Home » Faallo »

Far iyo Suul State

Wax walba waxay ku wanaagsan yihiin in ay ahaadaan ama u wada shaqeeyaan si midnimo guud, taa haddii la waayana waxaa imaanaya tafaraaruq, baaba’ iyo is eedeyn, dhibaatadaasi midnimo la’aanta keentay waxay noqneysaa mid aan waligeed joogsan, Allah ayaa horey  noogu sheegay qur’aankiisa “Xarigayga qabsada idinkoo Wadajira, Tafaaraaruqana iska ilaaliya”, taasi dadka Soomaaliyeed waxaad moodaa in aysan dheg jalaq u siin, iyadoo taasi jirto ayaa sanadkii 2010-ka wixii ka dambeeyey waxaa bilowday kacaan inta badan bulshada saameeyey oo ah sameynta Maamul Gabaleedyo waxayna taasi igu qasabtay in aan qalinka u qaato oo aan wax ka iraahdo dhibaatada Maamul Gaboleedyada iyo Midnimada la’aanta.

Maqaalkaan aan ugu magacdaray Far iyo Suul State, waxaan u soo qaatay marka ugu horeysa shanta Farood waxay u wada shaqeeyaan si midnimo ah oo midba midda kale kama maaranto oo sidaas ayay wax u wada qabtaan, waxaa dhacday in Far iyo Suul si gaar ah ugu heshiiyeen inay sameystaan maamul ay ugu magac dareen Far iyo Suul State, hase yeeshee Far yaro,

Far dhexo iyo Faadumo arrintaan aad ayay uga caroodeen waliba Far yaro waxay u sheegtay Far iyo Suul in arrintay wadaan aysan wanaagsaneyn isla markaana ay ka hor imaaneyso wadajirkii Shanta Farood, hase yeeshee Far iyo Suul waxay ku adkeysteen in ay maamulkaasi ku dhawaaqaan, waxaase arrintu sii murugtay markii Far iyo Suul isku qabsadeen cidda madaxda ka noqoneysa, Suul ayaa ku yiri Far “Aniga waan kaa Da’a weynahay oo Shanta Farood anigaa ugu Xoog Badan hase yeeshee Far yaro ayaa iyana tiri “Aniga waan kaa Shaqo badanahay weliba haddiii aan Madax ka noqoneyn State-kan waxaan Isbaheysi la sameysanayaa Far dhaxo oo aan Derisnahay, maadaama adiga aadan lahayn wax Deris ah oo isbaheysi kula gala

” iyadoo qir qir iyo taagan ayaa Far dhexo oo deris la ah Far iyo Suul waxayna iyana bilowday in ay abaabusho Far yaro iyo Faadumo, waxayna go’aan ku gaareen in ay iska dhiciyaan Far iyo Suul maadaama ay ka hor yimaadeen wadajirkii mudada dheer ay ku wada noolaayeen, wax la murmuro oo lays hardiyo waxaa dhacay in ay Far yaro iyo Faadumo iyana ay ku heshiiyeen in ay sameystaan maamul gobaleed ay ugu magac dareen Far yaro iyo Faadumo State.

Arrintu waxay gaartay meel aad u xun waayo tafaraaruqii iyo kala tagii Shantii farood ayaa sii xoogeystay, waxaana banaanka haatan taagan oo aan maamul sameynsan Far dhexo waxayna iyadana ku hamineysaa sidii ay maamul gaar ah u sameyn lahayd, hase yeeshee waxaa loo soo jeediyey Far dhexo in labada dhinac ay mid ku biirto balse waxay ku adkeysatay in ay iyana keligeed gooni u sameystay maamul lagu magacaabo Far Dhexo State. Maamuladaasi Shanta Farood ay kala sameysteen waxay sababeen in ay uu dhex maro dagaal aan dhamaad sidoo kale waxay waayeen hawlihii ay sida wadajir ah u qaban jireen sida wax Qorida, Cunada, Qaadista iyo wixii la mid oo ay sida quruxda badan u qaban jireen.

