Home » Faallo »

Culumada oo loo qaybiyo Rabaaniyiin iyo Culuma’usuu waa kalmad xaq ah oo loola jeedo baadil: Qaybtii 3-aad

Akhristoow qoraaladii hore waxaan uga soo hadalnay tilmaamaha culumada rabaaniyiinta iyo culumaa’usuu, waxaad u jeedaa maanta dad aan garan karin xaqa culumada inay ku xukumeen culumadii lagu bartay wanaaga inay yihiin culumaa’usuu, laakiin su’aashu waxaa weeye adiga oraahdaada iyo aragtidaada guracan miyay ku noqonayaan culumaa’usuu, taariikhda ayaa ka markhaati kici doonta cidii culumaa’usuu ah.  Su’aalo badan waxaan iska waydiin doonaa 2dii qormo ee hore waxaanan arki doonaa culumadeenii wanaaga lagu bartay inay yihiin rabaaniyiin iyo raasikhiin, waxayna ka muuqan doontaa halkay ka istaageen dagaaladii sokeeye laga soo bilaabo 1991 markii dagaalada sokeeye wadanka hareeyeen wadaadaduna dhex boodeen.  Waxaan tusaale u soo qaadan doonaa Sheekh C/qaadir Nuur Faarax , mawaaqiftiisa iyo manhajkiisa aan isbadalka lahayn oo ay ka muuqato raasikhnimada cilmiga iyo sugnaanta xaqa, alloow diinta nagu sug.

1991 waxaan ku jiray dadkii u qaxay magaalada kismaayo, intuuna dhicin dagaalkii wadaadadu la galeen jeneraal caydiid, waxaa yimid magaalada kismaayo gaar ahaan goobtii wadaadadu deganaayeen (xeradii guulwadayaasha) Sheekh C/qaadir Nuur Faarax, Sh. Cali Warsame, Macalin Maxamuud Macalin Nuur Allah ha u raxmadee iyo culumo kale, waxay rabeen inay baajiyaan dagaalka wadaadadu la galayaan caydiid, waxaan xusuustaa dhaqdhaqaaq badan oo xerada ka socday oo dhalinyaradu wadeen oo looga soo horjeeday culumada waaweyn ee rabaaniyiinta iyo raasikhiinta cilmiga ku ciraystay.

Habeenkii markii la isagu yimid goobtii culumadu dhalinyarada kula hadlayeen waxay soo jeediyeen culumadu hadalo wanaagsan oo wacdi iyo xikmadiba ka buuxdo, waxaa hadalkii qaatay wiilal dhalinyara ah, qaar koodna maata diideen sunada Nabi Muxamad (nabad galiyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) oo ay ku biireen qolyaha loo yaqaano “Quraaniyiin”, wuxuu ii sheegay nin Sheekh ah inuu indhaha saaray ninkii habeenkaas ugu hadal kululaa ee culumada ka horyimid oo dabagaab qaba, gabar ajnabi ka ahna gacanta haysta, dhalinyaradu waxay u arkayeen ninkaas xiligaa 1991 rabaani, sida maantaba kuwo la mid ah ama kaba sii aqoon yar loogu yaqaano rabaani cirka ka soo dhacay.

Mid ka mid ah dhalinyarada ayaa wuxuu akhriyay aayada ku jirta suuratul toobah ee nambarkeedu yahay 31 إتخذوا أحبارهم ورهبانهم أربابا من دون الله isagoo wiilkaa yar ujeedadiisu aheyd inuu raga kale ku diro culumada oon warkooda la qaadanin, hadii la qaatana macsiyo lagu raacay ileen jihaadkay diidan yihiine, waa sida aragtidiisa guracani tusisay, Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo aad u fahamsanaa ujeedada dhalinyarada iyo fahamkooda qaloocan ayaa wuxuu aad uga xumaaday tusaalaha dhalinyaradu u soo qaadatay Culumada.  Wuxuuna fasiray macnaha aayada oo ah in laga dhigto culumada iyo suufiyada ilaahyo la caabudo alle sokadii, laguna raaco culumada macsiyada alle, waxay xalaaleeyaana la qaato waxay xarimaana laga tago, waana qisadii dhexmartay Nabigeena suuban (nabadgaliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee) iyo saxaabigii cadiyi bin xaatim.

Sheekha iyo culumadii la socotay maalintaas waxay lahaayeen war dhalinyarada yaan dabka lagu shubin, war curdankaan la beeray yaan la goosanin xiligiisa ka hor, waana maalinkii ugu horeeyay ee dhalinyaradu u adeegsadeen eraga culumaa’usuu culumadoodii diinta soo bartay.

