Home » News »

Maamul Goboleedka PuntLand oo Cambaareeyay Ku Biiritaankii ay Isku Biireen Shabaab iyo Dagaalyahanada Buuraha Galgala.

Af hayeenka Xukuumad Goboleedka PuntLand Axmed Cumar Xirsi oo war baahinta la hadlay ayaa ka waramay isku biiritaankii ay isku Biireen Dhaq Dhaqaaqa Shabaab iyo Mallishiyada Shiikh Atam.Af hayeenka PuntLand ayaa sheegey in isku biiritaankoodaasi haba yaraatee uusan maamulkoodu amnigiisa wax dhibaata ah u gaysanayn isla markaana aysan saameyneyn.

Axmed Cumar Xirsi af hayeenka Punt Land ayaa sheegey in horeba ay u ogaayeen in Dagaalyahanadii ka dagaalami jirey Buuraha Gal Gala ay ka tirsanaayeen Shabaab haatana haddii ay ku biiraan aysan ahayn wax ku cusub oo ay la yaabayaan.Af hayeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa cambaareeyay Kooxahaas oo uu sheegey in ay yihiin kuwo huwan magic Diimeed balse Diinta ka been sheegaya kuwaasoo uu sheegey in dhamaantooda ay ka wada tirsan yihiin Urur Weynaha Al Qaacidda.

Af Hayeenka PuntLand oo hadalkiisa sii wada ayaa intaa ku daray in xiligan Xarakada Shabaab awoodoodii si weyn hoos ugu dhacday isagoona Tusaale u soo qaatay ka bixitaankoodii Baydhabo taasoo uu sheegey in meel walba ay sidaa uga bixi doonaan isla markaana laga qabsan doono Mgaalooyin kale

Axmed ayaa hoostayaa sheegey in magaalada Baydhabo ay ka mid ahayd meelaha ay ugu jecel yihiin Al Qaacidda iyo Shabaab Dharaarta cadna ay ka carareen iyadoo wax dagaal ah aan lagala hor tegin sidaa darteedna isku biiritaankoodan haatana uu macnihiisu yahay awoodoodii oo dhamaatay waa siduu hadalka u yiriye.Af hayeenka PuntLand ayaa ugu baaqay Shacabka Reer PuntLand in ay ka hor tagaan Malliishiyadii ka dagaalami jirtay Buura Bari ee Maamulkaas kuwaasoo uu sheegey haatan in wax galaan gal ah aysan ku lahayn Gudaha Degaanada uu maamulkaasi ka arrimiyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.