Home » Warar »

Xubin ka tirsaan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo Sheegey in Muddo 24 Saac Gudahooda ay kaga jawaabi doonaan Dil Cidamada Amisom u Geysteen nin Madax looga jirey

Xildhibaan Xasan Isaaq Gees Cadde oo ka mid ah Xildhibaanada Barlamaanka Federaalka Soomaaliya oo la hadlay qaar ka mid ah war baahinta ayaa si caro leh uga jawaabay Dil Gaadiidka Ciidamada AMISOM ay Shalay ugu Gayteen Km 4 Wiil Dhallinyara ah oo la sheegey in madax looga jiray.Dilkan wiilka Dhallinyarada ah ayaa yimid ka gadaal markii Kolanya gaadiidka Ciidamada AMISOM ah oo Galbinayay Madaxweyne Shariif oo xiligaa ku sii jeeday Degmada Wadajir ay halkaa ku jiireen wiilkaasi.

Falka shacabkii halkaa ka dhawaa ee arkayay markuu shilku dhacayay ay sida aadka ah uga xumaadeen ayaa ahaa in Gaadiidkaasi aanu marnaba hakin Socodkiisa isla markaana Meydka wiilka dhalinyarada ah uu muddo halkaa yiilay. Xildhibaanka ayaa sheegey in arrintaasi ay kala hadleen Taliska AMISOM welina aysan ka helin wax jawaab ah oo ay ku qancaan sidaa darteedna 24ka saac ee soo socda ay arrintaa meel saari doonaan.

Xildhibaan Gees Cadde ayaa qiray in shakhsiga ay gaadiidkaasi jiireen inuu ahaa shakhsi madaxa looga jiro isla markaana gaadiidkii jiiray ay halkiisii uga tagee iyagoo aan dib u soo eegin falka ay sameyeen. Xildhibaanka ayaa dhinaca kale ka hadlay shirka la sheegey inuu ka dhacay Magaalada London ee Carriga Ingiriiska isagoona sheegey in shirkaasi haba yaraatee aanay waxba ka soo baxayn.

Xildhibaan Xasan Isaaq ayaa ku baaqay in shirkaasi ajandhayaashiisa iyo cidda u matalaysa Soomaaliya in loo baahan yahay in marka hore la soo marsiiyo Baarlamanka si uu u ansixiyo haddiise taa ay dhici weeydo wuxuu ku nuux nuuxsaday in shirkaasi natiijada ka soo baxda aanay noqon doonin mid Soomaaliya ka shaqaysa.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.