Home » Warar »

Faah Faahin Dheeraad ah oo ka soo Baxaysa dagaalkii Saaka Muqdisho ka Dhacay

Iyadoo subaxnimadii hore ee saaka dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dawladda iyo kuwa Amisom oo isku dhinac ah iyo Xarakada Shabaab uu ka qarxay Degaanada Waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa tafaasiil dheeraad ah waxaa ka soo baxaya dagaalkaas.Madaafiicdii labada dhinac ay is weeydaarsanayeen ayaa sida la sheegey mid ka mid ah wuxuu ku habsaday Guri ku yaala Suuqa Xoolaha halkaasoo ay ku dhinteen illaa Lix qof oo la sheegey in ay isku qoys ahaayeen Gurigan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay illaa afar qof oo kale kuwaas oo loola cararay Isbitaalada Magaalada Muqdisho.

Taliyaha Ciidamada Gaaz koowaad Col. Cabdullaahi Cali Caanood oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegey in dagaalkaasi ay ku guuleysteen isla markaana ay ciidamadoodu si rasmi ah ay ula wareegeen Xeradii Maslax eek u taalay duleedka Xaafadda Waxara Cadde ee Suuqa Xoolaha .Col. Caanood ayaa qiray in gebi ahaanba Ciidamada dawladdu ay si buuxda gacanta ugu hayaan Xaafadda Suuqa Xoolaha oo ay ku jirto Xeradii maslax halkaasoo fariisin u ahayd Xarakada Shabaab.

Sarkaalkan u hadlay Ciidamada Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa intaa ku daray in ay jiraan Ciidamo ka tirsan Xarakada Shabaab oo ku go’doonsan qayb ka mid ah Suuqa Xoolaha isla markaana Ciidamadoodu ay ku hareereysan yihiin isagoona ugu baaqay in ay isa soo dhiibaan haddii ay isa soo dhiibi waayana uu Ciidanku Dagaal ku qaadi doono hese yeeshee war Cid Xaqiijineyso ma hayno Ma jiraan wax warar ah oo madaxbanana oo sheegaya guulaha ay sheegteen Ciidamada Dawladda ku meel gaarka Soomaaliya

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail aminkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Xarakada Shabaabul oo Guulo ka Sheegtay Dagaalo ay ku Qaadeen Degaano ka tirsan Gedo , Hiiraan iyo Gobolka Bay

Afhayeenka Xarakada Shabaab ee Dhinaca hawl Galada Abuu Muscab oo ka hadlayay Idaacad ku hadasha Afka Xarakada Shabaab ayaa Guulo ka sheegtay Dagaalo ay ku qaadeen Fariisimo Ciidamada ay ku leeyihiin Gedo, Bay iyo Hiiraan.Cabdicasiis Abuu Muscab aya sheegey ugu horeynba in dagaalyahanadooda habeenkii xalay ahaa ay Dagaal dhinaca Madaafiicda ah ay ku garaaceen duleedka magaalada Garbahaareey isla markaana Ciidamadii halkaa ku sugnaa ay Weerarkaas Madaafiicda ah ku naafeeyeen.

Afhayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Madaafiicdaas kaddib ay weerar ku qaadeen Ciidankii halkaa ku sugnaa halkaasna ay khasaare ugu gaysteen Ciidamadii ku sugnaa waa siduu hadalka u dhigaye.Afhayeenka dhinaca hawl galada Xarakada Shabaab ayaa sidoo kale soo qaaday Dagaal Xalay ay ku qaadeen fariisin Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ay ku leeyihiin Duleedka Magaalada baydhabo gaar ahaana meesha loo yaqaano Warshadda Xaseey sidaa oo kalena ay Madaafiic la dhaceen goobtaas ka gadaalna ay ku qaadeen dagaal ka fool ka fool ah halkaasoo sida uu sheegey ay ku laayeen saraakiil fara badan oo Itoobiyan iyo Soomaali isugu jira.

Goobta Sedaxaad ee uu sheegay af hayeenka ayaa waxa ay ahayd magaalada Beled weeyne ee Gobolka Hiiraan isagoona hoosta ka xarriiqay in halkaasina Ciidamadooda ay ka soo hooyeen Guulo la taaban karo ka gadaal markii Weeraro Duqeyn iyo weeraro ka fool ka fool ahiba ay ku qaadeen Fariisimo ay ku sugnaayeen Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida halkaasoo uu sheegey in khasaarooyin ba’ab ay ugu gaysteen Ciidamadii ku sugnaa goobaha ay duulanada ku qaadeen.

Sheikh cabdilcasiis abuu Muscab oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa sii raaciyay in ay sii wadayaan dagaalada ay ku hayaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Huwanta ah isagoo dhinaca kalena ka codsaday Shacabka Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanba in ay gacan siiyaan Xarakada Shabaab.Afhayeenka ayaa Dadka tabarta Yer ee aan Dagaalada geli Karin iyo Imaamyada Masaajidada ka codsaday in ay u soo duceeyaan Xarakada Shabaab isagoo inta dagaalka geli kartana ugu yeeray in ay dagaalamaan oo qoriga ay qaataan.Af hayeenka Xarakada Shabaab ayaa waxa uu imaanayaa xilli dagaaladii ku socday Xarakada Shabaab ay sii kordheen isla markaana dhinacyo badan duulaano uga soconayaan haatan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail aminkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.