Home » Faallo »

IMAAM SHAAFICI OO AL-SHABAAB AAMUSIIYEY (3) !!!!

Casharkeenii hore waxaa uu noo joogay annagoo ka soo hadalnay sharaxii Aayadihii ay Al-shabaab qaarna isticmaaleyn qaarna ay kubeertada saareen.

Haatanna aan u daadagno Dulucdii Mowduuceyga sideebuu Imaam Shaafici u Aamusiiyey Al-shabaab .

IMAAM SHAAFICI OO AL-SHABAAB AAMUSIIYEY :

Waxaan ognahay in Al-shabaab Daliilsadaan Xadiiska caanka ah ee uu Nabigu yiri NNKH : ( Anigu Nin Gaal ah ma kaalmeysanaayo ) Rawaahu Muslim .

Sida caadada ah Xadiiskaas waxaa jira Axaadiis kale oo ayaduna ogolaaneysa in Gaal la kaalmeysto se Al-shabaab sidii caadadooda aheyd ma sheegaan ee kubeerto ayey saaraan, Bal Haatan aan fiirino Sida Imaam Shiikh Shaafici Axaadisstaas oo dhan uu u jamciyey asagoon qaarna ka tagin.

Wuxuu yiri Imaam Shaafici :

[ Nabigu NNKH wuxuu celiyey Nin mushrik ah ama Niman mushrikiin ah Dagaalkii Badar , wuxuuna diiday in uu uu kaalmeysto Ruux aan Muslim aheyn, Markaas kadib ayuu Nabigu NNKH kaalmeystay Sanooyin kadib Dagaalkii Kheybar Rag Yuhuuddii Banuu Qeynuqaac ah oo xoog badan si ay Nabiga uga Garab Dagaalamaan markii uu qabsanaayey Magaalladda Kheybar , Sidoo kale wuxuu Nabigu kaalmeystay Dagaalkii Xuneyn Sannadkii Sideedaad Safwaan ibnu ummayah oo Mushrik ah.

Haddaba wuxuu Shiikhu yiri Labada Xadiis isma khilaafayaan oo labo arrimood baa la iskugu keeni karayaa :

A ) in ay markii horeba Nabiga NNKH u Banaaneyd in uu Gaalka kaalmeysto iyo in uu iska diido, markaas buu dagaalkii Badarna iska diiday markii kalena sameeyey

B ) Markii hore waa loo diiday se markii danbe ayaa loo fasaxay markaasna waxay noqoneysaa in Xadiiska hore la Nasakhay oo kan danbe uu nasakhay.

Macnaa dagaalkii Badar Nabiga uma banaaneyn in uu kaalmeysto Ruux gaal ah se dagaalladii kale ee khaybar iyo xuneyn waa loo baneeyey sidaas buuna ku aqbalay ] Hadalkiisii waa dhamaaday. (1)

Haddaba Akhristoow sow Al-shabaab lama Aamusiinin sida labada Xadiis la isku waafajiyey ayaguna midna waa qaateen midna kubeerto ayey saareen.

Cilmiga xadiiskana waxaa haboon markii labo xadiis sidaan oo kale iskaga horyimaadaan in marka ugu horeysa la raadsho si la iskugu jamciyo sida uu Imaamka sameeyey ,haddii taas la waayo in la fiiriyo Taariikhda oo kan hore la nasakho kan danbana lagu camal falo.

Sidoo kale waxa uu yiri shiikhu islaam Ibnu tiimiyah :

[ Haddii waxa Qalbiga ku jira ee Rumayn ah, ama Aqoon ah ,ama Jaceyl ah loo qabo Allaah iyo Rasuulkiisa ay xoogeysto , Taas waxaa ka dhalaneysa in aad Nacdo Cadawga Allaah Sida Allaah Quraankiisa ku yiri : ( وَلَوْ كَانُوا يُؤْمِنُونَ بِالله والنَّبِيِّ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مَا اتَّخَذُوهُمْ أَوْلِيَاءَ ) 5:81

Sidoo kale Allaah wuxuu yiri : ( لَا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ )58:22 (مَنْ حَادَّ اللَّهَ وَرَسُولَهُ

Waxaa ka dhici karta Ruuxa Jaceyl Qaraabo ama mid daneyd taasna waxay noqoneysaa Danbi Iimaankiisa Naaqusiya ,ee Gaal kuma Noqonaayo sidii ka dhacday Xaadib Ibnu Abii Baltaca ,markii uu gaalada wax u qoray ee Allaah ku soo dajiyey : ( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُوا لَا تَتَّخِذُوا عَدُوِّي وَعَدُوَّكُمْ أَوْلِيَاءَ تُلْقُونَ إِلَيْهِم )60:1 (بِالْمَوَدَّةِ
Sidoo kale waxay ka dhacday Saxaabigii Weynaa ee Sacad ibnu Cubaadah markii uu u gargaaray C/llaahi Ibnu Ubayah Sheekadii Been Abuurkii Caa’isha ee uu ku yiri Sacad ibnu Mucaad Been baad sheegtay wallahay ,mana dili kartid mana Awoodid in aad Disho . Caa’isha RC waxay tiri Ninkaasi nin fiican buu ahaa ee waxaa qaaday maalintaas Qabiilnimo.
Marka Shubhadaas waxay ku xanbaartay Cumar ibnu Khadaab in uu Xaadib ku tilmaamo Munaafiq, wuxuuna Nabiga ku yiri ; ii daa aan Munaafiqaan Qoortiisa gooyee markaas ayuu Nabigu NNKH ugu Jawaabay ( Ninku Badar ayuu Xaadiray )
Cumar ta’wiil bay ka aheyd in uu Munaafiq ku tilmaamo.

