Home » Warar »

Warbixin Dheer oo laga soo Ururiyey Shirka Magaaladda London lagu soo Gabagabeeyey

  • Khudbadihii ay jeediyeen David Cameron, Ban Ki Moon, Shiikh Shariif, Dr Cabdiweli, Hillary Clinton, Miless Sanawi , Kibaki,Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wasiirka arrimaha dibada ee Turkiga
  • Miless Zanawi oo ku faaney Qabshashadii Magaalada Baydhabo
  • Turkiga oo sheegey in Shir lagu qabto Dibadaha ay ka wanaagsan tahay mid lagu qabto Gudaha Soomaaliya
  • Helliry Clinton oo sheegey in Soomaaliya loo dhisi doono Bisha Ogoosto Dowlad Rasmi ah islamarkaana la Dooran doono Madaweyne iyo Gudoomiye Baarlamaan

Waxaa magaaladda London ee Dalka ingiriiska ka furmey Shirkii Soomaalida oo ay qaban qaabadiisu lahayd Dowladda Ingiriiska waxaa shirkaas ka qaybgalya Dowladda Federalka , Xukuumadda , Barlamaanka iyo Maamulada , Soomaaliland , Puntland , Gal Mudug, iyo Ahlu Suuna Waljameeca waxaa shirkaas la sheegey in looga arrinsanayo arrimaha Siyaasada , Dhaqaalaha , Burcad Badeedka , Dib u heshiisiinta , la dagaalanka Xarakadda AlShabaab waxaana shirkaas Furey Raiisul Wasaraha Dowladda Ingiriiska ,David Cameron oo meesha ka saarey in shirka uu yahay mid Maxmiyad lagu gelinayo Soomaliya isagoo sheegey in shirka uu yahay mid Xasilooni loogu raadinayo shacabka Soomaaliyeed islamarkaana ay yihiin kuwa la weydiinayo Talada Soomaaliya .

Raiisul Wasaaraha ayaa sheegey in Shacabka Soomaaliyeed ay heystaan Fursad balse ay Furadaas ay luminayaan Xarakadda Alshabaab sidoo kale wuxuu sheegey in dhibaatada Soomaaliya ka taagan ay tahay mid si weyn looga dareemey Caalamka islamarkaana ay saameysey isagoo u soo jeediyey in soomaali looga baahan yahay in ay ka shaqeeyaan nabada Soomaaliya.

Waxaa Shirkaas sidoo kale ka Hadley Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ban Ki Mon oo u mahaceliyey Dowladda Ingiriiska oo uu sheegey in ay ka go’an tahay wax u qabashada shacabka soomaaliyeed sidoo kale Wuxuu sheegey in isku biiritaankii Xarakadda Al Shabaab iyo Alqaacida ay tahay mid ku tusineyso sida ay u daciifeen Xarakadda Alshabaab oo uu sheegey in ay dhibaato ku heyso shacabka Soomaaliyeed sidoo kale wuxuu beesha Caalamka ugu baaqey in taageero Siyaan dadka Soomaaliyeed.

Waxaa kaloo shirkaas ka hadley Raiisul Wasaaraha itoobiya Miless Sanawi oo sheegey in Dowadda Itoobiya ayaa sheegey in Dowladda Itoobiya ay ka Go’an tahay sidii ay soomaaliya nabad looga soo dabaali lahaa sidoo kale wuxu sheegey in Ciidamada Itoobiya ay haatan qayb ka yihiin sidii ay gacan u siin lahayd Dowladda Federaalka islamarkaana wuxuu sheegey in goobaha ay kala wareegaan Alshabaab ugu wareejin doonaa Ciidamadda Amisom.

Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ka hadley kulkankaas ayaa u mahadceliya Dowlada Ingiriiska isagoo sheegey in Dowlada ingiriiska ay fursad siiso Shacabka Soomaaliya oo muddo labaatan sano ku jirtey waxaa uu kaloo uu sheegey in Dowladda Federaalka ay ku guuleysatey mudadii ay jirtey in ay wax ka qabato arrimaha Nabadgelyada , Dib u dhiska iyo la Dagaalnaka Xarakadda Alshabaab hase yeeshee Madaxweynaha ayaa kula dardaarmey in shirka uusan noqon mid inta Go’aano laga soo saaro hadana meeshoodii looga tago wxuu madaxweynaha uu codsadey in la kordhiyo Tirada Ciidamada Amisom iyo in Soomaaliya laga qaado Cunqabateynta Hubk si loola Dagaalamo Xarakada Alshabaab.

