Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo gaaray Oslo, Norway

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya Abdiweli Mohamed Ali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Oslo ee dalka Norway, halkaas oo uu martiqaad rasmi ah ka helay madaxda Dowladda Norway. Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka soo ambabaxay London oo uu uga qeybgalay shirkii 23ka Febraayo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa inuu madaxda Norway kala hadlo xiriirka labda dal, sidii loo dhaqangelin lahaa go’aanadii London, iyo sidii dowladda Soomaaliya looga saacidi lahaa dhaqangelinta iyo dhameystirka Roadmap ka gaar ahaan dib-u-habeynta baarlamaanka iyo dhameystirka Dastuurka.

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa lixdii bilood ee la soo dhaafay juhdi xoog leh geliyey sidii beesha caalamku ugu soo jeesan laheyd Soomaaliya taasoo aad moodo in si wanaagsan oo miro dhal ah loogu guuleystay. Shirkii London ayaa yimid ka dib markii a Dowladda Soomaaliya horumar baaxad leh ka sameysey dhanka amniga oo Muqdisho, Beledweyn, Baydhabo, Xudur iyo goobo kale laga qabsaday Al-Shabaab, sidoo kale horumarkii dhanka xiriirka maamulada iyo Dowladda FKMG ah, sida shacabka looga badbaadiyey macluushii ku habsatay iyo dhanka maamul wanaaga.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa markii uu soo gaaray Oslo sheegay in shirkii London uu ku soo dhamaaday guul, isla markaana beesha caalamka ay hal meel uga soo wada jeesteen sidii dowladda Soomaaliya garab loogu siin lahaa dhameystirka Roadmap ka iyo xiliiga kala guurka ah. Waxuuna sheegay in caalamku ay taageereen siyaasadii iyo istraatejiyadii Dowladda FKMG ah ee ku wajahan goobaha laga xurrooyey Al-Shabaab si shacabka ay aayahooda uga tashadaan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa ka dib booqashada Norway inuu booqasho rasmi ah ku tagi doono Sweden oo uu la kulmi doono Ra’iisul Wasaaraha Sweden.

Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854
E-mail: engabdirahman@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.