Home » Warar »

Dowladda Ingiriiska oo looga Digay in Faragelinta Soomaaliya ay u Adeegsato Dowladaha Itoobiya iyo Kenya

Odoyaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ku sugan Magaaladda Muqdisho ayaa soo dhaweeyey shirka la filayo in maalinta beri ah uu ka furmo Magaalada London oo ay qabanqaabadiisa wado Dowladda Ingiriiska ayaa haddana xubnahaasi waxay Ingiriiska uga digeen in faragelinta Soomaaliya ay u adeegsato Dowladaha Kenya iyo Itoobiya oo ay sheegeen in ay cadaawad kala dhexeyso shacabka Soomaaliyeed.

“faragelintii Itoobiya ee sanadkii 2006 iyo 2007 waxaa ee Soomaaliya waxaa Itoobiya qandaraaas ku siiyey Dowladda Mareykanka, waana la ogaa halka uu ka dambeeyey, waxaana laga dhaxlay dhimasho, dhaawac,Barakac iyo burbur hantiyadeed, waxaana hadda noo muuqanaya in dowladda Ingiriiska ay mar kale soo cusbooneysiineyso qandaraaskaasi, isla markaana Dowladda Itoobiya iyo Kenya ay u isticmaasho qaab Milatari oo ay Soomaaliya mar kale ku galaan, waxaana tusaale kuu ah sida ay Dowladda Kenya u soo gashay Soomaaliya bishii October ee sanadkii laga soo gudbay, iyo waliba faragelinta Itoobiya ay haatan ku soo galeyso Soomaaliya gaar ahaan gobalada Bay, Bakool iyo Hiiraan”.

Waxay intaas sii raaciyeen “Maxaa xiligaan ku soo beegay in ciidamada Itoobiya oo aad u fara badan ay mar kale soo galaan Soomaaliya, waana mashruuc ay ka dambeyso dowladda Ingiriiska oo ay ku dooneyso in mar kale Soomaaliya loo horseedo dhimasho, dhaawac , Barakac iyo burbur, waxaana ugu baaqeynaa Dowladda Ingiriiska in ay arrimahasi ka digtoonaato, sidoo kale Dowladda Ingiriiska waxay dooneysaa in ciidamada Kenya iyo Itoobiya iyo waliba kuwa AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ay ku shaqeeyaan magaca Qaramada Midoobey, sidaasi darted waxaana Dowladda Ingiriiska kula talineynaa in ay arrimahasi ka digtoonaato, waayo Soomaaliya waxaa ku filan faragelintii ay horey u soo martay”.

Berito oo ku beegan 23-ka bisha oo uu shirku furmayo ayaa waxaa muuqata in Ciidamada Itoobiya ay ku sii siqayaan Magaalada Baydhabo, waxayna wararka la helayo sheegayaan in ay deegaanka Bardaale la wareegeen ciidamo Itoobiyaan oo qiyaastii Baydhabo u jira 75Km. Waxgaradkaan ayaa hoosta ka xariiqay in Soomaaliya mar kale wajaheyso dhibaatooyin dhinacyo badan leh.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Dowladda Ingiriiska oo looga Digay in Faragelinta Soomaaliya ay u Adeegsato Dowladaha Itoobiya iyo Kenya "

  1. casar says:

    Duulaanka sida muuqata (sharciyeysan) ee lugu soo qaaday dalkan dayacan, waxaad moodaa inuu kuwii hore ka duwan yahay marka la,eego arimo maanta ka jira wadankeena.
    Tan koowaad waxaa weeye somalida oo maanta aad u jahwareersan oo aan lahayn hogaan ku dhisan wadani nimo iyo dhaqan diimeed oo saxiix oo loo eegayo danaha dadka iyo dalka. Tan labaad oo ah hogaamiyaal aan fikrad dheer oo mustaqbaleed lahayn, waxa kaliya oo walwalka ku hayo maanta waxaa weeye xageed maanta ka qadaysaa iyo maanta ka heshaa haween iyo ciyaal kuu sacbiya ka dibna dhiigooda aad ka taajirtaa.
    Mida kale oo aniga maanta walwalka wayn igu hayso waxaa weeye, dadkii soomaaliyeed oo diinta aadka u jeclaa oo dad diin sheeganayo diintii ku direen magaca diintana in badan oo ayaga ka mid ah lagu wax yeeleeyay. Gabagabadiina sida rasuulka sheegay, fitanta waxaa oogu daran midda diinta gasha.