Kala qaybsanaantii soo kala dhex gashay midnimadii Shanta Farood waxay sababtay in caddowgoodu ka faa’iideysto, wuxuuna mid waliba Dhegta ugu sheegay in uu ku taagan yahay dariiqa saxda ah iyadoo taasi sababtay in Shantii Farood sii kala fogaadaan oo ay adag tahay hadda in ay la isku keeno hase yeeshee Far Dhexo ayaa shir jaraa’id oo ay qabtay waxay ku sheegtay in dhibaatadaan ay tahay mid aan sinaba aan ku dhamaan karin balse lagu xalin karo iyadoo dib laysugu soo laabto, Far iyo Suul iyagaa bilaabay burburka ku yimid Shanta Farood,waxaa ku qoslay Far iyo Suul hadalka ka soo yeeray Far dhexo kuna tilmaamay mid aan waqtigaan shaqayneyn, waxay yiraahdeen “Gooni isku taageenii waxaan ku helnay barnaamijiyo fara badan, marka ha nagu mashquulin oo marnaba ma dhaceysa in aan dib dambe u Midowno”.

Far yaro iyo Faadumo ayaa iyagu waxaa ka muuqata xoogaa dabacsanaan ah waxayna ogaadeen in xiligaan aysan munaasab aheyn in shanta Farood kala tagaan, waxayna eeda dusha uga tuureen Far iyo Suul oo iyagu horseed u ahaa khilaafka ka dhex dhashay shanta farood, waxayna Far yaro Faadumo soo jeediyeen in dib loo Midoobo waxaase arrintaasi ku qoslay Far iyo Suul oo sheegay in aysan dhici karin midaas isla markaana aysan soconeyn. Wuxuu mid waliba meel isku giijiyo waxay soo taabteen xeerada salkeeda, waxayna ogaadeen in midnimada Shanta Farood ay tahay mid Muqadas ah, waayo shay kasta wuxuu ku wanaagsan yahay midnimada iyo isku tiirsanaanta, waxayna Shanta farood bilaabeen in ay mar kale dib u midoobaan oo ay xaliyaan khilaafkii soo kala dhex galay, waxaana dhacdey in Far iyo Suul ay ka qoomameeyaan kala tagii Shanta Farood ee ay Horseedka u ahaayeen islamarkaan waxay Raali Gelin ka keeneen dhibaatadii ay ku dhex abuureen Shanta Farood welibana waxay Dalbadeen in la Cafiyo .

Xaaladda Soomaaliya oo dhibaatadeedu soo bilaabatay 1991-dii ayaa moodaa in ay maalin maalinta ka dambeysa ka sii dareyso, waxaana taa ugu wacan tafaraaruqa iyo midnimada iyadoo la kala aamin baxay isla markaana qolo walba ay isla saxsan tahay, waxaana ka sii faa’iideystay dowlado kale oo shisheeye oo arrintii sii murjiyey go’aansadayna in aysan marnaba isku imaan Soomaaliya, waxaana la dhihi karaa waxa Soomaaliya ka socda waxaa la mid ah kala taga Shanta Farood ee aan ka soo sheekeyney, waxayna Deegaanadda Soomaaliya qolo waliba gooni u sameysatay maamul u gaar ah, hase yeeshee Shantii farood waxay ogaadeen in midnimadu shay qaali tahay balse Soomaalidu ma ogaan in halka ay ka socon la’ yihiin ay tahay kala go’a iyadoo weli uu socdo kacaanka Maamul Gobaleed ku dhawaaqista oo ilaa iyo hadda aysan jirin cid ku faa’iidey marka Soomaaliyeey is dabaqabo, Midnimada iyo Wadajirkuna waa qaali oo Alle ayaa noo tilmaamay.Dadka Soomaaliyeedna ha ku Daydaan sida ay u Fakereen Far iyo Suul.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg: ,

