Home » Faallo »

Shirka London:One Day Workshop

Nin Gurigiisa jiifay ayaa nin ay saaxiibo ku noqdeen arrimaha siyaasadda Taleefan u soo diray kadibna wuxuu ku yiri “Saaxiib ma ku soo gaartay Warqaddii Caasuumadda ee ka qaybgalka Siminaarka”. ninkii ayaa ugu jawaabey “Maya saaxiib ima soo gaarin, laakin waxaan ku weydiiyey muxuu yahay siminaarka”, wuxuu ugu jawaaby “Ma maqlin miyaa in Dowladda Ingiriiska ay qabaneyso One day Workshop, hal maalin oo siminaar ah”. kii kale oo qoslaya ayaa yiri “War ninyahow war farxad leh ayaa ii sheegeysaa, waayo waxay horey iigu wareeriyeen siminaaro lagu qabto dalalka iyo wadamada deriska la ah,Soomaliya wax badan ayaa raadinayey siminaar Yurub ka dhacaya welibana Ingiriiska, marka waxaan ku dadaalaya sidii aan ku heli lahaa warqadda caasumaadda ee ka qaybgalka Siminaarkasi.

Iyagoo weli hadalka sii wata ayaa midkii kale wuxuu ku yiri “Laakin anigu siminaar kuma maqlin ee waxaa la ii sheegay in uu shir ka dhacayo Magaalada London”. markaas ayaa kii kale yiri “Shir Soomaaliya loo qabanayo miyaa arrimaha Soomaaliya lagu dhameyn karaa mudo 5 saacadood ah, horey ayaaba dhowr sano lagu dhameyn waayey, marka shirkaas la sheegay iila muuqdaa siminaar Hal Maalin ah, inkastoo siminaarkaan kuwii hore uga gedisan yahay iyadoo ay ka soo qaybgalyaan dad caan ka ah dunida”

“Waa Yaabka Yaabki maxaa Ummadda loo wareerin jirey hadiiba Shan saacadood lagu Heshinayo “kii kale ayaa Su’aal kale la yimid oo yiri “Saaxiib Siminaarka yaa Casharo ka bixinaya?”. Wuxuu u sheegay in uu casharada bixin doono Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska David Cameron, wuxuu sii Su’aalay in ay jiraan macalimiin kale, wuxuu u sheegay in aysan jirin Macalimiin kale balse uu Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska keligiis isku koobay uuna doonayo in uu lacag fiican ku dhifto”.inta qosley ayuu yiri “Wallee Lacag Cid deyneyso ma jirto ,wuxuu kaloo weydiiyey siyaasiyiinta lagu Martiqaaday siminaarka, wuxuu u sheegay in ay ka mid yihiin Sheekh Shariif Sheekh Axmed, C/wali Cali Gaas, Shariif Xasan Sheekh Aadan, C/raxmaan Faroole, Axmed Siilaanyo, Caalin iyo xubno kale, ninkii inta uu yaabay ayuu yiri ” Shiikh Shariif aaa….oo Madaxda ma siminaar ayaa loo qabtaa?”. wuxuu ku yiri “Bal fiiri ninka cashirada bixinaya waa Ra’isul Wasaarha Ingiriiska, waxaana la sheegay in uu barayo dowlad wanaaga iyo wixii la mid ah” inta yaabey ayuu yiri “Waa Dunidii Madax loo rogey “.

Ninkii saaxiibkii ah intuu qoslay ayuu yiri “Wallee ummaddii maanta isku mid ayaa laga dhigay, oo ma waxaa i leedahay Sheekh Shariif iyo Gaaz ayaad kala qaybgaleysaa Siminaarka,war aawey Dowladoodii “, wuxuu kaloo weydiiyey Su’al ahayd Saaxiib siminaarada waxaa lagu arki jiray in kooxda siminaarka loo qabanyo loo qaybiyo koox koox si ay uga doodaan waxa la qaadanayo xiligaasi, balse kii kale ayaa yiri “Saaxiib arrintaasi ma jirto wax laga doodayo ma jiraan ee waa dhageyso oo ku dhaqan”. kii kale ayaa sii raacsaday su’aal kale oo yiri “Siminaarda markay dhamaadan waxaa lagu yaqaanay xoogaa faro saar ah”, wuxuu ugu jawaabay “u maleyn maayo in wax lacag ah laysa siinayo balse keliya waxbaa laysku meerinayaa. Saaxiib hadda ka dartey Weligeed ma dhicin Siminaar lacag la’aan ah.

