Home » Warar »

Shiikh Shariif :Ciidamada Itoobiya iyo Kenya Haa Cabdi Qaasim : Ciidamada Itoobiya iyo Kenya Maya

Iyadoo deegaano ka tirsan Soomaaliya ay ku jiraan Ciidamo ka tirsan Dowladaha Kenya iyo Itoobiya ayaa deegaanadaas wararka ka imaanaya waxay sheegayaan in Ciidamadaas ay halkaa ka wadaan Dhibaatooyin kala duwan oo ay u geysanayaan dadka Rayidka ah ee halkaa ku dhaqan iyadoo weliba ay u sii dheer tahay Duqeymaha aan loo aabo yeelin ee markasta lagu garacayo dadka Rayidka ahj ayaa dhibaatooyinkaan waxaa ka Hadley qaar la mid ah Siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo qaar ay soo dhaweeyeen Howlagalada ay wadaan Cidamadaas kuwa kalena ay ka soo horjeesteen

Madaxweyune Shiikh Shariif Shiikh Azxmed ayaa mar uu ui waramayey warbaahinta kala Duwan ee dalka waxaa uu so dhaweeyey Howgalada kala duwan oo ay wadaan Ciidamada Itoobiya oo uu sheegey in ay garabsiinayaan Ciidamada Soomaaliyeed taasoo uga mahadcel;iyey Ciidamadda Itoobiya si Shacabka Soomaaliyeed looga dulqaado wax uu ugu yeerey kooxaha Argagixisada ah

Madaxweyne Shiikh Shariif ayaa sheegey in Gobolada ay qabtaan Ciidamada Itoobiya lagu wareejin doono Ciidamada Amisom si ay u sugaan Amaanka Goboladaas islamarkaa waqti aan sidaa u dheereen ay iyana kala wareegi doonaanb Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed oo uu sheegey in maalmahaan ay gaarayeen guulo wax ku ool ah

Hadalka Madaxweyne Shiikh Shariif ka soo yeerey ayaa waxaa ka horeeyey hadal uu jeediyey xiligii Ciidamada Itoobiya Duulaanka ku soo qaadeen gudaha Dalka Soomaaliyeed xilgaas uu madax ka ahaa Maxakiimtii islaamiga isagoo shacabka ugu baaaqey in ay la Jihaadaan Ciidamadas Itoobiya oo ku tilmaamey mid ay Duulaankeeda ku dooneysey in ay ku qabsato dalka Soomaaliya wxuu sii raaciyey”Taangiyada Itoobiya Ciddii dooneysa in soomaaliya ku qabsato marnaba ka yeeli meyno waana la dirireynaa “

Cabdiqaasim Salaad Xasan oo mar Madaxweyne ka soo noqdey dalka Soomaaliya ayaa isagana ka Hadley Duulaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya ku soo qaadeen Geyiga Soomaaliyeed ayaa sheegey in Ciidsamada Itoobiya iyo Kenya aysan Xal u keeneen dalka Soomaaliyeed islamarkaan wuxuu ku tilmaamey in ay ugu sii darayaan Xaaladda Soomaaliya sidoo kale wuxuu sheegey in Duulaanka ee Ciidamada Itoobiya ku soo qaadeen dalka Soomaaliya kii ka horeeyey ee ay ku taageerayaan Cabdulaahi Yuusuf ay ku fashilmeen islamarkaana kuwa kenya aysan lahayn Khibrad Milatari oo ay Xaalada Soomaaliya wax ugu qabtaan.

Cabdiqaasim Salaad Xasan ayaa sheegey in Soo gelitaan Ciidamada Safka hore sida Itoobiya iyo Kenya ay Khilaafsan yihiin Go’aan uu hore u soo saarey Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey isagoo sheegey in Go’aankaas la iska dhego tirey islamrklaana meel la iska dhigey wuxuuna xusey in Ciidamada Shisheeye noocey doonaan ha noqdeen in aysan Soomaaliya Xal u keeneen isagoo kula dardaarmey Shacabka Spopomaaliyeed in ay Qoryaha iska dhigaan islmarkaana iyaga ay wax qabsadaan

Cabdiqaasim wuxuu mar weliba ku celcelin jirey in aysan soomaaliya Xal u keeneen Dowladaha Kenya iyo Itoobiya isagoo sheegey in dalalkaas ay soomaaliya u soo galaan Danahooda oo ah Mid Dhaqaale wuxuuna mar weliba uu shacabka u sheegi jirey in Dowlado shisheeye aysan marnaba ka shaqeeyneyn danaha ummadda Soomalaiyeed hase yeeshee waxaa moodaa in dadka Soomaaliyeed ay xiligaan ku kala qaybsan yihiin soo gelitaanka Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Kenya qaarkood waxay qabaan in soomaaliya ay nabad ku soo celinayaan qaar kalena ay yihiin kuwa qaba in aysan dalalkaas Xal u keeneen

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shiikh Shariif :Ciidamada Itoobiya iyo Kenya Haa Cabdi Qaasim : Ciidamada Itoobiya iyo Kenya Maya "

  1. Adam says:

    Waa Wax lagoo naxo in ee ciidamadaa itoobia iyo keenyaa maantaa waali somali kuu jeraaan oo caruur iyoo haween ey dilayaan . madaxweynaa shaariff oo masuul uu haa Somalia dalka iin uu ogalyaheey inn ee joogaan ethiopia iyoo keenytii waa Qalad .

  2. Garawaan says:

    Cabdiqaasim Salaad Xassan siyaasadihiisa guracan ayay ku yimaadeen Wadamada shisheeye Dalka, hadana waa ka cabanayaa, ficil walba oo aad samaynayso cawaaqibteeda u fadhi.

  3. ali gurey says:

    Waan ka xumahay iney yiraahdaan ciidanmada Itoobiya iyo Kenya waa cadawga soomaaliya Sheekh Shariif iyo Abdiqaasim Salad oo la-ogyahay in ay-yihiin kuwii BURBURIYEY SOOMAALIYA.
    Waxaa jirta Maahmaah soomaaliyeed oo tiraahda nin Har ku diley Hoos kuuma jiido.
    Haddii waqtigu nagu simo waxaan arki doonaa Sheekha iyo Abdi oo loo-jjidayo Tiirka GEERIDA oo weliba si- fool-xun qoorta loo-hayo.