Home » Warar »

Dhinacyada Siyaasadda Soomaalida oo Aragtiyo kala duwan ka bixinaya Shirkii London islamarkaan waxaa shirkaas lagu tilmaamey Mid Dowladda Ingiriiska ku dooneyso in ay la soo baxdo Shidaalka Soomaaliya

Wixii ka dambeeyay maalintii la soo gabagabeeyay shirka Magaalada London waxaa soo if baxay oo cirka isku shareeray cadeymaha dhabta ah ee ka tarjumaya danaha dhabta ah ee uu ingiriisku ka leeyahay dalkeena Soomaaliya.Inkastoo qodob kasoo baxay shirka lagu cadeeyay Maxmiyadda dhaqaalaha ayaa haddana wargeysyada dalka Ingiriisku billaabeen in ay si toos ah u faah faahiyaan dowrka gumeysi ee ay dowladdoodu ciyaareyso.]

Wargeyska the Observer oo kamid ah jaraa’idada ka soo baxa wadankaasi ayaa isagoo shacabka reer British u bishaareynaya sheegay in dowladda Ingiriisku ay Soomaaliya ay goor dhow ka heleyso Shidaal, kuna xigi doonaan kheyraad kale oo wax tar u xambaarsan shacabka reer Britan.Wargeysku waxa uu sheegay in shidaalka uusan ingiriisku kaliya qaadan doonin, ha yeeshee ay wada qeybsan doonaan wadamada reer Galbeedka.

Wargeyska wuxuu sheegey in Dowladda Ingiriiska ay raadineyso meel ay uga baxsato dhaqaale Xumida Soo wajahdey iyo shaqo la’aanta ka jirta wadankaas iyadoo soomaaliya ay ka dooneyso sidii ay ugala bxi lahayd Shidaalka dhex ceegaag iyo weliba sidii ay ula wareegi lahayd Khayraadka Badda soomaaliya waxaana arrinkaan la kala ogaan doonaa markii la gaaro Bisha Agoosto oo la dhisi doono Dowlad Soomaaliyeed oo lagu tilmaamey mid aan ku meel gaar ahayn taasoo la doonayo in laga fushado waxyaabo badan waxaana la socoshada Go’aanadii ka soo baxay shirkii London loo xilsaarey Madax ka tirsanbDowladda Ingiriiska

Aqoonyahanada iyo shacabka Soomaaliyeed ayaa dareen qiiro leh ka muujiyay tallaabada uu ingiriisku ku doonayo in uu ku bililiqeysto kheyraadka dalka Soomaaliya, iyagoona meelo kala duwan ka sheegay in ay la dagaalamayaan Gumeystaha Ingiriiska.Madaxweyne Sharrif ayaa kamid ahaa dadkii ka qeybgalay shirka ayaa wax laga weydiiyay sida uu u arko dareenka carada ku dheehan tahay ee ay dadku ka bixiyeen shirka London waxaana uu ku jawaabay.”Dadka qaar ayaa jawaabtan madaxweyne Shariif ku tilmaamay mid aanan Caddeyn , waxaana dad badan oo ay xildhibaanadu ka mid yihiin wali ka xanaaqsan yihiin sababta calanka Ingiriiska looga taagay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha dowladda KMG ah ayaa isagu aad u difaacay Mu’aamaradda Ingiriiska ee ku qotonta dalka Soomaaliya, mar uu tafaasiil ka bixinayayna waxa uu sheegay in Ingiriisku uu ka baqayo khatar ah in dalkooda ay tagaan urur weynaha Al-qaacidda, qodobka labaad ee ay Soomaaliya usoo faragalinayaana waa in ay akhlaaq ahaan u caawiyaan Ummadda Soomaaliyeed ayuu yiri Madaxweyne ShariiF”.

Cabdi wali Maxamad Cali Gaas oo ah Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda KMG ayaa ciyaaraya dowrka ugu weyn ee lagu soo dhaweynayo reer Galbeedka duulaanka ku ah dalka Soomaaliya.Cabdi wali waxa uu heystaa dhalashada Mareykanka marka shirarka caalamiga laga qeyb galayana waxa uu lasoo baxaa Baasaboorka Mareykanka halka xubnaha kale ee dowladdana ay lasoo baxaan Baasaboorka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaare Cabdi wali oo ka walaacsan sida lagu dhaqan galin karo qodobadii kasoo baxay shirka London ayaa habeen hore wadamada reer galbeedka ugu baaqay in ay badiyaan weerarada ay ka geysanayaan dalka Soomaaliya si buu yiri loo wiiqo awooda Xarakada Al-Shabaab oo noqotay mid ay u shiraan konton dowladood kadib markii ay dhidibka u aastay afrikaanta soo duushay sida Itoobiya, Uganda, Kenya iyo Burundi.

