Home » Warar »

Meles Zanawi Maxaa Xiligaan ku soo beegey in uu Eedeyn u jeediyo Ciidamada Midowga Afrika ee Amisom

Raiisul Wasaaraha Itoobiye Meles Zanawi ayaa mar uu wareysi siinayay Mid kamid ah TelevishinadaDalkaasi ku yaala ayaa ka hadlay arimaha Soomaaliya ,iyo dhaqaalaha ay qaataan Ciidamada Shisheeye ee Muqdisho Zenawi ayaa eedeen kulul usoo jeediyay howlaha Ciidamada Shisheeye ee Caasimadda Soomaaliya jooga ay ka wadaan,waxaana uu sheegay in ciidamadaasi ay ku baxayaan dhaqaalo faro badan,hadana aysan dhaafi Karin Magaaladda Muqdisho.

Meles ayaa ka codsaday dowladaha dhaqaalaha ku taageera Ciidamadda Shisheeye in dhaqaalaha dhankooda loo soo wareejiyo ,maadaama Bil gudaheeda ay ku qabsadeen Magaalooyinka Baladweyne iyo Baydhabo.Meles Zanawi ayaa xusay in hadii howlaha Ciidamada Shisheeye ay wadaan la balaariyo, Ciidamadiisana ay ka qayb qaataan ay ka guulaysanayaan Al-Shabaab oo dagaalo xoogan kala soo horjeeda Isbahaysigaan.

Waxaana Zenawi uu ku eedeeyay waxa loogu yeero Beesha Caalamka inay iska indha tirayso la dagaalanka Xarakadda Mujaahidiinta Al-Shabaab,ay doonayaana in Soomaaliya xaaladaan adag ay ku sii jirto.Wareysi dhinacyo badan taabanayay mar uu sii nayay mid kamid ah Tv-yada Dalka Itoobiya ku yaala ayaa Meles waxa uu carabka ku dhuftay in dagaalka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab uusan lahayn hadaf la yaqaano.

Waxaana uu ka codsaday waxa loogu yeero Midowga Africa in ciidamo hor leh ay soo diraan si ay ugu wareejiyaan Magaalooyinka ay gacanta ku dhigeen Sida:-Baladweyne iyo Baydhabo.Raiisul Wasaaraha Itoobiye ayaa baaq qeylo dhaan ah u diray waxa loo gu yeero Beesha Caalamka taa oo ku aadan in taba baro her sare ah loo furo Ciidamada DKMG,si ay uga kaaftoomaan dowladaha Ajaanibta ah .

Warkaan oo aan ka soo xiganey Idaacadda Al-Furqaan ayaa hadalkiisa ay ku fasirayaan dadka arimaha Maletariga ku shaqada leh in Zenawi oo xiligaan uu ku hungoobay dhaqaalihii uudoonayay,suura galna ay tahay in Ciidamadiisa uu kala baxao Gobaladii ay soo galeen ,iyagoo la sheegey in ay marmarsiyo ka dhiganaya inay ku wareeyjjinayaa Ciidamada Amisom iyo kuwa DKMG waayo Ciidamada Itoobiya Xiligaan Diyaar uma aha in ay sii joogaan Soomaaliya Sababo dhaqaale iyo in ay hore ugu fashilmeen Howgalkoodii hore ee Soomaliya

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.