Home » News »

Munaasabad lagu celeemosaarayey Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi oo Ka dhacdey Deegaan Malkaareey ee degmada B/xaawo.

Waxaa shalay oo ay taariikhdu tahay 22/02/2012 ka dhacday degmada Beledxaawo Gobolka Gedo xaflad taariikhi ah oo si heersare ah loosoo abaabulay. Xafladaan ayaa aheyd mid lagu caleemo saarayey Ugaaska guud ee Beesha Sade (mareexaan) Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi oo asagu badalaya Ugaas-kii hore ee Beesha Sade Ugaas Cumar Ugaas Xirso oo dhamaadkii sanadkii hore geeriyoodey.

Xaflada caleemo saraka Ugaas Maxamed Ugaas xaashi ayaa abaabulkeedu wuxuu socday mudo dhan sideed bilood ayadoona ay kazoo qaybgaleen, isimo,salaadhiin, aqoonyahano, ururada dhalinyarada, ururada haweenka, waxgarad iyo culumaa’udiin ka kala socdey gobolada iyo beelaha Soomaaliya ayadoo sidoo kalena ay degmooyinka Gobolka Gedo ka kala yimaadeen ergooyin boqolaal kor u dhaafaya .

Munaasabada caleemka saarka Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi ayaa ka dhacdey goob dhawr kilimitir galbeedka ka xigta magaalada B/xaawo oo lagu magacaabo Malkaareey goobtaas oo mudo laga shaqeynayey.

Munaasabadii caleema saarka kadib waxaa halkaas ka hadlayey odayaal waxgarad iyo ergooyinkii u yimid munaasabada caleema saarka ayagoo ugaas ugu duceeyey in ilaahay ku garab galo masuuliyda culus ee dusha loo saaray sidoo kale waxay kula dardaarmeen inuu ka shaqeeyo nabada midnimada iyo ummadda dooratay iyo guud ahan umada Soomaaliyeed.

Abdihakim Abdalla Hassan
abdihakim2@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.