Home » Warar »

Xildhibaan Cumar Islow oo Xukuumadda ku Eedeeyay in ay Waddo Olole ay ku BurBurinayso Baarlamaanka.

Xildhibaan Cumar Isloow oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka ku meel Gaarka Soomaaliya ayaa Eedeyn kulul u soo jeediyay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Xildhibaan Islow ayaa sheegey in ay ka war heleen Cabashooyin dhowr ah oo xukuumaddu ay ka gudbiey Baarlamaanka iyadoona sheegtay in ay Shaqooyinkii ay qaban lahaayeen ay Curiyaamiyeen Baarlamanka isla markaana aysan garanayn qaab ay u shaqeeyaan iyo cid ay la shaqeeyaan intaba.

Xildhiban Cumar Islow ayaa hoosta ka xarriiqay in Dawladdu ay ku dadaaleyso sidii ay meesha uga saari lahayd Baarlamanka Soomaaliya isla markaana ay dib ugu soo celin lahayd Dalka dawlad Dikaatooriyad ku dhisan Xildhibaan Cumar Islow ayaa ugu yeeray Xukuumadda Federaalka in ay faraha kala baxdo arrimaha Baarlamanka isla markaana waajibaadka looga fadhiyo ay gudato.
Cumar Islow oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa ku daray in Dawlad Diktaatooriyad ku dhisan Tusaale uu uga filan yahay Dawladdii Xusni Mubaarak iyo halka ay martay isagoona mar kale ku baaqay in Xukuumaddu ka hadho isku deygeeda ah sidii ay barlamaanka ku meel Gaarka Soomaaliya ay u bu burin lahayd.

Hadalkan Xildhibaan Islow ayaa imaanayaa xilli Khilaafkii u dhaxeeyay labada Garab ee Baarlamanka uu ku sii fidiyay dhinaca Xukuumadda, shalay ayayna ahayd markii qaar ka mid ah xildhibaanada Baralamanku ay ku hanjabayeen in ay xilka ka qaadayaan Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ka gadaal markii ay ku eedeeyeen inuu la safan yahay garabka Shariif Xasan

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk.

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.