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

8 Jawaabood " Far iyo Suul State "

  1. Asc.
    Mahadsanid Ustaad qoraalka wacan ee ku qutumo xikmadda iyo xaalka ka jiro Soomaaliya maanta oo xubin walba oo ka mid ah shantii xubnood ee ay Soomaali ka koobneyd in xubin walba sicir barar ku dhacay, xaalkanu murayo qoyskaan maamul gobaleed laheyn waa sifir bidix jiro. Ustaad bal Calaacal State(Halka ay faruhu ku yalaan) bal ka waran xaalkeeda, mar haddii suul iyo far doowlad u hanqal taagahayaan?
    Mahadsanid.
    Ahmed-haadi Muhumad

  2. ACWW,

    Aad iyo Aad baan ula dhacan markii aan aqriyay qoraalkaaga sxb, waa maqaal ka hadlaaya xaalka ay hada Somali-nimada taagan tahay. Tusaalehaaga Far iyo Suul State MashaAllah runtii insha ayaa farta ka gelisay ayaan dhihi karaa…. Somaliyeey Far iyo Suulba kala go ineysan wax tareyn wee garteenee adinka maxaad u garan la’dihiin.

  3. Iman Mohamed says:

    Far iyo Suul state waa cudur umadda soomaaliyeed ay wada qabaan, Qolo qoleynta iyo gobol goboleysiga umadda soomaaliyeed ma ahan wax aan taageersanahay aniga far iyo suulna lamid.

  4. Eng Yusuf says:

    woooooooooooow runtii maqaalkan ama faaladan far iyo suul state runtii waxa ay noqotey mid ay indhaheygu soo jiitaan runtiina waa maqaal really ama xaqiiqda ka turjumaya ka jirta guud ahaan dalka soomaaliya oo kacdoon maamul goboleedyo ah ay ka bilowdeen eebe weyne waxan ka baryaynaa in uu quluubta somaliweyn uu isku soo celiyo burcadna uu isku mariyo aamin idinku aamin ii dhaha thanks allot

  5. Madaxwayne la baafinayo!
    Go’aanka la sii dhigay ayaa ahaa “… idaajaa sow ma xujoobin (haddii uu yimaado sow xanjeerno)!”

    Nin madaxwayne ah ayaa socdaal ku tegay China, wuxuu galay musqul aad u casri ah, markuu isyidhi kabbax wuxuuba garan
    waayey meel uu kasoo galay, yaab badanaa!, badhamo halkan ah oo is dhinac safan ayuu eegay, mid buu taabtay saa biyo
    kulul oo duulayaa kor kagasoo faruurmay faaaw, mid kale ayuu ku booday mise hawo kulul ayaa kaga soo baadoy haaaw! Midkale ayuu ku booday mise tuwaal baa madaxa kaga duubmay, jiq bal yaa ka furfura! Dadkii debada ku sugay way raagsadeen, musqushii baa lagusoo yaacay joro oo FAG laga siiyey, mucjisada ku dhacday iyo dagaalka uu galay awgeed waxaa loo yimi maxdaxwaynihiyoo dhidid qooyey oo tuwaalna maxadax kaga duuban yahay iyo muqushii oo qiiq isqabsaday oo aad moodo inay gubanayso! Yaab badanaa! Gacmihii uu wax ku haabhaabanayey ayuu qafkii ugu soo horeeyey far isha dalaq ka siiyey JAF! saa hadana kii ku xigay ayuu lugta ku martay oo xambaaro cirkaa lategay oo dhulka ka soo gooyey DIG, saa dhudhun ayuu iska barkaday isaguna BAC, waqtiguba inta ka yare, cidiba ma xasuusan in bal marka hore biyaha iyo hawada la iska damiye, rafashadii ayaa iyana waqtigii sii dheeraysay, saa waxaa halmar furmay alaamkii qiiqa sheegayey, Budo iyo Boodhe iswata oo loogu talo galay in ay dabka damiyaan, WIIWAAA WIIWAAA, BUUF-BUUF-BUUF… (CIISE-MUUSE IYO CIGAAL MEE…?)

