanta

Shir ay maanta yeesheen Golaha Wasiirada oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Dr Cabdiweli Maxamed Cali ayaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin safarkii Ra’iisul Wasaaraha, Shirkii Garowe 2 iyo go’aamadii ka soo baxay, arrimaha amniga, arrimaha Gobolada, Istraatejiyada Warbaahinta Dowladda iyo arimo kale.

Ugu horeyntii Ra’iisul Wasaaraha DFKMG ayaa ka warbixiyey safaradiisii uu ku tagey shirkii London, xarunta Midowga Yurub ee Brussels, waddamada Norway, Sweden iyo Kenya. Ra’iisul Wasaarahu waxuu ku tilmaamay shirkii London mid ku dhamaaday guul oo uu xusay in go’aanadii Garowe 2 oo Soomaalidu ku heshiisay wax weyn ka taray oo la isku raacay London in Roadmapka, iyo go’aamadii Garowe 1 & 2 la sii dhameystiro dhaqangalkooda, waxaa kaloo la isku raacay in xalka Burcad-badeedu ay tahay in Dowladda laga saacido dhanka amniga oo bucad badeeda lagala dagaalamo dhulka. Waxaa kaloo la isku raacay in sanduuq caalami ah loo sameeyo xasilinta goobaha laga xorreeyo Al-Shabaab si shacabka degaanadu u sameystaan maamulo lagu kalsoonaan karo iyadoo la raacayo siyaasadda iyo Istraatijiyada Dowladda ee ku wajahan deegaanada laga xorreeyo Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaarahu waxuu sheegay in waddamadii uu booqday ay si aad ah u soo dhoweeyeen horumarka ballaaran ee Dowladdu sameysey isla markaana ay sheegeen inay diyaar u yihiin inay Dowladda ku saacidaan dhameystirka xilliga KMG ah sida dhameystirka iyo ansixinta dastuurka iyo dib-u-habeynta baarlamaanka. Ra’iisul Wasaaraha intii uu joogey Nairobi waxaa ka mid ahaa mas’uuliyiintii uu la kulmay Wasiirka Gaashandhiga Kenya, Diblomaasiyiinta daneeya Soomaliya iyo Wendy Sherman oo ah ku xigeenka Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, kalana hadlay dhaqangelinta iyo dhameystirka howlaha roadmap ka iyo sidii gobolada laga xorreeyo Al-Shabaab gacan looga siin lahaa Dowladda si aysan Al-Shabaab ugu soo noqon deegaanadaas.

Wasiirka Dastuurka, Fedraalka iyo Dib-u-heshiisiinta ayaa ka warbixiyey horumarka baaxadda leh ee laga sameeyey qabyo-qoraalka Dastuurka oo uu sheegay in guddigii madax-bannaanaa iyo guddigii khubarada Soomaaliyeed ay in muddo ah wadeen dar-dar gelinta iyo dhameystirka dastuurka, isla markaana ay Muqdisho ku sameynayeen wadatashiyo qeybaha kala duwan ee bulshada si ay u ururiyaan afkaartooda iyo tallooyinkooda inta aan la dhameystirin dastuurka. Wadatashigan ayaa weli socda oo dhowaan la rajeynayaa in laga qeybgaliyo maamulka gobolka iyo degmooyinka Banaadir. Sidoo kale waxaa la rajeynayaa in wada-tashiyadan la gaarsiin doono dhammaan gobolada dalka. Wasiirku waxuu sheegay in la qaban doono shirar ay bulshada uga wada tashanayaan sidii dastuurka qodobadiisa looga doodi lahaa sida xoriyadda warbaahinta, iyo shareecada Islaamka oo saldhig weyn u noqon doono dastuurka cusub. Wasiirku waxuu sheegay in ay ka go’antahay in 30% tirada Golaha Guud ee deegaanada ay noqon doonaan dumar. Sidoo kale Wasiirku waxuu sheegay in 15ka xubnood ee Guddiga Doorashada uu waajibkoodu yahay inay xaqiijiyaan tayada xubnaha baarlamaanka oo go’aanka ugu danbeeya ay yeelanayaan Oday dhaqameedyada Soomaaliyeed.

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ka warbixiyey horumarka guddiga heer wasiir ee ku wajahan deegaanada laga xorreeyo Al-Shabaab oo uu sheegay in wasiiro ay booqdeen Beledweyn, Baydhabo iyo deegaano ka tirsay Gobolka Gedo. Wasiirku waxuu sheegay in la diyaariyey siyaasadii iyo istraatejiyadii Dowladda ee ah in deegaanada la xorreeyo amnigooda la sugo, shacabka deegaanka ay sameystaan guddi amni, dib-u-heshiisiin waartana la dhexdhigo beelaha deegaanka, isla markaana ay sameystaan maamulo lagu kalsoonaan karo. Wasiirku waxuu sheegay in xasilinta goobaha cusub ay muhiim u tahay dowladda horumar ballaaranna laga sameeyey.

Wasiirada Amniga oo ka warbixiyey xaaladda amniga ayaa sheegay in xasilinta Muqdisho iyo gobolada laga xorreeyey Al-Shabaab ay si fiican u socdaan oo hay’adaha amniga ay ku guuleysteen inay ka hortagaan falal argagaxiso oo shacabka lagu waxyeeli lahaa, loona xiray shaqsiyaadkii ka danbeeyey. Golahu waxey codsadeen in la sii dar-dargeliyo xasilinta iyo amniga dalka. Goalhu waxey cambaareeyeen Qaraxii shalay oo Al-Shabaab sheegteen 2 ruux oo falka fulineyseyna ku dhinteen, halka ruux kale ku geeriyooday isbitaalka, dhaawacana ay yihiin 6 ruux. Ciidanka Dowladda ayaa ku guuleystay in shaqsiyaadkaas aysan u suurto gelin inay soo galaan xarunta madaxtooyada.

Wasiiru Dowlaha Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha ayaa sheegay in gediga dayuuradaha caalamiga ee Aaden Cabdulle lagu sameeyey dayactir wanaagsan oo silig lagu wareejiyey garoonka, isla markaana la rakibay qalabkii hagi lahaa diyaaradaha.
Golahu waxey u mahadceliyeen Turkiga oo dyactirka sameysey iyo diyaaradii Turkish ka oo ka howl bilowday dalka 6dii Maarso.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha soo hordhigay Istraatejiyada Warbaahinta Dowladda kana codsaday wasiiradda inay dar-dar geliyaan ku dhaqanka Istraatejiyadan cusub oo uu sheegay inay kaalin weyn ka qaadan doonto warbaahinta iyo xiriirka bulshada. Wasiirku waxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay aad u taageersanyihiin waxqabadka Xukuumadda isla markaana ay aaminsanyihiin in Xukuumaddan ay wax badan ka qabatay horumarka amniga, xiriirka maamulada, dib-u-heshiisiinta, qabyo-qoraalka dastuurka, iyo arrimaha maamul wanaaga.

Ugu danbeyntii golahu waxey soo dhoweeyeen go’aankii Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ee 22kii Febraayo oo ay ku mamnuuceen dhoofka dhuxusha ka dib markii ay Xukuumaddu ka codsatay.

—-Dhamaad—–


Garad Salad Hersi
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-615536608
+252-6-2536608
Mogadishu, Somalia

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.