Riisul Wsaaraha Soomaaliya Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo isna ka Hadley kunkaas ayaa ku dheeraadey waxqabadii Dowladda Federaalka oo uu sheegey in inta badan Ciidamadeeda kala wareegtey deegaano fara badan oo Xarakadda Alshabaab ay gacanta ku hayeen sidoo kale Raiisul Wsaaraha Soomaaliya uu Beesha Caalamka ka codsadey in Cirka laga Duqeeyo Xarumaha ay ku sugan yihiin Xarakadda Alshabaab si uu sheegey in ay awoodeeda wiiqanto waxaa kaloo uu soo qaadey Kulamadii wada tashiga ee ka dhacay Magaalada Garoowe oo uu sheegey in ay ka soo baxeen go’aano wax ku ool ah.

Hillary Clinton oo ah wasiirada arrimaha dibadda ee Mareykanka oo ka hadashey Kulankaas ayaa sheegtey in shirkaan uu fursad u yahay shacabka soomaaliyed oo mudo dhibaato ku soo jirey waxaa carabka ku dhiftey in Dowladda Mareykanka ay Xiligaan ay ugu deeqdey lacag gaareysa 64 Milyan oo Doolar oo ay sheegtey in wax looga qabanayo arrImaha Baniaadanimada maadaama ay soomaaliya weli ay ka jirto Macluul waxay kaloo ay sheegtey in lacagtaas wax looga qabanayo arrimaha Dib u dhiska soomaaliya sidoo kale wuxuu sheegtey in la xayirayo Dhaqaalaha Xarakadda Alshabaab oo ay sheegety in ay dhawaan ku biireen Al-qaacida waxayna ka codsatey beesha Caalamka in ay taageero siyaan Bulshada Soomaaliyeed waxay kaloo ay sheegtey in aysan suurtagal ahayn in waqti loo kordhiyo Dowladda Federaalka oo ku tilmaantey mid taagdaran taasoo ay sheegtey in ay ku eg tahay bisha Ogoosto wixii waqtigaas ka dambeeya waxay tilmaantey in soomaaliya ay hesho dowlada rasmi ah oo aan ku meel gaar ahayn.

Kibaki oo ah Madaxweyaha Kenya oo isna ka Hadley Shirkaas ayaa dulmar ku sameeyey waxyaabihii ay u qabteen soomaaliya oo ay ugu horeeyaan qaxootiga ku jira Xerooyin ku yaal wadanka Kenya sidoo kale wuxuu sheegey in Ururka Alshabaab uu yahay urur Qatar ku ah Dalka Kenya isagoo u Sheegey in beesha caalamka looga baahan yahay sidii Ciidamadda Kenya gacan looga siin lahaa dagaalka alqaacida waxaa kloo shirkaas ka Hadley Madaxweynaha Dowlada Jabuuti Ismaciil Cumar geella oo sheegey in mudadii dhibaatada Soomaaliya ka jirtey ay wax badan u qabteen shacabaka Soomaaliyeed gaar ahaan wuxuu soo qaatey shirarki dib u heshiisiinta Soomaaliyeed waxaa kaloo uu sheegey in Jabuuti ay qayb ka noqdeen Ciidamada Amisom.

Intii uu socdey shirkaas ayaa waxaa ka Hadley Wasiirka arrimaha Dibadda oo sheegey in soomaliya ay haatan u baahan tahay gacan Balaaran maadaama dowladda Turkiga oo ahayd Dowladii indhaha ku soo jeedisey dhibaatada Soomaal;iya sidoo kale wuxuu sheegey in Dowladda Turkiga ay qabaneyso shir aad u weyn oo uu sheegey in looga hadlayo arrimaha Soomaaliya wuxuu u soo jeediyo Dowladdaha Caalamka in taageero balaaran siiyaan Shacabka Soomaaliyed wuxuu kaloo uu sheegey in shir meel ka fog lagu qabto ay ka wanaagan tahay mid lagu qabto Gudaha Soomaaliya waxaa kaloo uu sheegey in lixda bisha maarso ay Dulimaad bilaabeyso Shirkada Turki Airwaya waxaa uu ugu baaqey in Dowladaha Caalamka in ay soomaaliya ka furtaan Safaaradahooda.

Wara aan helney shirka ayaa sheegaya in la heley Goaano hordhac ah oo ay ka mid yihiin inla Kordhiyo tirade Ciidamada AMISOM dhaqaale loo helo Cidamadaas waxa kaloo kamid ah qodabada Shirka inla dhiso Ciidamada Soomaaliya , waxaa kaloo shirka laga heley ka mid ah in ay wada hadlaan Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland , waxaa ka mid ah in la taageero qodobadii ka soo baxay shirkii Garoowe sida dastuurka Road Map-ka waxaa ka loo ka mid ah I la dhso Bisha ogoosto Dowladda rasmi ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

 

sawir uu ka dhex muuqdo guddoomiyihii xilka laga qaaday (Isha sawirka)

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.