Home » Warar »

Qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed oo Shirka Ingiriiska ku tilmaamay Barnaamijkii Radio Muqdisho ka bixiyey jiray ee Dhageyso oo ku Dhaqan

Waxaa la filayaa 23-ka bisha Feb 2012 in Magaalada London uu ka furmo shir ay Dowladda Ingiriisku ugu magacadartay shirka dib u heshiisinta Soomaaliyeed, kaas oo ay ka qaybgalayaan maamulada Somaliland, Puntland, Dowladda Federaalka, Ahlusunna, Galmudug iyo xubno kale oo lagu casuumay, sidoo kale waxaa ka qaybgali doona xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey, Madaxweynaha Faransiiska, Ra’isul Wasaaraha Itoobiya, Madaxweynaha Kenya iyo qaar ka mid ah wadamada Carabta, waxaana shir Gudoominaya Ra’isul Wasaaraha Ingiriiska.

Qaar ka mid ah bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho ayaa shirkaasi si weyn u hadlay, waxayna qaarkood is weydiinayaan in Dowladda Ingiriiska ay ka taqalustay jiritaanka Dowlada Federaalka oo Bilooyin u harey ama la doonayo in kaabo Dowladda Federaalka laguna dhaqmo Road Map-ka, sidoo kale waxay la yaab ka muujinayaan waqtiga loo qoondeeyey shirkaasi oo ah in uu socdo Shan saacadood, waxayna dadku tilmaamayaan in wax 20 sano soo jiitamayey aan lagu dhameyn Karin Saacado, shirkii Embagati ayaa socday mudo 2 sano ah dheereed .

“Shirka London waxaan ku tilmaami karaa Barnaamij ka bixi jiray Radio Muqdisho oo lagu magacaabi jiray Dhageyso oo ku dhaqan, marka shir soconaya mudo 5 saacadood wuxuu la mid yahay Barnaamijkaas dadka loo akhrin jiray kadibna ay ku dhaqmi jireen, sidoo kale waxaan ku tilmaami karaa One Day Workshop (Kullan hal maalin ah), mararka qaarkood kullan hal maalin ah waxba kama soo baxaan oo wixii oo qabyo ah ayaa Workshop-kii uu dhamaadaa” ayuu yiri Aqoonyahan Cali Ismaaciil Bulaale .

Sidoo kale qaar ka mid ah bulshada ayaa ku tilmaamay shirka London Buur Foolatay kadibna dhashay Cirbad, sidaasi darteed waxay hoosta ka xariiqayaan in shirka London aysan Natiijo ka soo socon balse uu la mid noqon doono shirarkii hore ee Soomaalida loo qaban jirey , waxayna u soo jeediyeen Dowlada Ingiriiska in dadka Soomaaliyeed iyaga laysku daayo oo keligood ay wada hadlaan. Hadaba la arki doonee Meeriskaasi ay dowladda Ingiriiskuu Akhrineyso Ummadda Soomaaliyeed iyo Barnaamijka dhageyso ku dhaqan halka uu ku dambeyn doono.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

3 Jawaabood " Qaar ka mid ah Bulshada Soomaaliyeed oo Shirka Ingiriiska ku tilmaamay Barnaamijkii Radio Muqdisho ka bixiyey jiray ee Dhageyso oo ku Dhaqan "

  1. ali says:

    Waxaan umaliynaya in shirka london arimu waa wiin ku hoos jira marka shir wadan 20 sano dagal kasocdi shir 6 Saac su conaayo in umad lugo hishe sin rabin sharka waxaa lago kala fugeen raba somalida marka alah ug waxa ay isku siristen marka sadar muugdu su aalkadan marka an ujeeda warka aan udhaadhaco shirka waxaa lugo agoon sa rabaa shirkaas somaliland

  2. ahmed says:

    Somalidu waxaay kumahmaahdaa nin jiranow 100 kuu talisay hada shirka london waxaan maqlay in uu socondoono maalin oo qura, waxaay ila tahay aniga meesha waxba looga hadli maayo lkin ee waxaa looga dhawaaqi doonaa qorshe mudo dheere iyo waqti badan soo qaatay oo rag kasooshaqeeyee, oo waxaa larabaa kaliy Declaratioin ama baac aan somalidu waxba kalasocon. dowrka somaliduna waa kaliya in aay goob joog kanoqdaan: tusaale maalin hore ayaa waxaa dowlada ingriiisku u yeertay koox somali qurbaawi ah oo aay kutiri tala bixiya nasiib daro somalidii meesha isugu timid waxaay isu qab qabsatay in nin walba uu difaaco qabiilkiisa, deegaan kuu kasoo jeeday, iyo wax aan ba loo joogin halkii larabay in wax uun aay soo jeediyaan oo ah danta somalia. waxaan kuqoslay markii aan daawnaayay doodii ragii wasiirada ahaa ahee dowlada kasocday waay qosleen deedna waay iska baxeen. ragii meesha isugu yimid nin kamid ah ayaa ku yiri wasiiradii( somalidu waa 18 waxaan kacodsaneynaa ingiriiska in gobal kastaa uu madax banaanaadaa) hadda kahor baa nin mareykan ahi qoray BOOK uu lee yahay somalidu waa 5 cunug oo isla dhalaty oo kala weyn 1 sano kiiba kankale waxaa uu yiri caruurtaas uu da’doodu u dhaxeyso 1, ilaa iyo 7 jir. caruurtase markey baahdaan keebaa yaqaan waa lagaaa yaryahay, markaas buu wuxuu lee yahay somalidu waa sidaas oo kale. tusaale ayuu wuxuu u soo qaadanayaa kenya ooo kale wuxuu leeyahay waa 42 qabiil lakin waxbey wadagi karaan oo wax bey kala qaadan karaan ileen waa kala jaade. waxaa igu soo dhacay markii aan fiirsaday doodii london waan qoslay runtii, ilaah ayaa somali u maqan

  3. xagaleey says:

    saaxiib kanu waaba kasii xun yahay shirarkii hore sababtoo ah ingiriiska ayaaba qabtay,waa sida aad sheegtay waa buur foolatay oo cirbad dhashay.wuxuu wax noogu dhimayaa ingiriiska ayaa yiri iyo ingiriiska ayaa usoo jeestay arimaha soomaaliya.waaba diyeeshe cusub oo laxiiseynaayo.