Home » Warar »

Ciidamada Gumeysiga Itoobiya oo Qabsaday magaalada Baydhabo

Arbacadii Feb 22, 2012 ayaa ciidamo Itoobiyaan ah waxay galeen magaalada Baydhabo ee magaalo madaxda Gobolka Bay ee dalka Soomaaliya ayagoo ka soo tallaabay xad beenaadka dhulka Soomaali galbeed ee ay gumaysiga ku haysato.

Af-hayeen u hadlayey xarakada Al-Shabaab,  Shiikh Cabdicasiis Abuu Musca, ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay uga baxeen xeelad dagaal.

Ma aha markii ugu horeysey ee Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ay galeen magaalooyin ka mid ah Soomaaliya. Dhammaadkii December 2011 ayey galeen magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan, halkaas oo ay dhibaatooyin badan ka geteen, ayna weli halkaas haystaan.

Waxaa taas ka horeeyey Dec 28, 2006 ayey ahayd Maalintii Ciidamada Itoobiya galeen Muqdisho, halkaasna xilligaas laga saaray maxaakiimtii Islaamiga ahaa oo uu madaxdooda ka mid ahaa Sheikh Shariif Sh. Axmed. Waxayna Soomaaliya ciidankaasi xoog looga saaray (Jan 15, 2009) waa kaddib (749) maalmood oo uu socdey dagaal.

Dhanka Koonfureed ee Soomaaliya waxaa duullaan ku qaaday Ciidamada Kenya, kuwaas oo xadka NFD ka gudbey October 16, 2011.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.