Afhayeenka Xarakada Al-Shabaab sheikh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali dheere ayaa sheegay in aanan hanjabaad waxba looga qaadi doonin Mujaahidiinta iyo Umadda Soomaaliyeed ee la doonayo in Kheyraadkooda la dhoco. Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka KMG ah ayaa sheegay in shirka London uu mugdi galin doono Masiirka Umadda Soomaaliyeed haddaan sida ugu haboon looga hor tagin.
Xildhibaan Cabdi raxmaan Jimcaale oo u waramay Idaacadda Islaamiga ah ee Al-furqaan ayaa dad lasoo barbaarsaday ku tilmaamay xildhibaanada iyo wasiirada buun buuninaya qorshaha Ingiriiska.Waxa uu sheegay in mar walba reer galbeedka lagu yaqaano astaanta ah in ay dad soo tababartaan kadibna wadanka ku qabsadaan isagoona qorshaha Ingiriiska ku tilmaamay.

HALKAN KADAAWO MASAWIRO DHEERI AH

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed ayaa soo jeediyewy in Maxkamad la soo taago ka qaybgalayaashii Shirka London sida Shiikh Shariif , Shariif Xasan, Cabdiweli , Axmed Siilaanyo , Cabdiraxmaan Faroole ,Caalim, iyo Tarsan iyo Ahlu Sunna oo ay sheegeen in Dowladda Ingiriiska ay u fududeeyeen sidi ay u bililiqeysan lahayd Khayraadka soomaaliya sida Shidaalka Macdanta iyo Badda Soomaaliya waxay ka codsadeen Bulshada Somaaliyeed in ay ka hortagaan Mu’aamaradaas la doonayo in dalka loo gacangeliya Dowlada Ingiriska

Isku soo duuboo shirka London ayaa sidoo kale dadaka qaar ku timlmaamey mid Dowladda ingiriiska ku raadineyso Dhaqaale ka dib markii ay soo wajahdey dhaqaalo xumo iyo Shaqo la’aan sidoo kale shirka London ayaa lagu tilmaamey La mood Noqosan weydey waayo shirkaas waxa Buunbuuniyey Warbaahinta reer galbeedka iyadoo qodobadii ka soo baxay shirkaas ay noqdeen kuwa ay ku qanci waayeen shacabka soomaaliyeed waxaana wararkaan ka soo qaadaney Idaacadda Islaamiga Al Furqaan

Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Dhinacyada Siyaasadda Soomaalida oo Aragtiyo kala duwan ka bixinaya Shirkii London islamarkaan waxaa shirkaas lagu tilmaamey Mid Dowladda Ingiriiska ku dooneyso in ay la soo baxdo Shidaalka Soomaaliya "

  1. nuur says:

    asc walaal , good article kuu difaaca dalkiina aqoonta ilaahay idin siiyey
    shirkaasi waxaa la rabaa in somaliya khayradka laga soo qoto.waa arin cajiib ah maxaa hada ingriis noo keenay. hospitaal, school nooma dhiso nalama joogo. waxaan dan ugu jirin ingriis faraha lamagalo. Ragan tariikhda ayey meel xun ka galeen. waar away umadii soomaliyeed wax baratay.wake up somalis

  2. abdi says:

    War soomali watan manta ayaa ladoonayaa shicibka masakiinta inaa gajada laga saaro wax loo qabto hadana hadal ayaa ka keenaysaa war caruurta somaliyeed mustaqbal ha loo sameeyo ee iska daaya qofkasta aduunka konton sano ayuu nool yahay waliba haduu ilahay uqoro markaa ingiriiska wuxuu umada somaliya hayo soodinka og ee uk ku nool dadka somaliya ugu badan uk. Ayaa laga masruufaa somaliya hada gumaysi ladoonayo cid ka hor joogta ma jirto itobiya ayaa ugu yaroo ku qabsanaysa

  3. yaska says:

    Ninkii qaawanaa waxaa laga sheegay amaa nala furtaa .
    markii la idinka yaabay dhaqan xumidiina ayaa laga baqay somaliya in ay noqoto xero jamal jaan cid waxa idinku falaysa malaha.