Home » Warar »

Khilaaf Hoose oo la Sheegey in uu Dhaxeeyo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Mxamed Cali Gaas

Wararka aan ka heley Xubno ku dhow dhow Xarunta Madaxtooyada ee Filla Soomaaliya ee Magaaladda Muqdisho ayaa noo sheegey in Khilaaf Hoose uu u dhaxeeyo Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas kaasoo ka dhashey markii isbedel lagu sameeyey Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo kan Beeraha iyo Xanaanadda Xoolaha ee Dowl;adda Federaallka

Khilaafkaan oo soo jiitamayey Tododbaadyadii la soo dhaafey ayaa yimid markii Madaxwewynaha uu dalbadey in la bedelo wasiirada Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka iyo wasiirka Arriamaha Dibadda hase yeeshee Raiisul Wasaare Cabdi weli ayaa ku taliyey in Xiligaan aan la sameeyn isku shaandheeyn inta laga baxayo Xiliga kala Guurka

Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markii dambe magacaabey Wasiiru Dowlayaal gaaraya 18 wuxuuna meesha ka saarey in isbedel lagu sameeyo Golaha Wasiirada gaar ahaan wasiirada arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha taasoo la sheegey in uu Rasiisul Wasaaraha uu doonayey in aan ku yareeyo Khilaafka isaga iyo Madaxweynaha hase yeeshee waxaa uu khiaalfkaas kor u u kacay markii Madaxweyne Shiikh Shariif uu soo saarey Wareegtp uu isku bedelyay Wasiirada arrimaha Dibadda iyo bBeeraha iyo Xanaanada Xoolaha taasoo uu ka caroodey Raiisul Wasaaraha isbedelkaas

Siyaasiyiin ka socotey Beelaha Digil iyo Mirirfle ayaa waxay qoraalo ashtako ah u gudbiyeen Madaxweyne Shiikh Shariif iyo Raiisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaas hase yeeshee Ashtakadaas waxa ka jawaabey Raiisul Wsaare Cabdi weli mar uu la kulmey Siyaasiyiintaas una sheegey in uusan wax ka ogeyn isbedelkaas lagu sameeyey labadaas wasaaradood islamarkaan wuxuu shjeegey in ay ku koobana tahay Madaxweyne Shiiklh Shariif

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Beerlaha Digil iyo Mirirfle ayaa sheegey in Madaxweyne Shiikh Shariif uu ku xadgudbey habkii wax qaybsiga ee 4.5 ee Dowladda ku dhisneyd waayo waxaa Xitaa aan 4.5 lagu qaybin Agaasimayaashii Wasaaradaha Dowladda Federaalka waxayn sheegeen in Wasaaradaha ay u badan yihiin hal qabiil marka waxay ka codsadeen Madaxweyne Shiikh Shariif in Xadgudubkaas wax laga qabto islamarkaana Shacabka Soomaaliyeed si Cadaalad ah wax loogu qaybiyo.

Waxaa uu qorshahu uu ahaa in la bedelo Wasiirada Arimaha Arrimaha Dibadda iyo Arrimaha Gudaha hase yeeshee Bedelkii lagu sameyn lahaa Wasiirka arrimaha Gudaha ayaa waxaa ka hortagey Xubno ka socdey Ahlu Sunna iyo Odayaal ay isku hayb yihiin wasiirka arimaha Gudaha iyadoo sidoo kale uu Raisul Wsaaraha uu dadaal u galey in aan la bedelin Wasiirka arrimaha Gudaha Cabdisamad Macalin Maxamuud oo Waxbarashadoodii ku soo wada qaatey Magaaladda Dhuuso Mareeb

Shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradaha ayaa iyana dhib ku qaba isbedelka markasta lagu sameeyo Wasiirada Wasaaradaha iyadoo mid ka mid Agaasimayaasha wasaaradaha oo diidey in magaciisa la Xuso ayaa yiri” Markasta oo Wasiir loo soo magacaabo Wasaaradaha Dowladda waxaa isbedelkaas uu saaameeyn ku yeeshaa Shaqaalaha Wasaarada waxaana meesha laga saaraa Shaqaalihii meesha horey joogey markaaad weydiiso Wasiirka wuxuu ku leeyahay Wasaaradaan waxaa ku helney qaab Qabiil marka waan ku qasbanahay in aan meesha keeno Shaqaale reerkeena ah marka waa arrin Xaqiiqdii dhibaato ku ah Shaqaalaha Wasaaradaha

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.