Home » Maqaallo »

Gabay: “Calooshaada xiro Eebahay wuu ku caawiniye”

Gabaygan magaciisa waxaa la yiraahdaa: “Calooshaada xiro Eebahay wuu ku caawiniye”. Wuxuu dabajooga gabay uu horay u tiriyay abwaan Cabdilaahi Kowtame, oo ku baxay webset-ka Somalitalk, gabaygaas oo magaciisu ahaa “Duni”, ayuu abwaanku kaga hadlay dhibataada Soomaalida haysata, waxaana erayadii abawaanka ka mid ahaa:

Mowloow masaakiintu waa magan Ilaaheye
Mowloow mar noolee dalkaan waan muraal jabaye.

Markaa Anigoo abwaankii samirsiinaya ayaan ku iri:Cisha noolba waa heer dunidu waana kala cayne Calooshaada xiro Eebahay wuu ku caawiniye”
Gabaygan sababtaas ayaan u curiyey waxaanan ku samirsiinayey abwaanka

Gabaygiina waa sidan ee ka bohasho wacan.

Cabdilaahiyow cududda gabay iyo haddaad curisay suugaanta
Ood cabashadaadii Ilaah caadila u sheegtay
Cisha noolba waa heer dunidu waana kala cayne
Calooshaada xiro Eebahay wuu ku caawiniye

Cidla ugama tago Eebahay ruuxa caabuda’e
Cadaabtiisa kuma uu ridee wuu cafiyayaaye
Cudoonkii Jannaaduu galshaa kuna casuumaaye
Calcalyada xareedduu dhamaa iyo malabka caynkiise
Habla caynad wacan buu helaa iyo curaddii naagoode
Haddiise uu cindiga iyo caqliga ceel isugu geeyo
Oo aanu cadawgiisa garan waa calool xumo’e
Ciil kama baxee wuxuu dhaxlaa ceebo aan harine

Caynkaa dadkeennaa ah iyo caalle aan garane
Cisal doog leh meeshuu ka baxo roob ka curay jeere
Canyadiyo gubaaygaa ku xiga oo dhulkii cuba’e
Dooyada caleenteedibaa curata goortaase
Cagaarkaa dhulkii qariya oo lala cajiibaaye
Waxse aan calaamadahan iyo caynkan ugu sheegay
Cilladeeni hore yaa ahayd caynaddoo kale e
Haddii maalintii ay cusbayd ceelka lagu tuuro
Oo aan la caawiyin xumaha lama ciqaabmeene
Cishahaa la wada gaari laa cudur la aantiiye.

Markiise ay cadaaladi luntee eexi ay curatay
Oo ay cuqaal wayday iyo caalin wax u sheega
Ee kii cunaha gooya iyo coodi ay mudatay
In aan cabanno waa garee Rabboow taada nagu caymi.

Rabbow ciiddi soomaliyeed carartay maantaane
Cadaw baa la kala goostay oo cududdi taallaaye
Cayn iyo sumado kale ayaa loogu ciyayaaye
Cirifkii ka soo haraye ee calanku noo yaallay
Isagana haddaa loo cubtami oo la cunayaaye
Calankii cirkeena u ekaa maanta waa calale
Ciiddeenna kama uu lushee waa cad aan jirine
Inaguna in aan caawinnaa caawa uma taale
Rabbow cududda taadaa nasii caadil baad tahaye

Ciyowgii dhawaaqaa wuxuu ka cawday baa yaale
Codkiisaan gartaa goorta uu cadaw dareemaaye
Galawgii ciyaa waa tilmaan laga cabsoodaaye
Col mooyee wanaag maleh haduu casar dhawaaqaaye
Rah codkii gabaa waxa ku dhacay cadawga jiilaale
Cidiisoon maqlaa waa cir baa hooray oo da’aye
Rag hadduu calaacalo mayara cudurka haayaaye
Waa cuyuuban taladii ku dhacay oon cidna lahayne
Rabbow cadaw ha noo jabin Adaan ku codsanaynaaye.

Cududaadu Adigay dhan tahay oon cabsi aqoone
Adigaa cirkaa taagay iyo ciiddan oo idile
Adigaa casiisoo haddana caaliyoo adage
Adigaan cabdiga kuu nahay iyo ruux ku caabudae
Rabbow carad taadaa adaan ka cabsanaynaaye
Adigaa cad iyo dhiig ka dhiga ruuxan caadiyahe
Caloowyoowga aan qabo Rabboow caawa iga shaafi.

Caruurtiyo dhalaankii ka tage in ay ciyaaraane
Cabsi bay la jiifan guryaha cabashadoodiiye
Haweenkii cillaan saaran jiray way ka carareene
Gacmihii caddaan bay noqdeen cawlanaan jiraye
Cuqaashiyo wax garadkii talada uma carraabaane
Codkoodii la waa goorti ay cunantay maandeeqe
Mar hadday cilladi taa ay tahya oon caqlina joogin
Cosob doog leh uma jeedo iyo meel cagaar badane
Cidlaa lagu socdaa ee Rabboow ceel ha nagu tuurin

Hal abuurkii

Yaxye Xaashi Maxamad

asad75love@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Gabay: “Calooshaada xiro Eebahay wuu ku caawiniye” "

  1. Waxan salaan diiran u dirayaa bahda warbaahinta sharafta mudan ee somalitalk, abwaan yaxye xashi max,ed waxaan leeyahay afgaaga caano lagu qabay, aad ayaad u mahadsantahay sida wacan ee somalida ugu duceysay, waxase somalida haya hal cudur oo dilaa ah waa cudurka Qabyaladda, somaaliyay cudurkaas ma is ka ilaallin kartaa? Cudurkaas waxa la is kaga ilaalin karaa in Qofkasta naftiisa uu ka ilaaliyo cudurka qabyaladda, taa haday dhacdo waa guul weyn oo u soo hoyatay umadda somaliyed, mahadsinidiin sidaad u dhantihiin bulshada iyo bahda somalitalk.,