Home » Warar »

Idaacadda Danan oo u Dabbaal Degtay Sanad Guuradeedii Sedaxaad ee ka soo Wareegtay Markii Dhidibada loo Taagay

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna Maamuusayay Sanad Guuradii Seddaxaad ee ka soo wareegtay Aasaaskii Idaacadda Danan ayaa maanta ka dhacday Xarunta Idaacaddaasi ee magaalada Muqdisho. Munaasibaddan Xuska Seddax Guurada Idaacadda ayaa waxaa ka hadlay Siyaasiin, Nabadoono, Cuqaal waxgarad iyo qaybaha kale ee Bulshada Soomaaliyeed kuwaasoo arigtooda ku cabirayay Sadaxdii Sano ee Idaacaddu ay shaqayneysey.

Xildhibaan Shiikh Aadan Madoobe Guddoomiyihii ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii ka hadlay Munaasibadda Sanad uurada Sedaxaad ee Idaacadda Danan ayaa ku sheegey in Idaacaddaasu ay tahay mid dhex dhexaad ah isla markaana ku shaqaysa habka Anshaxa saxaafadeed.Xildhibaanka ayaa amaanay Iadaacadda danan isagoona sheegey in ay ka mid tahay Idaacadaha ugu macquulsan ee maanta ka jira Magaalada Muqdisho.Shiikh Aadan Madoobe ayaa qiray in Idaacadda danan ay tahay Idaacad dhex dhexaad ah isagoona hambalyo iyo bogaadin u diray dhamaanba Shaqaalaha Idaacadda.

Garyaqaan Dr Cabdinuur oo ka mid ahaa mas’uuliyiintii Munaasibaddaas ka hadshay ayaa isaguna u hambalyeeyay Idaacadda Danan oo uu sheegey in ay tahay Idaacad u taagan u shaqaynta Bulshada Soomaaliyeed. Garyaqaanka ayaa hoosta ka xarriiqay mudadii ay jirtay Idaacaddaasu in Bulshada Soomaaliyeed ay u soo ban dhigtay Barnaamijyo waxtar leh isagoona ku amaanay doorka ay kaga jirto horumarinta Saxaafadda Soomaaliyeed.Qaybaha kala duwan ee Bulshada Soomaaliyeed ayaa iyaguna ka hadlay Munaasibaddaas iyagoona ku amaanay Idaacadda danan doorka ay kaga jirto War Baahinta Soomaaliyeed.

Maxamed Xuseen Awliyo Dad weyne oo ah afhayeenka Ahlu Sunna ee Yurub oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii Hambalayada u soo dirtay Idaacadda Danan ayaa sheegey in Idaacaddaasu ay tahay mid dhex dhexaad ah isagoona si gaar ah Xusuustiisa ugu Dhejiyay Doorkii Idaacadda Danan ay ku lahayd Barnaamijkii Badda Soomaaliyeed iyo soo bandhigiddiisii.Awliyo dadweyne ayaa hambalyo u diray dhamaanba Maamulka Shaqaalaha iyo wariyaasha Idaacadaas ka hawl gala isagoona u rajeeyay in sanadkan sanadkiisas ay ku gaaraan Bashbash iyo Baraare.

Guddoomiyaha Odayasha Dhaqanka Beelaha Direed Macalin Barre oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii sida tooska ah uga qayb gashay munaasibaddaas ayaa hanbalyo u diray maamulka Idaacadda Danan iyo Shaqaalahooda isagoona sheegey in Danan ay soo martay marxalado kala duwan isagoona u rajeeyay Shaqaalaha War baahintaas ka hawl gala Guul.

Agaasimaha Guud ee Shirkadda Warbaahinta Danan Maxamed Barre Xaaji Fiyoore oo iminka ku sugan Magaalada Londdon ee Carriga Ingiriiska oo ka mid ahaa Mas;uuliyiintii ka hadshay Munaasibadda 7da Maarso ayaa sheegey in Idaacaddu Duruufo badan ay soo martay isla markaana Mustaqbalka ay rajeynayaan in Maqalkeeda ay gaarsiyaan qaybo badan oo dalka iyo dibaddiisaba ah.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Fiyoore ayaa dhiniciisa Hawada u soo mariyey hambalyo shaqaalaha ka hawl gala Hay’adda danan isagoona shacabka Soomaaliyeed u balan qaaday in dadaalkoodii hore ay sii laba jibbaari doonaan isla markaana doorka kaga aadan horumarinta Saxaafadda Soomaaliyeed ay safka hore ka geli doonaan.

Isku soo duuboo Danan Radiyo ayaa maanta Sedax Sano jirsaday iyadoona muddooyinkii uu shaqaynayay ay la soo gudboonaadeen Duurofo kala duwan isla markaana Umadda Soomaaliyeed la qaybsaday dhibaatooyinkii Dagaaladii ka dhacayay Magaalada Muqdisho taasoo qaybo ka mid ah Idaacaddu ay saameeyeen dagaaladaas

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk

E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.