    Waxaa meeshii hal mar soo buuxiyey warbaahintii, waxaa laga soo yaacay, hoolkii shirarka iyo deegaanadii u dhawaa, ciidankii amniga, waxaa iyaguna meeshii soo gaadhay ciidankii dabdamiska. Dadkii wadaxwaynaha la socday, iyagoo qoyan oo hadana budo qarisay oo rafaadka ka muuqda aad yaabaysid ayaa qaarna madaxwaynihii ula carareen meel luuq ah, qaarna weriyayaashii is hortaageen si ay xaalada u dejiyaan…

    Markii Madaxwaynihii meel la geeyey oo neeftuurkii ka degay, ayuu dadkii waydiiyey “war awal maxaa dhacay?”

    Markaas baa loogu jawaabay “oo madaxwayne ma ogid in roob qudhmay aduunka isu maray, bal eeg waxa ina saaran, miyuusan kuu urayn?” Markaasuu yidhi “haye, dabadeedna, maxaynu samaynaa, xagee uga baxnaa?” intaas ayuu halmar is daba dhigay, iyadoo aan weli loogaba jawaabin, mise waa ciidankii (red army) dalka uu martida u ahaa oo ordaya DIG DIG DIG, saa iyagoo aan cidnaba aanay hansay ka qaadin ayey madaxwaynihii halmar tuurta u riteen oo HAF la yidhaahdeen, sariir halkan ah ayey isdhaaf ugu xidheen, helikobtar halkaa taagan ayey dalaqsiiyeen saa halmar bay la duushay HOOOW… Dadkii la socday uunbaa madaxwaynahoodii sidaaaa usii eegay, yaab badanaa! Xataa wax ay ku hoos ordaan ma haystaan…!

    Ra’yigaaga ka dhiibo hadii aad u haysato in hadal uu xal keenayo!

  6. Xakiim says:

    Asc, dhammaan bahda Somalitalk, salaan gaar ah qoraaga Maqaalka Amiin Khasaaro, oo inta badan aan ku xasuusan karno Maqaaladdiisii saameynta badnaa.
    Ran ahaantii, waa Maqaal taabanaya xaqiiqda dhabta ah ee ka jirto Soomaaliya, iyo khaliifka & kala tagga umadda lagu imtixaannay, oo wali garan la’ halka ay dhibka & musiibadu ay kasoo bilaabatay.
    Xaqiiqdii, waxaa muhiim ah, marka hore in la garto Cudurka noociisa, si ay u sahlanaato daaweyntiisa. Waxaa hubaal ah, in dad badan oo Soomaaliyeed ay wali garan la’yihiin meesha nalaga haysto?!!! Amiinna Alle ayaa waafajiyaya, waana Kalatagga ama Tafaraaruqa.
    Waxaan ka rajaynaynaa Amiin -حفظه الله ورعاه- qoraallo kale.
    Mahadsanidiin.

  7. Ali Mo. Shire says:

    waa layaab shan farood oon kala maarmi karin haddane in ay wax isla qabsandaan diidan, been maaha in soomaaliyana aysan waxba ka duwaneyn shantaa farood

  8. Abdhafid says:

    Maasha allah waa maqaal aad u qurux badan, Somalina waxay horey u tiri Gacmo wadajir bay waxku qabtaan. Dadkeena Soomaaliyeed ee maanta joogaa waxaan isku darsanay Madax adeyg iyo Jahli. Ilaahay hanagu wada hanuuniyo wadada toosan.

    F.G. walaal Amiin adigoo raali ah daliilka aayada ugu horeyso aad soo qaadatay Allah kadib waxaa ku qoran SCW waxaan u malaynaa inaysan sax aheen.
    Mahadsanid