Sidoo kale waxaa la mid ah Hadalkii uu Useyd ibnu Xudeyr ugu jawaabay Sacad ibnu Cubaadah : Been baad sheegtay Allaah baan ku Dhaartaye waan Dileynaa adiguna waxaad tahay Munaafiq Munaafiqiinta u Doodaaya , Taasina Baabkaas bay la socotaa . Sidoo kale waxaa la mid ah Raggii Saxaabadda ahaa ee saxaaibigii Maalik ibnu Dukhsham ku tilmaamay Munaafiq , markay ku arkeen in uu Munaafiqiin Saaxiib la yahay ama u jilicsan yahay ] Hadalkiisii waa dhamaaday. (2)
Akhristoow ma ila fahamtay Sida Shiikh Islaam u kala Bayaanshay Tawaliga Gaalnimada lagu noqonaayo iyo midka danbiga kaliyah ah ee aan lagu Gaaloobeynin .`

Sidoo kale wuxuu yiri Caalimka weyn ee Xanafiga ah ee Abubakar Al-Jasaas :

[ waxa uu ku dhacay saaxibiga Xaadib Gaalnimo ma ahan , waxaana taas noo Cadeyneysa Haddii waxa uu ku dhacay kufrinomo aheyd Xaadirnimadiisii Badar waxba uma tarteen in Gaalnimo lagu magacaabo, Naar buuna mutaysan lahaa hadii uu kufriyo.
Haddii Dadka Qaarkiis yiraahdaan Nabigu NNKH wuxuu ku cileeyey in uu Dagaalkii Badar xaadiray oo Allaah ku yiri Cumaroow ma ogtahay in Allaah uu reer Badar Quluubtooda Daalacday oo ku yiri waxaad Doontaan sameeya Allaah waa idiin Danbi dhaafay. Ruuxaas waxaan ugu jawaabaynaa sidaad mooday ma ahan: Dagaalka Badar uu ka qeyb galay gaalnimo kama celineyso, hadii uu la yimaado ee taas macnaheedu waxaa waaye : In Allaah uu ogyahay in Ahlu Badar haddii ay danbi galaan aysan ku dhimaneynin Danbigaas ayagoon ka towbad keenin , marka taas baa cilmiga Allaah ku jirta mana doonaayo in uu Ruux dilo oo ka dhex galo towbadiisii , Marka taas macnaheedu waxaa waaye in Ahlu Badar haddii ay Danbi galaan ay ciribtoodu noqoneyso Towbad iyo soo noqosho ].(3)

Waxaan ku soo khatimayaa Hadallada Culumada Hadalkii Mufasirka mufasiriinta Al-Imaam Al-Dhabari oo fasiraaya Aayaddan : ( يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ لاَ تَتَّخِذُواْ الْيَهُودَ وَالنَّصَارَى أَوْلِيَاءَ بَعْضُهُمْ أَوْلِيَاءُ بَعْضٍ(5:51)
Sida saxa ah Hadalkeena waa in la yiraahdo : Allaah wuxuu halkaan ku sheegay in uu Mu’miniinta ka reebay kuligood in ay Yuhuud iyo Nasaaro Awliyo ka yeeshaan iyo xulufo ay uga sokay marayaan Dadka Ahlu iimaanka ah ,wuxuuna u sheegayaa Ruuxii Gargaare ka dhigta ama xaliif ka dhigta Mu’miniinta ka sokoow in uu ayaga la mid yahay Allaah iyo Rasuulkiisana ay Bari ka yihiin,
Marka Diidmadaasi waxay u socotaa Qeyb Muslimiinta ka mid ah ama jamaaco yar oo muslimiinta ka mid ah ee Muslimiinta oo dhan uma socoto labo arrimood bayna mid noqoneysaa :

A ) In koox ama jamaaco Muslimiinta ka mid ihi ay wali ka yeelato Yuhuuda iyo Nasaaradda ayna ku heshiiyaan in ay uga gargaarayaan Muslimiinta kale ayagoo ka rajeynaya haddii muslimiinta wax ku dhacaan in ay arrinkaas ka fakadaan.
2 ) in koox ama jameeco Muslimiinta ka mid ah ay wali ka dhigtaan Yuhuuda iyo Nasaaradda ayna la xulufoobaan ayagoo muslimiinta kale ka soo horjeedda .

