Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha Dawladd Federaalka Soomaaliya oo si kulul u beeniyey in Shirka London uu yahay Shir Soomaaliya Maxmiyad lagu Gelinayo

Cabdi Weli Maxamed Cali Ra’iisul wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay Shirka la filayo in dhawaan uu ka furmo Magaalada London ee Carriga Ingiriiska.Ra’iisul wasaaraha oo iminka ku sugan Magaalada Brugsales ee dalka Biljim oo waraysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBCda ayaa ku nuux nuuxsaday in shirkaasi ay ka soo baxayaan Natiijo wax ku Ool ah

Ra;iisul wasaaraha ayaa ayaan darro ku tilmaamay Wararka sheegaya in Soomaaliya shirkaas loogu tala galay in Maxmiyad ama Gumeysi lagu geliyo isagoona hoosta ka xarriiqay in shirkaasi ay ka soo qayb galayaan Dawlado kor u dhaafaya Kontameeyo Madaxdooda isla markaana aysan suurta galeyn in Soomaaliya lagu taliyo in dib Gumaysi loo geliyo.

Cabdiweli Gaaz ayaa is weydiiyay haddiiba Soomaaliya Gumaysi lala damacsan yahay sababta Gumaysi loo gelin waayay xilli ay sidan ka xumeyd gaar ahaana sanadadii Sagaashameeyadii oo uu sheegey in Soomaaliya ay ka jireen Colaado Sokeeye.Ra’iisul wasaaraha ayaa farta ku fiiqay in dadka qaarkii ay ka shaqaynayaan sidii ay dicaayado uga fidin lahaayeen shirka London oo uu raja wanaagsan ka muujiyay.

Waxaa Maalmahaan Shacabka Soomaaleed qaarkood ka guuxaya in shirka 23 Bishaan ka furmaya Magaaladda London la damacsan yahay in soomaaliya lagu geliyo Maxmiyad ama Gumeysi ka dib markii looga caalwaayey Dagaalo aan dhamaad lahayn hase yeeshee shacabka Soomaaliyeed ayaa aaminsan sababta Soomaaliya u degi weydey ay tahay Feregelin Shisheeye islamarkaana Soomaaliya isku haystaan Dowlado Shisheeye oo adeegsanaya qaarka mid Bulshada Soomaaliyeed sidoo kale wakiilka Jaamacadda Carabta ee Soomaaliya Cabdulaahi Xasan ayaa ka dhawaajiyey Sababta ay mar weliba Jaamacadda carabta ay door ugu yeelan weydey Arrimaha Soomaaliya ama ay u abaabuli weydey Shirar lagu heshiisinayo dadka Soomaaliyeed taasoo uu ku tilmaamey mid wax badan lagu qarinayo isagoo sheegey in shirka London uu yahay mid la doonayo in soomaaliya dhib kale loogu siyaadiyo.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.