Home » Faallo »

Shirka London Muxuu Soomaali usoo wadaa ?

Daah fur kulankii ku dhexmarey magaalada Cape Town waxgarad Somaaliyeed iyo mas’uulka qaabilsan wasaarada arimaha dibada ee ingiriiska, Mr. William Hague.
yadoo ay ka harsantahay mudo todobaad ka yar shirka sida weeyn loo hadal hayo ee lagu qaban doono wadanka Ingiriiska loogana shiri doono xasaradda ka taagan Somaaliya ayaa waxaa lagama huraan ah in la daahfuro kulankii dhexmarey Xoghayaha Arimaha Dibada ee Britain iyo Waxgarad Soomaaliyeed Talaadadii la soo dhaafey taariikhduna ku beegneeyd 14kii Febraayo 2012

NOOCA KULANAKA

Kulanka oo ay codsadeen dhinaca mas’uuliyiinta Ingriiska ayaa waxaa la dhex galiyey jadwalka Xoghayaha oo booqasho gaaban ku marayay wadankaan South Africa, waxaana waxgarad laga soo xuley bulshada Soomaaliyeed ee gobolka Western Cape u suurto gashey ineey la kulmaan Mas’uulka mudo kooban, si loo dhageeysto fikradaha ay ka qabaan kulanka 23ka London ka dhici doona, isla markaasna warbixin looga siiyo qodobada uu shurku ka hadli doono iyo weliba looga jawaabo su’aalaha ay qabaan.

WARBIXINTII MAS’UULKA.

Mr. William Hague waxaa uu kulankaas uga Hadley arimo badan oo shirka London ka dhici doona ku saabsan, kuwaasoo ay ugu muhiimsanaayeen qodobada hoos ku xusan: –

In la xaqiijiyo nidaam siyaasadeed cusub kadib marka ay dhamaato waqtiga dowlada kumeel gaarka ah oo ku eg bisha Agoosto ee nagu soo fool leh, iyadoo la badali doono lana sii balaarin doono nidaamka jira
In taageero maaliyadeed iyo mid millatariba lagu caawiyo ciidamada shisheeye ee ku sugan wadanka Soomaaliya mudo sanado dheeraad ah.
In la suurto galiyo qaab dhismeed bulshada caalamka awood usiiya sidii ay Soomaaliya wax uga qaban laheeyeen
Iyo sidii gacan looga geeysan lahaa, loona hormarin lahaa soo saaritaanka qayraadka dalka soomaaliyeed.

SU’AALIHII IYO AARAADII WAXGARADK SOOMAALIYEED SOO JEEDIYEEN.

Waxgaradkii shirka ka qaybgaley ayaa fikradahooda iyo su’aalahooda inta badan isku dhadhawaayeen. Waxaa ugu muhiimsanaa argatidoodii kuwa hoos ku qoran: –

· Xal keenista arimaha Soomaaliya in loo daayo dadka soomaaliyeed, bulshada caalamkuna ay taageerto wixii ay Soomaalidu go’aansadaan

· In ciidamada shisheeye ee wadanka kujira aysan ku imaan rabitaanka shacabka ee ay ka dhasheen hindisooyin ka yimid wadamo Soomaaliya dano qaas ah ka leh. Dhamaan dhinacyada Soomaaliya isku hayaa waa ineey isku raacaan hadii ciidamo la keenayo gudaha dalka Soomaaliya.

· In wadamada dariska, qaasatan Ethiopia iyo Kenya ay abuurayaan qaska Soomaaliya isla markaasna ay qayb ka yihiin xasarada Soomaaliya ka taagan. Sidaa darteed waa in labadaas wadan aysan wax saameeyn ah ku yeelan shir Soomaaliya looga hadlaayo ama lagu nabeedaynayo

· In shirarkii loo soo qabtey bulshada Soomaaliyeed dhamaantood ay sii huriyeen dabkii ka dhex aloosnaa dalka.

· In hadii laga maarmi waayo in arimaha soomaaliya la fara galiyo laga dhowro dhamaan dowladaha Soomaliya danaha ka leh. Waa in waxgarad Soomaaliyeed oo la aamini karo, lehna darajo aqooneed, daacadnimo iyo dhaqan suuban ay xal u dajiyaan Soomaaliya, dabadeedna dowlado dhexdhexaad ah sida Turkiga iyo South Africa ay ku ilaaliyaan meel marintiisa.

GABAGABO

Wasiirka arimaha dibada ee ingiriiska ayaa inta badan aan si waafi ah uga jawaabin su’aalihii iyo fikradihii loo soo gudbiyey, wuxuuna ku celceliyey inuu ku faraxsan yahay inuu dhageeysto fikradahooda iyo su’aalahooda.

Dareenka waxgaradkii soomaaliyeed ay ka qaateen shirka ayaa wuxuu u muuqdey mid aan saas u yididiilo badneeyn, maadaama ay u fahmeen in wasiirku uusan badali doonin go’aamada horaanba loogu sii gorfeeyey shirka London ka dhici doono, kuwaas oo aan ka soo uskumin dadka Soomaaliyeed.

W.Q: Xuseen Cali Cumar (Dulqalam)

hustanic@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com //

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.