1992 dagaalkii ka dhacay gobolada bari ee dhexmaray wadaadada iyo beelaha daga goboladaas, Sheekh C/qaadir wuxuu lahaa war dhalinyarada yaan dabka lagu shubin, war curdanka yaan la boobin, cidna dhag jalaq uma siinin, dagaalkiina waa la galay mashaqadii la ogaana way ka dhalatay wiilal dhalinyaro ah ayaa maalintaana Sheekha ku lahaa beeshiisuu la saftay, odayaashii qabiilkana gadaal buu marsaday, waxaan xusuustaa inuu gabay tiriyay Abshir Nuur Faarax (abshir bacadle) Allah ha u raxmadee oo Sheikh C/qadir uu ku durayay, alahayoow u danbi dhaaf maanta dhulka hoostiisuu ku jiraaye.

2006 xiligii Maxaakimtii Islaamiga ka soo ifbaxday gobolada koonfureed ee Soomaaliya Sheekh C/qaadir iyo Culumadii kale ee la joogtay waxay dhaheen maxaakimta xaaladeedu macadam, wax badan baa isku dhex jira, bal aan sugno oon aragno biyo dagooda, wax yar ka dibna waxaa cadaatay ujeedooyinkii badnaa iyo danihii isbahaysigii maxaakimta, kuwo dollar rabay, kuwo diin rabay, kuwo dagaal rabay, kuwo nabad rabay iyo kuwo risiq rabayba way isugu jireen, ninba dhan u badi.

2008 waxaan joogay gobolka Minnesota ee cariga Maraykanka mar Sheekh C/qaadir muxaadaro uu ka jeedinhayay masjidka Abubakar As Sidiiq ee ku yaala gobolka Minnesota, isagoo lagaga soo xiray wadanka Kenya qalabka la iska arko, wuxuu ku celcelinayey sheekhu war dhalinyarada yaan dab lagu gurin, waryaan curdanka la dadajinin, war bilaash kuma imaanin, dhalinyarada yaan la marin habaabinin.

2011 maalintii Aaskii Sh. Dr. Axmed Xaaji C/raxmaan waxaa kalimad ka jeediyay Sheekh C/qaadir Nuur Faarax wuxuu ku soo celiyey kalimadii lagu bartay ee ahayd; waryaan dhalinyarada dab lagu shubin, ileen dhalinyartii dishay sheikha ee fikirka qaloocani galay kuwo kale oo fikirkaas qaloocan uu ku dhax gaboobay ayaa u fatwooday dilka culumada una sheegay in jano lagu galaayo.

2012 ugu danbeentii bishii hore ee Janaayo aakhirkeedii anigoo qoraya maqaalkii labaad ee qaybinta culumada ayaa waxaan dhagaysanayey qolka islaamiga ah ee Al-taqwa iyo kan 114 oo lagu sooxiray nadwo ay ka qayb galayeen Sh. C/qaadir Nuur Faarax, Sh. Axmed C/samad iyo Sh. C/qani Qorane dhamaantoodba alle ha xifdiyee, waxaa markiiba igu soo dhacay hal ku dhagii Sheekh C/qaadir, anigoo niyada ku haya eraygii aan ka maqlay sheekha 1991 anigoo hor fadhiya ayuu ku soo celiyay bishii koobaad ee sanadkan 2012, intaan dhigay qalinkii aan wax ku qorayay yaa waxaan iri allow nagu arzaaq sugnaanta Sheikh C/qaadir oo kale, is badbadal ma leh, midabeyn ma leh, caadifo ma leh, mowqif aan isbadal laheyn iyo manhaj cad ayay xanbaarsan yihiin Culumada uu ka midka yahay Sheekh C/qaadir.

Akhristoow maxaad ka qaadatay qoraaladii qaybinta Culumada, yaa rabaaniyiin iyo raasikhiin ah yaase culumaa’usuu ah.  Rabaaniyiin waxaa lagu gartaa: Cilmi, Aqoon, ku dhaqan, Ikhlaas, raacida Nabiga (nabadgaliyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee), Akhlaaq wanaagsan iyo Aflagaadada culumada oo la iska dhowro, waxaan filayaa inaad igu waafaqsan tahay in culumadeenii wanaaga aan ku baranay ay ku sifeysan yihiin tilmaamahaas.
Culumaa’usuuna waxaa lagu gartaa: diinta waxay dhaafsadaan aduunyo, xaqana way qariyaan oo ma sheegaan, waa jaahiliin, umadana waxay ku kala xukumaan wax aan alle soo dajinin, waxay ku been abuurtaan Allah, waxay raacaan hawadooda iyo wixii naftoodu u qurxiso.

