Home » Warar »

Muhaajiriin Soomaaliyeed oo laga sii daayey Xabsi ku yaalla Tripoli ee dalkaas Libiya.

Muhaajiriin Soomaaliyeed oo isugu jira Rag, Dumar iyo Caruur, oo ay tiradoodu la ekayd 53-qof, ayaa maanta(13/03/2012), laga sii daayay Xabsi ku yaalla Duleedka xagga bari ee Magaalada Tripoli ee dalka Libya.

Muhaajiriintan oo in muddo ahba lagu hayay Xabsi KMG. ah, oo ku dhex-yaalla Xarun ay leeyihiin Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee dalka Libya, ayaa lagu soo eedeeyay: inay ku guda-jireen Falal Tahriib xagga Badda ah, oo ay ku maagganaayeen inay ugu tallaabaan Xeebaha xagga Koonfureed ee Yurub, siiba Talyaaniga.

Madaxda Safaaradda Soomaalida ee dalka Libya, ayaa dadaal xoog leh u galay, sidii ay Muhaajiriintan Soomaaliyeed Xurriyaddooda dib ugu heli lahaayeen.

Danjire/Cabdulqani M.Wacays, oo Muhaajiriintan kula hadlayay Gudaha Safaaradda, markii la soo daayay ka-dib, ayaa ku baraarujiyay Dhallinyaradan: inay ilaaliyaan Sharciyada, Nidaamka iyo Habsami-ku-joogga dalka loo martida yahay ee Libya,iskuna deyaan inay ka faa’iidaystaan fursadaha shaqo ee haatan ka jira dalkaas gudihiis.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Muhaajiriintan ayaa dhankooda- iyadoo ay Wejiyadooda ka muuqatay farxad iyo raynrayn, uga mahad-celiyay Danjire/Cabdulqani M.Wacays iyo Qunsulka Safaaradda: Muxyaddiin M.Kaalmoy, dadaalka iyo xilka gaarka ah ee ay iska saareen sii-dayntooda.

Sida la ogyahay: Muhaajiriin Kumannaan ah oo Soomaali iyo dadyow kaleba isugu jira, ayaa ku soo qulqula Libya, kuwaas, oo ay inta badan ujeeddadoodu tahay inay u sii tahriibaan dhanka Yurub. Falkaas Tahriibka ah, ayaa Sannad kasta waxaa ku le’da, baddana ku halligma tiro aad u badan oo iyaga ka mid ah.

Xafiiska Warfaafinta ee Safaaradda Soomaalida
Tripoli-Libya.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.