Home » Warar »

Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo C/wali Gaas oo la sheegay in ay Shirka London ka Filayaan in mar kale ay ka soo Muuqdaan Siyaasadda Soomaaliya.

Iyadoo maalinta beri ah lagu wado in London uu ka furmo shir ay qabanqaabineyso Dowladda Ingiriiska kaas oo loo qabanayo xubnihii saxiixay shirkii Garoowe iyadoo lagu daray qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan sida Aqoonyahano, Siyaasiyiin iyo Haween ayaa wararka ka imaanaya London waxay sheegayaan in xubnaha Dowladda ee ka qaybgalaya shirkaasi sida Madaxweyne Sheekh Shariif, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Ra’isul Wasaare C/wali Gaas ay shirkaasi ka filyaan in mar kale ka soo Muuqdaan Siyaasada Soomaaliya

Mas’uuliyiintaan ayaa lagu waramay in ay xilka sii hayn doonaan mudo kale, hase yeeshee warar kale ayaa waxay sheegayaan in xubno ka socda Qaramada Midoobey, Midowga Afrika, IGAD, Midowga Yurub, Jaamacadda Carabta iyo Ururka Islaamka si aan toos aheyn ula shaqeyn doonaan, iyadoo dhaqaalaha, arrimaha siyaasadda iyo dib u dhiska dalka ay maamuli doonaan dhinacda aan soo sheegnay iyadoo dowladda Federaalka xubnahooda ay noqon doonaan kuwo lagu kormeeri doono waxa ay qabanayaan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed oo aan wax ka weydiinay sida ay u arkaan shirka Magaalada London ayaa iyana noo sheegay in xilka ay sii hayn doonaan Madaxweyne Shariif Shariif, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan oo horey loo sheegay in xilka laga qaaday iyo C/wali Cali Gaas waayo ayay yiraahdeen “haddii aysan shirkaasi rajo ka qabin way mucaaradi lahaayeen kana soo horjeesan lahaayeen”, sidoo kale waxa sheegeen in Dowladda Ingiriiska ay dooneyso in ay xoogga saarto maamulada dalka ka jira oo dhaqaalaha la siiyo dowladda Federaalka mid la mid ah in la siin doono, waxay tilmaameen in ay caddeyneyso martiqaadka loo fidiyey mamulada Somaliland iyo Puntland.

Bulshada Soomaaliyeed ayaa iyana aragtiyo kala duwan ka bixiyey shirkaasi qaarkood waxay sheegeen in shirkaasi ka soo bixi karo natiijooyin wanaagsan maadaama Ingiriisku mudo 20 sano ah uusan faragelin toos ah ku sameyn Soomaaliya balse qaar kale oo ka tirsan Bulshada Soomaaliyeed ayaa qaba in shirkaasi yahay mid la donayo in maxmiyad lagu geliyo Soomaaliya, waxayna sheegeen in aysan meesha ka marneyn danaha Dowladda Ingiriiska ay ka leedahay Soomaaliya oo ah mid aad u weyn, iyagoo sheegay in dhaqaalihii ka soo geli jiray Maraakiibta mari jirtay xeebaha Soomaaliya iyo waliba dhaqaalihii ka soo gali jiray dalka Kenya uu hoos u dhac ku yimid isla markaana ay Dowladda Inigiriiska dooneyso in ay maareyso. Isku soo wada duuboo shacabka Soomaaliyeed ayaa u indho taagaya waxa ka soo bixi doona shirka London iyadoo furitaanka shirka oo saacado ay ka harsan yihiin uu ku soo beegmay xili ay Ciidamada Itoobiya kaabiga ku hayaan Magaalada Baydhabo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Sheekh Shariif, Shariif Xasan iyo C/wali Gaas oo la sheegay in ay Shirka London ka Filayaan in mar kale ay ka soo Muuqdaan Siyaasadda Soomaaliya. "

  1. Abdi Nur says:

    Shirkan natiijadiisu waxay ku xirantahay hadba sida ay Somalidu ka dhigato. Ayada oo ergadi kawada qayb geli lahayd shirka ay London ku wada sugantahay ayaa waxaa nasiib darro ah in aanay yeelan shir hor dhac ah intooda somalida ah oo la rabay inay mawqif midaysan oo laga baarandegay iyo ajende cad ku biiriyaan shirka aysan weli taasi muuqan.

