Home » Warar »

Xildhibaan ka Tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Ra’iisul Wasaare Gaaz ku Eedeeyay inuu Galay Khiyaamo Qaran

Xildhibaan Suleymaan Maxamed Ibraahim oo ka tirsan Mudanayasha Barlamanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay war baahinta gudaha ayaa waxaa uu dhaleeceyn u soo jeediyay Ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali Gaaz.Xildhibaan Suleymaan ayaa sheegey in Ra;iisul wasaaraha uu galay Khiyaano Qaran isla markaana uusan Balamaanka Soomaaliya marnaba Indhaha ka laaban doonin.Xildhibaanka oo sii faah faahinayay waxyaabaha ay Ra’iisul wasaaraha ku dhaliilsan yihiin ayaa sheegey in Ra’iisul wasaare Gaaz uu Saxiixay Heshiis Xukuumaddu ay kaga Tanasuleyso qayb ka mid ah Biyaha Qaranka Soomaaliya, taasina uusan marnaba Barlamaanku aqbali doonin

Suleeymaan Maxamed Ibraahim ayaa dhinaca kale tilmaamay waxyaabaha kale ee ay Ra’iisul wasaaraha ku Eedeynayaan in ay ka mid tahay Shirarka kala duwan oo uu Ra’iisul wasaaruhu ka qayb galayo iyo isagoon marnaba u soo gudbin Barlamanka Heshiisyada lagu gaaro Shirarkaas uu ka qayb galayo.Xildhibaan Suleyman ayaa sidoo kale sheegey in Ra’iisul wasaaruhu uu ka meer meerayo in uu hor yimaado barlamanka isagoona shacabka Soomaaliyeed u ban dhigay in Xilkii Ra’iisul wasaaraha ay ku aamineen uu hareer maray isla markaana uu ka shaqaynayo kala daadinta Barlamanka Soomaaliya.

Xildhibaankan ka tyirsan Barlamanka ayaa ku hanjabay in ay diyaarinayaan Mooshin ka dhan ah ra’iisul wasaaraha Xukuumadda ku meel gaarka Soomaaliya isla markaana ay ka qaadi doonaan xilka uu hayo.Xildhibaankan oo ka mid ah xildhibaano hadda ka hor ku hanjabay in ay xilka ka qaadayaan Madaxweyne Shariif oo ay ku Eedeeyeen inuu Dhinac Barlamanka ka mid ah uu la safan yahay ayaa waxa ay hore u sheegeen in xilkii ay ka qaadeen Guddoomiyha Barlamanka iyo ku Xigeenkiisa koowaadba.

Si kastaba hadalka xildhibaankan ayaa imanaya xilli weli khilaafkii u dhaxeeyay Mudanayasha Barlamanka uu sidiisii u taagan yahay isla markaana aan wax xal ah laga gaarin xilli waliba la filayo maalinimada Khamiista ah ee soo socota in Magaalada Landon lagu qabto shirka lagu soo af jarayo Khilaafka guud ee Soomaaliya.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.