Home » News »

Ethiopia oo sii kordhisay xasuuqii Sahacabka reer dhagaxbuur iyo Shir dagdag ah (Emergency Meeting)

Ethiopia oo sii kordhisay xasuuqii Shacabka reer Dhaxbuur iyo Shir dagdag ah ooy ururada xuquuqul isnsaanka South Africa Cape Town ku qaban doonaan Axada fooda inagu soo haysa.

Iyadoo Daafaha Aduunka lagu qabanayo isu soo baxyo lagu xusayo xasuuqii ay ciidamada Ethiopia ka gaysteen Malagaalooyin ka Wardheer , Qabridahare Iyo Godey xili ku began bishan febaraayo een kujiro ayaa waxaa soo Baxayaya Xasuuq hor leh halkaas oo la sheegayo in ciidamada Ethiopia ee ku sugan gobalka dhagaxbuur ay dagmada guunagado ku xasuuqeen dad kor u dhaafaya 30 qof .

Xasuuqan oo bilowday 14 kii Isla Bishan aan kujiro ee uur kutaalada ku noqotay Somalida ku dhaqan Ogadenia ayaa ilaa haatan socda sida aan ka helayno goobjoogayaal kusugan Magaalada dhagaxbuur oo iyagu ka soo firxaday xasuuqa ay ciidamada Ethiopia iyo kuwa dabadhilifka ah ee afka Somaliga ku hadla u gaysanayaan dadkan Somalida ah een waxba galabsanin,Kuna Dhaqan gobalka aduunka ka go’an ee Ogadenia .

Waaxaa 14 kii bishan Guryahooda lagala baxay xili habeenima ah C/qadir Guuled Fooley iyo Khadar Cabdullaahi Ibarahim oo ahaa odayaasha Magalaaga Gunagado Halkaas oo lagu dilay Duleedka Dagmada Guunagado.labadan Odey ayaa ladilay xili ay xaasaskoodu si tabar la aan ah oo tiiraanya badan u daawanayeen dilkooda haseyeeshee ayna waxba ka qaban Karin waliba loogu hanjabay in meeshay mareen la marin doono haday ka hadlaan arintaas .

Dadka la daldallay odayaashan ayaa la xaqiijiyay inay ahaayeen Dabaqoodhiga Dagamada Dilku ka dhacay ee Gunagado oo iyagu ka amar qaata Ninka lagu magacaabo cabdi Illey oo ah madaxweynaha Maqaarsaarka ah ee soo maluuqatay maxaysatada tigreegu .

Dilka Odayaasha ayaa kadib ayaa waxaa kullan isugu yimid duqayda iyo waxgaradka dagmadan Gunagado oo ka tirsan Gobalka dhagaxbuur waxayna waydiiyeen Maamulka dagmada sababta loo dilay dadkan,

Nasiib darro waxaa lagu dalbaday dadkii ciidan kale oo isugu jira Dabaqoodhi Iyo Ethiopian waxaana isla goobti lagu dilay dad gaadhaya 16 qof oo kale Gumaadka Bulshada Gunagado ay Cidamada Ethiopia u gaysanayaan ayaa socda ilaa haatan waxaana la sheegayaa dadkan maydaddkooda loo diiday in la aaso, maydaddka dadkan ladillay ayaa daadsan magaalda daafaheeda argagax badan ayaa ka jira deegaanka dadkan lagu laayay waxaa firxaday Dadki daganaa Dagmadan oo duurka galay, Gabi ahaanba Dagmada Gunagado ayaa haawanaysa oo laga baxay .

Arintan ayaa timid Maalmo uun ka dib Markay Jaaliyada ogadenia Dalka South Africa ay dacwad u gudbisay Maxakamada danbiyada dagaalka ee aduunka ICC , Qaadiyadda sare ee Maxkamadaha Dalkan South Africa madaxa Danbi baadhista Dalkan iyo waliba Taliyaha Police South Africa .