    Haddaba, maadamaa dalka arrimihiisa loo shirayo uu dalkoodi, yahay soo ma ahayn inay xoogga saaraan inay inta badan ajendaha iyo xogtaba xaggooda ka keenaan ayaga si wixi lagu biiriyaa ay noqoto talo bixin, ganacan siin khibradadeed iyo farsamo iyo kaalmo dhaqaale oo wada jira.
    Inti shir oo Somaliya hore usoo martey waxay u badnaayeen kuwo ajendayaashu intooda badan dusha Somaida looga keenayay kaddibna muran badan kaddib marka waqtigu cariiri noqdo lagu tirtirsin jirey inay saxiixaan. Halkaas arrimo qayriin lala soo guryo noqon jirey.
    Qodobka labaad oo mar walba wax ka socon waayi jireen ayaa ahaa siyaasad aan dhaqaale la socon, oo dal burburay oo ebebr laga soo billaabayo ayaa dawlad qallalan la lahaa sug amaankiisa, kuna shaqee haya’dihiisa, sidee dawlad xubnaheeda mushaarkooda debedda laga soo bixiyo ku shaqyn kareysey, soo ma aheyn qorshe wada jira oo siyaasad, qaab shaqo, khibrad iyo dhaqaaleba in hal mar lagu taageero dawladda oo la garab istaago deeq iyo deynba lana soo noo;eeyo hayadihi dhaqaalaha iyo kaabayaashiba isla markaasna sax loo dhiso coodan qaran oo amniga iyo dawladnimada sugi kara oo mushaar iyo qalabba u idilyahay, laguna taageero dawladda khubaro (consultants) ka caawiya hawsha ilaa ay cagaheeda ay isku taagto.
    Into sidaas la sameyn lahaa waxaa laga door biday hadba nin madax ah hal jeeg oo kuusan in jeebka loo soo geliyo kaddibna laba laba madaxa la isu surto kaddibna waqtigi lagu dhamaeeyo madaxa u kala bixintooda xaaladduna hadba khilaaf horleh dhasho oo kasii darto.
    Waxan qabaa Somalidu inay tashato oo qorshe cad caalamka ula tagtaa,una sheegtaa in ay u baahantahay gacansiin dhaqaale iyo mid khibradeed oo wada jira oo istiraatiijiyo jadwalaysan o min bar billow ilaa bar dhamaad ku caddahay oo dalki si buuxda loogu soo dhisayo from scratch, lana dhiso ciidanki qaranka ,hayadihi nabadgelyada, iyo hayadihi kale ee dawladda in lagu caawiyo dalkaan burburey oo dagaaladu la degeen. Haddii intaas aan la haynna ay isku tashato ayadu oo wixi ay qabsan karto wax ku jaan goosato khilaafka qabiilka oo macno la’aanta ahna iska dayso u hanqaltaag meelaan waxba uga soo soconna iska yareyso.
    Dawladda Ingirriska oo haysa jaaliyadda Somalida ee labaad ee ugu balaaran(mareykanka kaddib), isla markaasna hore usoo gumaysatey Somalia, aqoon badanna u leh qaabka dawladnimada oo caalamka intiisa badan dawladnimo soo gaarsiisay waxna kasoo dhistey kuna guulaysatey dhisidda Honkong, Singapore, iyo dalal badan oo caalmka kaalin muuqata uga jira; haddii uu daacad ka yahay, wax badan ayuu ku kordhin karaa wax ka qabashada arrimaha dalka Somalia. waxayse ku xirnaan doonta hadba sida Somalidu ula timaaddo ajende danteeda ka hadlaya oo qeexan iyo sida ay dawladda ingiriisku ugu soo jeeddo wax u qabashada dhabta ah ee somalida.
    Haddise Somalidu sideedi usoo fadhiisato sidi ardey macaallin usoo xaadirey caalamkuna dano isku maldahan iyo ajendayaal wejiyo badan hoosta kasoo geliyo, dee dhawr iyo tobanki shir ee hore waxba kagama duwana kanina.