Siminaarkii ayaa furmay 23-ka bisha, labadii saaxiibada ayaa is ag fariistay, waxay la yaaban yihiin dadka lagu martiqaaday Siminaarka oo ka socda qaybaha kala duwan ee Bulshada waxaa la saxiixayaa Waraaqaha xaadirinta, dadka dhan wadnaha ayay farta ku hayaan waxay garan la’ yihiin waxa ka soo bixi doona siminaarka, waxaa soo galay macalinkii bixinayey Casharka David, wuxuu ku yiri “ka qaybgalayaasha siminaarka “Wax badan ayaad ka qaybgasheen siminaarka kan waa k duwan yihini kuwii hore waxaa la idin barayaa wax la yiraahdo Dowlad wanaaga iyo qaabka khilaafaadk loo xaliyo iyo sida loola dagaalamo Burcad Badeedka, cashirada aad halkan ka qaadataan waa inaad deg deg ula laabataan goobihii aad ka timaadeen, siminaarkiina waa xiran yahay”.
Labadii nin ee saaxiibad ahaa ee Siminaarka ka qaybgalay ayaa midkood soo booday oo yiri “Saaxiib runtaa ayay ahayd waxa siminaar ayuu ahaa, maanta ma waxaan taagnahay in wixii la doonayo na loo akhriyo, waxaaba iiga sii daran raggii madaxda sheeganayey ayaa wixii la doono loo akhrinayaa, u maleyn maayo in cashirada uu David halkaan ka akhriyey in lagu dhaqmi doono, waayo Soomaali horey ayaa loogal daalay casharo noocaan oo kale ah, marka waxay ahayd in Dowladdu Ingriiska ay garato in dadka Soomaaliyeed isku dayso, Saaxiib waxaan ku leeyahay ku dadaal sidii aad London ugu dhuuman lahayd aniga horey ayaan sharci u haystaye, koleyba meel loo noqdo kama imaan haddey ka sii dareysaa waa Gumesi Cusub oo Casriyeysan. “.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Shirka London:One Day Workshop "

  1. Suldaan mahad ayaanle shire says:

    Aniga waxaan rumaysnahay in aanay somali heshiinayn Aniga waxaan rumaysnahay in aanay somali heshiinayn

  2. Shukri sh. says:

    Kkkkkkkk, siminaarkan amuu hirgelaa hee, waayo kuwi ka shaqeynayey dhibka soomaalida ayaa hadda nabad ku baaqaya!!

  3. Iman says:

    Asalaamu caleykum waraxmatullaahi wabarakaatuhu

    Sln kaddib waxaan aad ula dhacay sheekadan xiisaha badan, runtii waa wax jira SIMINAR One day oo ka dhacay England uuna qabtay Ra’iisul wasaare David, waxay cashir iyo daraasad xasuus badan unoqoneysaa kuwa madaxda isku sheegaayo iyo kuwa ku taaagan dhabbahaas qalloocan ee Madaxtinimada, waana muhiim in la eego wax walba oo sharafta soomaali weyn ku jirto, kala qeyb qeybinta soomaalida addduunka wuxuu arkaa wax dheel dheel ah, caalin (Madaxweyne xaafad yar oo gaal kacyo katirsan) iyo Shariif Sh.axmed (Sheegte Madaxweynaha soomaaliya (Muqdisho kaliyana))waxay ka wada qeyb galaayaan siminar hal maalin ah!!!