Home » News »

Jaaliayadda Soomaaliyeed Ee Wadanka Austria (Vienna-Yurub) Oo Guddi Cusub Doortay

Xaflad xilwareejin ah oo ay ka soo qayb galeen wax garadka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Austria si wanaagsanna loo agaasimay ayaa waxa ay ka dhacday caasimadda wadanka ee Vienna.
Gudigan cusub ee jaaliyadda oo iyagu xilka hayndoona labada sanadood ee socda ayaa waxa ay kala wareegeen xilkan gudigii hore oo iyagu xilka soo hayey muddo shan sanadood ah, waxaana Gudoomiye Loo doortay C/shakuur C/laahi Mahamed , iyada oo guddoomiye ku xigeenka koowaad loo doortay C/qaadir Salsaal, guddoomiye ku xigeenka labaadna Shiikh Xuseen Makaraan.

Halkan ka daawo sawirada….

Xafladan ayaa waxa ugu horayn Aayadaha Quraanka kariimka ah ku furay Shiikh Ayuub ,ka dibna waxaa halkaasi hadlayka furay Xasan Abdi Nuh oo isagu ka mid ahaa xubnihii aasaasay jaaliyadda Soomaaliyeed ee wadanka Austria isla markaana ka mid ahaa masuuliyiinta xilka wareejisay , wuxuuna sheegay in ay jaaliyadda markii ugu hooraysay geed hoostii ku aasaaseen , iyada oo ay ulajeedada ugu weyn ee ay kalahaayeen ahayd sidii Soomaalida wadanka ku nooli isu kaashan lahaayeen, isla markaana ay u heli lahaayeen meel ay caruurtooda maalmaha fasaxa isugu keeni lahaayeen isla markaana diintooda iyo dhaqankoodana ugu bari lahaayeen.

Wuxuuna intaasi ku daray in maanta guul laga gaadhay hawlo badan oo markaasi ay doonayeen in ay Soomaalidu wax ka qabto, wuxuuna Xasan sheegay in maanta Soomaalida wadanka Austria ku dhaqan oo xilliyadan danbe aad ugu soo badanaysa wadankan ay haystaan adeegyo badan oo aanay hore u haysan, wuxuuna kula dardaarmay gudiga cusub in ay halkaasi hore uga sii anbaqaadaan, wuxuuna balan qaaday in uu la shaqayn doono gudiga cusub.

Cali Culusow oo isaguna ka mid ahaa mas,uuliyiintii xilka wareejinayey ayaa sheegay in ay maanta guul joogaan mar haddii hawshii shan sanno ka hor dhidibada loo aasay maanta meel wanaagsan la soo gaadhsiiyey , Cali Culusow wuxuu aad ugu dheeraaday waxqabadkii gudiga xilka wareejiyey , wuxuuna warbixin ka bixiyey sida ay u soo shaqayn jireen, isaga oo sheegay in aysan waxba hagaageen hadaanay xubnaha kale ee jaaliyada garab ka helin, wuxuuna intaasi ku daray in ay xarunta jaaliyaddu noqotay goob lagu soo hirto xillikasta oo arrimaha Soomaalida la soo gudboonaada lagu xaliyo, hadayn noqon lahayd arrimaha qoyska, oo inta aanay khilaafaadku gaadhin xarumaha dawladda wax laga qabto.

Guddoomiyihii Hore ee Jaaliyadda Soomaalida Austria Xussein M. Nur ayaa isaguna waxaa uu ku dheeraaday sidii ay ku soo bilaabeen hawsha jaaliyadda Soomaalida ee Austria wuxuuna sheegay in maanta Soomaalidu leeyihiin jaaliyada hawlo badan u qabata , caruur gaadhaysa 100 ardayna maanta gacanta lagu hayo, dhaqankooda iyo diintoodana labaro, wuxuuna balan qaaday in uu hawsha kaalintii uu kaga jiray uu kaga beegtoonaan doono, gudiga cusubna wuxuu kula dardaarmay in ay horumar gaadhsiiyaan jaaliyadda Soomaaliyeed.

Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay guddoomiye ku xigeenka koowaad ee guddiga cusub C/qaadir Salsaal , wuxuuna ugu horayn u mahad celiyey guddoomiyihii hore xilka soo hayey iyo xubnihii la soo shaqeeyey sidii wanaagsanayd ee ay hawshooda u guteen , wuxuuna intaasi ku daray in ay doonayaan hadday yihiin guddiga cusub in ay qorshayaal cusub soo bandhigaan si kor loogu qaado waxqabadka jaaliyadda labada sanno ee soo socda idinka ilaahay.

Guddoomiyaha cusub ee jaaliyadda Soomaalida ee wadanka Austria C/shakur C/laahi Maxamed ayaa waxa uu isaguna u mahad celiyey guddigii hore ee hawsha soo hayey shantii sannadood ee ugu danbeeyey , wuxuuna balan qaaday in ay iyaguna si daacadnimo iyo hawl-karnnimo ku dheehan tahay ugu adeegi doonaan jaaliyadda Soomaalida ee wadanka Austria.

Wuxuuna guddoomiyaha cusub soo bandhigay waxqabadka dhaw iyo kan fog ee labada sanno ee loo doortay in ay xilka hayaan ee ay doonayaan in ay fuliyaan , isaga tilmaamay in ay qorshahooda ku jirto sidii ay xarun weyn u kireyn lahaayeen maadaama Soomalidu ku soo badanayso wadankan, caruurtuna aad u soo kordhayso.

Waxa kale oo iyaguna xafladda ka hadlay waxgaradka jaaliyadda oo ay ka mid ahaayeen C/casiis iyo Shiikh Maxmed Abu Axmed oo ku dheeraaday wanaaga uu leeyahay iskaashiga dadka walaalaha ahi, siiba kuwooda ku nool qurbahan.
Ugu danbayntii ayaa waxa shahaado sharaf la guddoonsiiyey Guddoomiyihii hore ee Jaaliyadda Xussein M. Nur iyo guddoomiye ku xigeenkii hore ee jaaliyadda Xasan, Cabdi Nux, iyada oo looga mahad celiyey hawl-karnnimadii iyo dulqaadkay muujiyeen intay xilka soo hayeen.

In kasta oo aan tirakoob sax ah lahayn hadana Soomaalida ku dhaqan wadanka Austria waxaa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 2000 ilaa 2500 in kasta oo ay muddooyinkan danbe aad u soo galaan wadankan oo ay maalinba maalinta ka danbaysa qoysas badani soo degayaan Austria.

Soomaalida wadankan ku dhaqan ayaa iyagu ah kuwo wali midaysan oo arrimo badan iska kaashada oo wali ka caafimaad qaba kala qaybsanaanta aafaysay qorba joogta Soomaalida , waxaana arrintan la tilmaamaa in ay sabab u tahay yaraanta ay wali wadankan ku yaryihiin Soomaalidu iyo iyaga oo ah dad ku cusub wali dalka taasina ay sii xoojisay baahida ay isu qabaan.

Halkan ka daawo sawirada….

Xubanaha Cusub ee jaaliyadda.
C/shakuur Maxmed C/laahi Guddoomiye
Abdi Farax Saalsaal. Ku xigeenka koowaad
Shiikh Xuseen Macalin Makaran. Ku xigeenka labaad
C/waasac C/shakur Murad. xoghayn
Axmed Nuur Shiikh Ali Farah. Arrimaha dhalinyarada iyo isboortiga
Axmed Taajir C/laahi. Xisaabiye
Ahmed Ali Ashkir. Khasnaji
Xaliimo Cali Culusow. Isku Xidhka haweenka
Fayla Saqawi Ali. Arimaha Qoyska
Mulki Maxamed Warsame. Arrimaha bulshada
Asad Adani Ibrahim. Wacyi Galinta

Sawiradda Halkan Ka Daawo
E-mail:- jaaliyadaaustria@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.