Hadaba akhristoow culumadeenii diinta darteed qaarna loo laayay qaarna loo xirxiray ma dhihi karnaa diintoodii aduunyay dhaafsadeen? kuwii xaqa sheegi jiray ee xabsiyada laga buuxin jiray ma dhihi karnaa waa culumaa’usuu? Kuwii diinta ina soo baray ee xaqa iftiimiyay ee suufiyo iyo khuraafo inaga soo saaray ma dhihi karnaa waa jaahiliin? kuwii xaqa cadeeyay ee xukuumaadka ka horyimid ma oran karnaa hawadooday raaceen? hadaba akhristoow xukunku aduu kula jiraa, kubadana dhankaagaan u soo laadaye shabaqa ku rid.

“Waryaan dhalinyarada dab lagu shubin” Hadalkaas Sh. C/qaadir wuxuu noqday hadal waaray ilaa maantana taagan.

Qormada xigta hadii alle idmo waxaan ka hadli doonaa xukunka iyo natiijada ka dhalan cayda culumada iyo eraygan culumaa’usuu aloow diinta nagu sug.

W/Qoray Sh.Ahmednuur Macalim C/qaadir
Imam Masjid Abu-Bakr Islamic Center
Seattle, Washington
midnimo14@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

4 Jawaabood " Culumada oo loo qaybiyo Rabaaniyiin iyo Culuma’usuu waa kalmad xaq ah oo loola jeedo baadil: Qaybtii 3-aad "

  1. maxamed says:

    xuseen ninka la yiraahdo waxaan leeyahay ilaahay ka baq, ninkii wanaagsan wuu wanaagsanyahay markaad leedahay somali mid aad laysaan iyo mid aad gacmaha ka goysaan baad ka dhigteen waxaa ila quman inaadan gacan ka goynta ama dilka aadan durin sababtoo ah shareecadeena ayay ka mid tahay in wax la dilo waxna gacanta laga gooyo ciddii mudata waxaa kuu fiicnaan lahayd inaad ka hadasho kuwa gacmaha jaraya inay sidii sharciga waafaqsanayd mareen iyo inkale. hadalkaas aad hada sheegayso iyo gaalada ay la soo safteen suufiyo ee la wada ogyahay maanta ayaa cadaynaysa suufiyo waxay tahay wakhtigoodiina waa dhamaaday nimankaas dadkiina wuu fahmay

  2. maxamed says:

    walaalka qoraalka qorey isagoo mahadsan waxaan ku waafaqsanahay inay jiraan culumo wanaagsan oo soomaaliyeed oo loo gafay laakiin walaalka waxaan waydiinayaa miyaad wada bari yeelaysaa culumada ood cadaynaysaa inaysan jirin qaar lagu tilmaami karo culamaa’ suu ? waxaa kaloo walaalka hadalkiisa kujiray culumadii inta badan wax na soo bartay ee dacwada loo soo dhibaateeyay ee quraafaadka laga soo saaray, aniga sidey ila tahay taasi ma aha qodob dood ah waayo sheekhu inuu khaldamo kuma xirna inuu markii hore fiicnaan jiray oo dacwada bari hore soo galay xujo un baa lagu kala bixi ma ahee. maxaad sheekha isugu dheerarin waxay ila tahay inaysan saxsanayn walalka wax ha iga dhaho haduu si kale u arko arintan
    mahadsanid

  3. suleiman says:

    sc.
    maasha Allaha waa maqaal qayyim ah oo aad loogu baahnaa in ummada loo cadeeyo tilmaamaha culumada rabaaniyiinta iyo culumaa suu ah .
    jazakaAllahu khayr.

  4. xuseen says:

    kuwa kaa soo saaray quraafinimo aad sheegayso ,waa kuwa ku baray in dadka la laayo oo laga soaaro islaamka ,suufiyada waa kuwa diinta kuu xifdiyay ee isticmaarka kasaaray wadanka ,umada somaaliyeed waxaa ucadaatay shababka iney yihii ardaydii la baray dilka dadka aan ku afkaarta ahayn ,kuwa barayna waa kuwa aad leedahay quraafaatka suufiyada ayay naga saareen ,waxaa cadaatay afkaarta salaf ku sheega ee wahaabiyada ineysan sconayn oo ay dhib ku hayso muslimiinta inta aan gaalo lagaarin
    keligiis muslimow maxaa sameesay oo an ahayn qasaaro ku dhacday somaalida ,? aaway somaali maanta ,waxaad ka dhigteen kuwaad qashaan iyo kuwa aad gacanta ka goysaan ,waana afkaarta lagu baray ,hana bari noqon maanta shabaab ,shabaab manhajka labaray ayay dabaqeen meelkale kama keenin