Home » Maqaallo »

Aflagaadada Culimada Cibaado ha Moodin!!!

Aflagaadada Muslimiinta Carabkaaga ka ilaasho!!
Illaah waxaa uu ku Mahadsan Nicmooyika muuqda iyo kuwa aan muuqan uu noo hibeeyay, nicmooyinkaasna waa kuwa aysan suura gal ahayn in tiro lagu kobo, waxaanse rabaa inaan mid kaliya wax ka iraahdo.
Nicmooyinka weyn ee qaaliga ah waxaa ka mid ah nicmada Carabka kaasoo ah nicmo naloo siiyay inaan illaah ku Caabudno magaciisa iyo raali waxa uu ku yahay kaliya ku sheegno xalaashana ku cuno, arintaase waxaa iloobay dad badan oo xaaraanta ku quuta haday tahay Xaaraan la quuto ama Xaraan macno ahaan Dembi weyn sida Xanta iyo aflagaadada.

Waxaa carabka dad badan u horseedi doonaa in maalinta qiyaame cadaab ku mutaan waxay ay ku kasbadeen sida uu Nabigeena suuban Nabad iyo naariis korkiisa Allaha yeelee Cadeeyay markii uu Mucaad u dardaarmayay asagoo yiri: Dadka maxaa naarta weji weji ugu ama sanqaroorka ugu rida oo aan ahayn waxa Carabkooda shaqeestay?.

Sidoo kalena Nabiga Suuban Nabad iyo Naariis korkiisa Allaha yeelee waxa uu sheegay in Maalinta qiyaamaha la keeni doono dad wanaag badan soo Camal falay haday Salaad tahay haday Zako tahay hase yeeshee Carabkoodana eedo iyo godobo fara badan ku geestay ayadoo marka la xisaabanayo ay Camalkiisu ka dhamaanayo Ajarkii uu ka heli oo dhan marka laga gudo godobta uu uu ku geestay Carabkiisa ilaa uu ka dhamaado Ajarkiisa oo dhan sida loogu Magdhabayo dadkii uu Carabkiisa ama Gacantiisa ku waxyeelay ayadoo marka dambana uusoo istaagay asagoon Ajar u harin qaantiina ay ku harsan tahay taasoo keenaysa in dadkii uu godobta ka galay Dembiyadoodii qoorta loo suro naartana sidaas ku galo, ninka noocaas ah ayuu Nabiga ku sheegay wax laabe ama faqiirka dhabta.

Waxaana xasuusin mudan Carabka waxa uu noqday maanta mid xumaanta iyo fidnada huriya kan ugu daran nin walbana marka uu fidno kicinaya waxaa uu ku bilaabaa Carabkiisa, waxaana ugu daran waxyaabaha Carabka lagu sheego in Rabiga koonka abuurtay lagu been abuurto ayadoo Dhiig, Maal iyo Sharafba lagu baneesanayo lsi xaqdara ah ana leeyahay illaah ayaa na amray.

Illaahna waxaa uu ka digay : {Kuwa ku dhiba Mu’miniinta rag iyo Haeenba waxay Kasbanin waxay Xambaarteen been abuurasho iyo Dembi Cad} [Al-Axzab 58] ayadaan waxa ay u digeeysaa dadka dhibaateeya Dadka Muslimiinta ah ayagoo ku dhibaateynaya been ay ka sheegeen, taasoo Jaza ahaan ay dusha u saran doonaan Been abuurkooda iyo Dembigii ka dhashay dhibaatadii gardarada aheyd ee ay Muslimiinta u geesteen.

Nabiga Nabad iyo Naxariis korkiisa Alaha yeelee waxaa uu ka sheekeeyay Habeenkii la dheelmiyay markii Samada la korsiiyay inuu arkay Dad Cidiyo Maar ah ayagoo isaga xaganaya Wejiyada iyo Laabta, waxaana uu sheegay Nabiga Suuban inuu Jibriil weydiiyay kuwaan dhibaatada heysato waxa ay yihiin ayadoo Jibriilna uu sheegay inay yihiin kuwaas kuwii Cuni jiray hilbihii Dadka Sharaftoodana dhaawici jiray.

Hadaba sababta Cidiyaha dhaadheer loogu yeelay waxa ay tahay wejiyadoodana iyo laabtooda loogu Saliday inay Dadka wejiyadooda Carabkooda ku dhaawici jireen sharaftooda meel uga dhicijireen, ayagana wejigooda waxa uu ku fiiqmi doonaa Naarta sida ay Aduunka dad badan arabkooda uu weji fiiqeen abaal marin ahaan ayadoon la dulmayn.
Arintaan darteed ayuu Nabiga Suuban Nabad iyo Naxariis korkiisa Allaha yeelee yiri: kuwa afka Iimaanka ka sheegtow ee uusan Iimaanka Qalbiga u galinow Muslimiintana ha xamanina Ceebahaoodana ha raacraacina, qokii raacraaca Ceebta walaalkiisa Muslimka ah Ilaah ayaa Ceebtiisa raacraaca, qofkii illaah Ceebtiisa raacana wuu Ceeboobaa xataa asagoo Gurigiisa ku jira.

