Home » Warar »

Guddonka sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo taliyaha guud ee ciidamada AMISOM oo maanta kulan ku yeeshay xarunta maamulka gobolka Banaadir

Waxaa maanta shir isugu yimid taliyaha ugu sareeya ciidamada nabad ilaalinta midwoga Africa ee AMISOM iyo masuuliyiinta maamulka Gobolka Banaadir oo ay wehliyeen 16-ka guddoomiye degmo.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah islamarkaana lagu lafo guryaya xaaladda amni, iyo Bani Aadanimo ee ka jirta gudaha magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir guddoominayay kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxigaha duqa magaalada Muqdisho mudane Cali Axmed Guure.

Waxaana dhanka AMISOM xubnaha kulankaasi uga qeyb galay ka mid ahaa Major General Fred Magusha oo ah taliya guud ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM oo ay wehliyeen saraakiil sar sare.

Soo dhoweyn kadib waxaa la guda galay ajandayaasha kulankaasi oo mid mid ay iskula lafa gureen masuuliyiinta maamulka gobolka Banaadir iyo taliyeyaasha ciidamada AMISOM.

Iyagoona ugu horeyn kawada hadlay xaaladda amni ee magaalada caasimadda ee Muqdisho kadib ka xoreyntii maleeshiyaadka Shabaab. Iyadoona kulanaasi la iskula soo qaaday baahida loo qabo wada shaqeyn dhex marta guddoonka sare ee maaulka gobolka Banaadir iyo guddoomiye yaasha 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho iyo taliska sare ee AMISOM.

Guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiye yaasha 16-ka degmo ee magaalada Muqdisho ayaa mahadcelin ballaaran udiray ciidamada AMISOM howshii adkeyn ay u dhabar adeeygeen, gaar ahaan amniga caasimadda iyo qeyb ka qaadashadooda ka xoreynta maleeshiyadii Shabaab magaalada Muqdisho.

Iyadoona maamulka gobolka Banaadir ay soo dhoweeyeen kulamo joogta ah iyo sii adkeynta wada shaqeyn rasmi ah oo dhex marta ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM iyo maamulka gobolka si loo sii adkeeyo sugidda amniga iyo soo celinta nabad gelyada.

Major General Fred Magusha taliya guud ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM, ayaa si weyn uga mahadceliyay guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir sida wanaagsan oo ay ugu soo dhoweeyeen xaruntooda iyo wada shaqeynta dhex marta labada dhinac isagoona ku amaanay howsha adag ee maamulku ku horumarinayo magaalada Muqdisho.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu tilmaamay in ay kala shaqeynayaan maamulka gobolka Banaadir maareynta dadweynaha kusoo laabanaya xaafadahooda iyo lasocoshada howlaha amniga caasimadda.

Wuxuuna ugu dambeyntii taliyaha ciimada AMISOM Gen Magusha sheegay ineysan raali ka noqon doonin in Argagixisadu ay wali sii joogaan magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ineysan sidoo kale aqbaleyn ciidamada AMISOM in qof masuul ahaa oo xilkii dowaldda uu u hayay laga qaaday uu isku sii dhajiyo xafiiska.
Iyo qodoka ugu dambeeya oo ahaa in sidoo kale AMISOM aysan marnaba aqbali doonin in magaalada Muqdisho ay dib ugu soo laabtaan hogaamiye kooxeedyadii bari katalin jiray.

Taliyaha ciidamada AMISOM ayaa sidoo kale balan qaaday in ay sii wadi doonaan kulamo joogta ah oo dhex mari doona guddoonka sare ee maamulka gobolka Banaadir iyo guddoomiye yaasha degmooyinka magaalada Muqdisho, si ay iskala shaqeeyaan dhinacyada Amniga, iyo xaaladaha Bani Aadanimo.

Wuxuuna ugu baaqay guddoomiye yaasha degmooyinka iney booqasho ku yimaadaan xeryo lagu dhaqan celiyo ciidamada dowladda oo ku yaala Jaziira.

Major General Fred Magusha oo ah taliya guud ee ciidamada nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa carrabka ku adkeeyay in aysan Mandate kooda ka mid aheyn iney u meeriyaan ama usheegaan Soomaalida sida ay isku maamuleyso, balse ay Soomaalidu u madax banaanyihiin maamul usameynta deegaanada laga xoreeyo maleeshiyaadka kooxda Shabaab.

Gaba gabadii kulanka maanta xarunta maamulka gobolka Banaadir ku dhex maray guddoonka sare ee maamulka gobolka oo ay wehliyeen guddoomiye yaasha degmooyinka iyo taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM Major General Fred Magusha oo ay wehliyeen saraakiil sare sare oo AMISOM ka tirsan.

Ayaa waxaa kulankaasi soo xiray kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna kuxiga duqa magaalada Muqdisho mudane Cali Axmed Guure.

Waa markii ugu horeysay ee kulan noocan oo kale ah lagu qabto xarunta maamulka gobolka Banaadir islamarkaana ay kasoo qeyb galaan masuuliyiinta sare ee gudodonka maamulka iyo guddoomiye yaasha degmooyinka iyo taliyaha ugu sareeya ciidamada AMISOM major General Fred Magusha.

Mohamed Yusuf

Press Officer office of the Mogadishu Mayor,

Tel: +252 699 407 191, +252 615 182 797.

Mogadishu-Somalia.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.