Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Norway

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo booqasho rasmi ah ku jooga Norway ayaa maanta kulamo la qaatay mas’uuliyiinta Norway oo ay ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London, Roadmap ka iyo sidii loo soo afjari lahaa Xilliga KMG ah.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa kulamadii uu mas’uuliyiinta Norway la qaatay ka dib ku qabtay Shir-Jaraa’id oo uu warbaahinta Norway halkaas kula hadlay kana jawaabay su’aalo fara badan oo la weydiiyey.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG  Soomaaliya ayaa waxaa shirka jaraa’id ay wada qabteen Wasiirka Iskaashiga Caalamiga iyo Bay’ada Mr Erik Solheim.

Wasiirka ayaa sheegay in Norway ay ku faraxsantahay inuu soo gaaro Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo weliba waqti wanaagsan ku soo beegantay booqashada iyadoo maalmo ka hor London lagu soo gabogabeeyey Shirkii Soomaalida. Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Norway sida quruxda badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey, isla markaana sheegay inay ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London iyo sidii loo dhaqangelin lahaa dhammaan qodobadii ka soo baxdey shirka London iyo sidii ay beesha caalamka ugu taageeri lahaayeen Ra’iisul Wasaaraha in Xilliga KMG ah la dhameystiro, isla markaana la ansixiyo dastuurka, lana doorto baarlamaan tayo leh.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu maalinta berri ah uu kulan ballaaran la qaadan doono Jaaliyadda Norway oo uu kala hadli doono arrimo fara badan oo ay ka mid yihiin sidii Jaaliyadda iyo Dowladda FKMG ah isagu xirmi lahaayeen isla markaana ay Jaaliyadda kaalin fiican uga qaadan laheyd geediga nabadda.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +4792521229 – Norway
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.