Marka arimahaan waxaay u digayaan kuwa Dadka xanta amaba been abuurka ka sameeya ee dacaayada ka faafiya Muslimiinta ayagoo weliba la beegsada inta waxgalka ku dhex ah Umadaha Muslimiinta dhedooda gaar ahaan Ahlu Cilmiga inaysa ka baxsan doonin Ciqaabka xaga Rabi kaga yimaada hadii aysan ka Towbad keenin kana Cafis dalbanin.
1- Qaladka iyo Dembiga lagu karaa Carabka waa Qalad iyo Dembi ka weyn kan lagu galo Jirka intiisa kale waxaana laga yaabaa inuu Ruux kalmad kaliya uu mar uun ku hadlay ku muteesnaa Naarta jirideeda inuu ku galo kuna waaro sida ku qeexan Nusuusta Kitaabka iyo Sunaha Saxiixa .
2- Waxaa kaloo dhici karta fidno ka kacday Carabka inay sababto in reero u dumaan Doowlado ku dhacaan Masaajid ku faaruqaan ama Culimo lagu Xormad tiro taasoo sabab u noota in Diinkana Xormad beelo maadama kuwii Diinka sidayba lau Xormeyn waayay Diinka dartiis.
3- Waxaa kaloo dhici karta in dhiig badan ku daadato fidnada Carabka ka kaccday taasoo sababta in dad badan ku Aduun iyo Akhiaraba beelaan, oo ay Gacmahooda isku dhaaiyaan Aduunka Aakharana Naarta ku kulmaan.
Baraarujin:
Sh Cali Ibnu C/khaaliq Al Qarani waxaa uu ka jeediyay dhibaatada Carabka Muslimiinta lau waxyeeleeyo leeyahay iyo khatarta ka dhalan karta waxaana ka mid ahaa hadaladiisa Macno ahaan:
{Waxaa badan Dad ka dhowrsada Faaishooyinka iyo Dulmiga, hase yeeshee Carabkoodu ku dhaawaca Sharafta Muslimiinta kuwa nool iyo kuwa dhintay asagoon waxba u arag}.

Waxaa uuna soo arooriyay Qisadan ku Qoran Saxiixu-Tarqgiibka Sh Albaanina ku Tilmaamay inay Xxasan ku tahay Axaadiista kale: Waxaa Shahiiday wiil yar Duulaankii Uxud, markaasaa la arkay Caloosha inuu dhagax xernaa gaajo daraadeed, hooyadiis ayaa ka masaxday Ciid wejigiisa ku tiilay, ayadoo leh: Janada ku Bogaadso Wiilkeyow! Nabiga Nabad iyo Naxariis korkiisa ha ahaatee ayaa yiri: Maxaad ka ogtahay waxaa laga yaabaa inuu ka hadli jiray wax aan faaiido u laheyn.

Dhacdadaan waxa ay muujineysaa in ay dhici karo ruux Camal qiimo weyn sameeyay sida Jihaad oo kale kuna geeriyooday inuu Janada kuweyn karo Carabkiisa gaf uu ku geestay, waxaa uuna Sh Cali raaciyay Gabay macnihiisu yahay
Badanaa Xarafyo hoog sababa, imasaa ruuc ku shalaay doonaa muxuu isaga aamusi waayay
Nabiga Suuban waxaa uu na amray inaan kheyr ku Hadlno ama iska aamusno hadii aan Imaan leenahay, wuxuuna ku tilmaamay Muslimku inuu yahay kan Muslimiinta ka nabad galaan Carabkiisa iyo Gacantiisa.

Hadaba sow la yaab malaha ayadoo Carabka dhibaato intaas la eg leeyahay ayaan Maalin walbaa waaagii baaryaba aragnaa Dad Cibaado u heesta Xanta iyo alagaadeynta Muslimiinta, gaar Ahlu Cilmiga ?
Mise waxaa ay aaminsan yihiin ay Maalinta Qiyaame la tagi doonaan Camalo hadii dembigi kasta ay galabsadeen laga magto qaan loo raacon doonin?
Waa hubaal dad badan oo isla quman lagana kari waayay Carabkiina iyo Gacmihiina Muslimiinta ka Ceshada inay ka qoomameyn doonaan oo wax ay Cibaado ka dhigayeen ama Cibaado moodi jireen hadii aysan ka Towbad keenin kana Cafis dalban Muslimiintii ay dhibaatada gaarsiiyeen

وما من كاتبٍ إلا سيلقى غداة الحشر ما كتبت يداه
وما من قائلٍ إلا سيلقى غداة الحشر ما نطقت شفاه
Waxaan leeyahay si gaar ah kuwa Culimada Webabka ku dacaayadeeya ee aan diintooda u tureyn ama Saxafinimadaba mooday aflagaadada iyo dacaayada Muslimiinta inay ka joogaan dhaqan waayo inta aysan ciribtooda lakulmin sidii ayula kulmeen kuwii ka horeeyay.
إن السعيد لمن له من غيره عظة وفي التجاريب تحكيمٌ ومعتبر
Waxaan kusoo gabagabeynayaa Maqaalkan inaan ugu naseexeeyo Qalin ku dhiiglayaasha inay Rabigood u Toowbad keenaan, inaysan Aduuyada uga tagin raad xun oo usii socda geeridooda ka dib, inta aysan abuurmin kuwa kale oo xumaanta ay bilaabeen ku dabagala sidaasna ay kunowdaan kuwa jideeyay Sunno Xun, sh Cali Al Qarani waxa uu leeyahay:
من خاض في أعراض العلماء، ودعا إلى ذلك، فقد سن سنةً سيئةً، عليه وزرها ووزر من عمل بها إلى يوم القيامة، فالدال على الشر كفاعله، والسعيد من إذا مات ماتت معه سيئاته، قال الله: وَنَكْتُبُ مَا قَدَّمُوا وَآثَارَهُمْ [يس:12]
Waxaa Qoray Calinuur Xoogsade
asadxg@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.