Home » Warar »

XAFLAD QALIN JEBIN KA DHACDAY JOHANNESBURG

Maanta oo ay taariikhdu tahay 4/3/2012 ayaa waxaa dhacday xaflad qalin jabin ah, taasoo lagu maamuusayay ardayaddii ugu horeysay ee quraanka ku dhamaysay muddo sanad iyo hal bil, ayadoo mudadaa laga reebay iskuulka si ay Kitaabka Ilaahay u xifdiso.

Xafladdan waxaa lagu qabtay masaajidka Imaamu Shaafici ee magaalada Johannesburg, halkaasoo ay ka soo qayb galeen dadwayne aad u fara badan, isuguna jira rag iyo dumar, waalidiinta ardayda, iyo macalimiinta madrasada al bayaan, iyo masuuliinta Majlisul Bayaan Al Islaami sh. xasan Guure Guddoomiyaha, iyo Sh Axmed Abdi Secr. Iyo masuuliin kale, waxaa kaloo xafladda marti sharaf u ahaa Sh. Maxamed Idris, oo maalmahan booqasho dacwadeed ku joogey dalka South Africa, halkaasna kelmad ka jeediyey.

Xafladda waxaa lasoo safay ardayda Madrasada Al bayaan oo uu hogaaminayey Macalin Cali oo ah Maamulaha Madarasada, waxaa lagu furfuray Qur,aanka kariimka, waxaa aayado akhrisay gabadha qalin jebisey muddo sannad gudeheed ah, waxaa ardaydu soo bandhigeen is waraysi afka carabiga, maahmaahyo afsoomaali ah oo may iyo maxaa tiri leh, riwaayad yar oo ka hadleysa qiimaha cilmiga. Waxaana la gudoonsiiyey gabadha xaafidada ah abaalgud, sidoo kalena macalinkeedi macalin Ibrahim oo isagana abaal gud la guddoonsiiyey, dadaalkii uu bixiyey, wuxuuna macalinku sheegay gabadhaan sida ay u dadaashey waalidkuna ugu dadaaley, mudadaa sanadka ah inaaney maalinna dugsiga ka maqnaan.

Xafladda waxaa kelmad isna ka jeediyey Amiirka Albayaan Council, sh. xasan Guure, kadibna waxaa lagu soo khatimay, gabar yar oo saddex sano jirta oo dugsiga dhigata, si cajaaib lehna u akhrisay suuratu Camma, oo dadku aad ugu riyaaqay Allaha dhawro, iyo gabagabadii ducadii uu ummadda u duceeyey sh. maxamed Idris.
Halkan ka fiirso sawiradii xafladda.

Ahmed Mohamoud Abdi
Xoghayaha Albayaan Council, Johannesburg
Email: majlisalbayaan@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " XAFLAD QALIN JEBIN KA DHACDAY JOHANNESBURG "

  1. masha allah aad ayaan uku farxay runtii ilaahey haka ajir siiyo waalidiinta ku soo dadaalay iyo macalimiinta madrasada albayaan macalin ali, macalin bisbaas iyo maclimiinta kale.
    <<<<<>>>>>