laakiin in muslimiinta iyo gaaladu xiriir ka dhaxeeyo kaas oo Muslimiinta faa’ido u leh in ay maslaxo u soo jiido ama dhib ka celiso , Taasi waa wax laga ijtihaadi karo Culumada Jumhuurkana taas wey baneynayaan ] (4)

Haddaba Akhristoow ma fahamtay sharaxa Aayadda Saaran waa tii Suuratul Xashar oo kale ay munaafiqiintu ku lahaayeen yuhuuda waan idinla jirnaa waanan idilna dagaalameynaa oo mohamed waan idiinka hiilineynaa :
الم تر الي الذين نافقوا يقولون لاخوانهم الذين كفروا من اهل الكتاب لئ اخرجتم لنخرجن معكم ولا نطيع فيكم احدا ابدا وان قوتلتم لننصرنكم والله يشهد انهم لكاذبون(59:11
Hast thou not observed the Hypocrites say to their misbelieving brethren among the People of the Book? – “If ye are expelled, we too will go out with you, and we will never hearken to any one in your affair; and if ye are attacked (in fight) we will help you”. But Allah is witness that they are indeed liars.

( Miyaad aragtay Nabi Mohamadoow NNKH kuwa munaafiqiinta ah oo ku leh wallaalahooda Gaalada ah ee Ahlu kitaabka ah haddii aad baxdaan oo nabi mohamed Dagaal ku qaadaan waan idinla baxaynaa Ruuxna idiima maqleyno haddii aad Dagaalmantaana waan idin caawineynaa ,Allaahna wuxuu ogyahay in ay Been sheegayaan ) 59: 11
Marka kuwaas oo kale waaye oo Muslimiinta oo hal dhinac ah ka soo horjeesanaaya oo gaalada la safanaaya, se dagaalka xamar yaa ku jira waa muslimiinta oo dhan oo hal koox ah oo shabaab ah la dagaalameysa, weyna soo wadan karaan gaalo haddii ay naftoodu Baxar gasho ileen cahdi bay leeyihiine .

Haddii aan kuu jilciyo Akhristoow yaa xamar ku dagaalamaaya oon ka safanaa ?
Bal aan xarakaatka ka hadlo xarakada Salafiyah labadeeda qeyboodba ma Dagaal bay ku jiraan, xarakada Ikhwaanka iyo islaax ma dagaal bay ku jiraan,xarakada Al- Shiikh ama majmaca ma dagaal bay ku jiraan,xarakada Tabliiq ma dagaalbay ku jiraan, Xarakada suufiyah ma dagaal bay Amison kula jiraan maya , Dadka Caamada ah ma Dagaal bay Amison kula jiraan maya , Secularka Soomaalida ah ma Dagaal bay Amison kula jiraan maya ,.
Haddaba yaa Dagaal Amison kula jira waa Xarakada Al-shabaab kaliya inteey Shacbiga Soomaaliyeed ka yihiin ??? 1% aan iska dhaho, marka aaway Gaalada iyo Islaamka is diriraaya ??? 99 % Soomaalida Dagaalkaan kumana Jiraan Raalina kama aha in Dhiiga Muslimiintu Daato bilaa Sabab ??? Se shabaab baa yiri waan daadineynaa sababtoo ah Jihaadka Caalamiga ee AL-Qaaciddo ayaan ka soo jeednaa ??? maxaa caawa xalay uga eg Nin kale Boqortooyadiisa miyaan Shacabkayga ku leynayaa ??? !!!!
Marka Akhristoow ku Cibro Qaado Hadallada Culumada Adduunka iyo kuwa Soomaaliyeedba Dagaal Jihaad Soomaaliya kama jiro ??? ee yaan lagu duufsan.
Haddii Jihaad Gaalo Soomaaliya ka jiro Baladweyne iyo Baydhabo la iskagama Baxeen ee waa la dagaalami lahaa !!! Aaboow kan yar iga celi oo kan weyn igu soo daa ??? ma sidaan baa Gaallaan Dalka ka difaacayaa, ma sidaan baa Shareecaan Dalka ku xukumayaa ,ma sidaan baa Xuduud baan oofinayaa ,Maxaad Masaakiintii aad lugaha iyo Gacmaha ka jartay haddana uga Carartay ??? Ilaahoow Jidkaaga nagu Hanuuni !!! Aakhiro zaman aan joognaaye.

Fii amaani laah .

Shiikh Saahid mohamed yusuf
USA,VA
sahidyusuf@yahoo.com
Almuthakhasis fil xarakaat Al-Islaamiyah
1) sadul cudwaanul mulxidiin li DR, Rabiic Al-madkhali, bogga 60.
2) Al-thawaabit wal mutaqayiraat li DR. Salaax Saawi , bogga 141.
3) Al-thawaabit wal mutaqayiraat li DR. Salaax Saawi , bogga 157.
4) Al-thawaabit wal mutaqayiraat li DR. Salaax Saawi , bogga 159.

Sahid Yusuf
sahidyusuf@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.