Dacwadan ooy wadaan Qareeno caalami ah oo aad ugu xeeldheer danbiyada dagaalka ayaa Ethiopia ku ah xumad siyaasadeed oo ku soo Koradhay waana qodax Ethiopia ka mudaysa wadnaha iyadooy Horay lugta uga jirtay xabada ay ONLF kula jirto Ciidamada Ethiopia si Gayigga Somalida Ogadenia looga xoreeyo Gumaysiga Ethiopia .

Dhanka kale waxaa wali xabsiyada Ethiopia ku bahdilan ugaasyo, Suldaamo, Ganacsato Gabadho iyo hooyooyin Somaliyeed . Dadkan ayaa lagu jidhdilaa xabsiyada kuyaala Dhulka ay Ethiopia kahaysato Somalida ee Ogadenia , waxaa ka mid ah dadka maalimihii ugu danbeeyay la xidhay Ugaas Maxamed Duulane Ugaas Xaashi oo ahaa ugaaska Gobalka Qoraxey ooy Ciidamada Ethiopia uu kaashanaya kuwa dhabadhilifka ah ee la shaqeeya ka soo afduubeen Magaala madaxda Gobalka qoraxey ee Qabridaharre , ugaas ka ayaa loo qaaday markii hore dhagaxbuur kadibna waxaa loo dhaadhiciyay xabsi kuyaala magaalada Jigjiga .

Ma aha markii ugu horaysay ee ugaasyo , suldaamo aqoonyahano iyo dadka indheer garadka ah lagu xidho wadanka mushkiladu ku habsatay ee Ogadenia , Waxaa mudo shan san ah (5 sanno ) xabsiga kujira Suldaankii Gobalka dhagaxbuur Suldaan fowzi Suldaan Cali Cabdi(Caaqil),

Suldaan Fowzi Ayay ciidamada Ethiopia u taxaabeen jeelka Kadib markay ku eedeeyeen in uu dhexdhexaadiyay Dagaalyahanada ONLF iyo hay’ada laanqayrta Cas (Red cross) Kadib markay ONLF ku wareejisay hay’adan Maxaabiis dagaal oo ay ka mid ahaayeen 7 nin oo u dhalatay Dalka Shiinaha (China) Nimankaas shiinaha ah ayay ONLF ku qabatay dagaal ay ONLF Ku baabi’say Laba guuto oo Ciidamada Ethiopia ah kuwaass oo ku sugnaa goob Shidaalka laga baadho oo ku taala Dagmada Cobale ee Duleedka magaala madaxda Gobalka ee Jigjiga.

Dhanka kale wararka aan ka helayno Gobalka dhagaxbuur saacadan aan qorayno warkan ayaa sheegaya in Ciidmada Ethiopia sarre u qaadeen gumaadkii ay kuhayeen shacabka Ogadenia waxuuna ku fiday tuulooyinka kala ah Madheedh iyo Abbshirr oo ka tirsan Gobalka dhagaxbuur.

Si kastaba ha ahaatee haayadaha u dhaqdhaqaaqa xuuqudda aadamaha ooy horkacayaan kuwa ka soo jeeda Ogadenia , Somaliya oo ay waheliyaan Qareemada caalamigaha , haaydaha Qaxootiga , Ardaydayda, saxafiyiinta iyo Bulshada qaybaheeda kala duwan ayaa u balamay Shir Jaraaid ooy ku qaban doonaan Magaalada Cape Town maalinta axada ah ee fooda inagu soo haysa kuna began 26-02-2012 waa Shir laga yaabo inuu yeesho waji mudaharaad oo lagu tusinayo dawlada South Africa iyo maxkamada caalamigaha ee danbiyada dagaalka xafiiskeeda dalkan in ay Baadhitaan Madax banaan ku sameeyaan Danbiyada dagaalka ey Ethiopia ka gaysanayso Wadanka Masiibaddu ku habsatay ee Ogadenia.

Maxamed xaaji, Cape Town, South Africa .
Saxafi2009@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.