Home » Faallo »

Culumada oo loo qaybiyo Rabaaniyiin iyo Culuma’usuu waa kalmad xaq ah oo loola jeedo baadil: Qaybtii 2-aad

 Qormadii  hore waxaan uga hadalay sumada iyo calaamada lagu kala garto rabaaniyiin iyo culumaa’u suu, (culimada fiican iyo kuwa xun), ka dibna waxaan ka hadalay tilmaamaha rabaaniyiinta.

Qormadaan waxaan ku qaadaa dhigaynaa tilmaamaha culumaa’u suu, culimada xunxun allah ha inaga badbaadiyee, waxaa suurta gal ah in  loo qaybiyo sadex qaybood siday u qaybiyeen qaar ahlu cilmiga ka mid ah;

 Caalim rabaani ah:  diinta ayuu fidin, dadkana u cadayn, kuna camal fali, hadafkiisuna waa fidinta diinta Alle.

Caalim dowladeed:  wuxuu fiirin dowladu waxay rabto, taasuu fatwoon xitaa haddii arinkaasi keenayo inuu khilaafo kitaabka allah iyo sunnada Nabi Muxamad nabad galiyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Caalim shacab iyo dadweyne: wuxuu fiirin dadku maxay jecelyihiin si uu u raali galiyo caamada, wuxuuna dhihi mas’aladu waa khilaafi, arinkuna waa waasic.

 Tilmaamaha Culuma’usuu (culumada xunxun).

 1- Culumaa’usuu diinta waxay dhaafsadaan aduunyo, Allah balanta uu ka qaaday dadka la siiyay kitaabka waxay ahayd inay xaqa cadeeyaan oo aynan qarinin, culumaa’usuu iyagu xaqa dhabarka ayay ka tuuraan oo waxay ku gataan aduunyo.

 2- Culumaa’usuu waxaa laga yaabaa inay xaqa sheegaan laakiin ma sameeyaan, kumana dhaqmaan . Al-Callaamah Ibnul-Qayim wuxuu yiri: Allah ha u naxariistee “culummada xunxun waxay fariisteen albaabka janada dadka waxay ugu yeerayaan qowlkooda dhanka janada, naartana dadkay ugu yeerayaan dhanka ficilkooda iyo waxay samay nayaan”, hadalkooda iyo ficil koodu wuu is burin.

 3- Culumaa’u suu waa jaahiliin, Rasuulku wuxuu yiri; “nabad galiyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee” xadiis bukhaari iyo muslim wariyeen (Allah cilmiga ma qaadayo isaga oo laabta dadka laga siibayo laakiin culummadaa dhiman markii la waayo caalim fiican ‘rabaani’ dadku waxay samaysan kuwo jaahiliin ah iyagaa wax la waydiin way fatwoon cilmi la’aan iyagu way dhumeen ummadana way dhumiyeen).

 Hadaba qof aan cilmi lahayn oon aragti lahayn ayaa raba inuu fatwoodo, oo uu wax maamulo, wax xukumo, umuurihii Islaamka ugu waaweynaa ka taliyo,  isagu waa dhumay dadkana waa dhumiyay,  umadiina way halaagsantay,  “walaa xowla walaa quwata illaa billah”.

 4- Culumaa’u suu waxay wax ku xukumaan wax aan allah soo dajinin, waayo axkaamta sharciga ah aqoon dheeri ah uma laha,  mana ka sariigtaan dulmiga iyo gardarada, waxayna raacayaan xeerka ibnu aadamku dajiyay si ay xiliga iyo waqtiga ay joogaan ula socdaan.

 5- Culumaa’usuu waxay ku been abuurtaan Allah, jago aduunyo inay qabtaan iyadoo ay ku xanbaari, taasoo garab marisa  allah cabsidiisa, Ibnul-Qayim wuxuu yiri allah ha u naxariistee: “Allah wuxuu xarimay qowl korkiisa lagu abuurto cilmi la’aan, fatwada iyo xukunka intaba, wuxuuna ka dhigay allah mida ugu weyn waxyaabaha la xarimay, waana darajada ugu saraysa xaga danbiga (Al-qowlu calalalaahi biqayri cilmi).

Wuxuu yiri sheekhu aayada ‘33’ ee ku jirta suuratul-acraaf: “Allah wuxuu darajooyin u qaybiyey wixii la xarimay, wuxuu ka bilaabay kii u sahlanaa, waa fawaaxishta, wuxuu ku labeeyay danbiga iyo dulmiga, wuxuu ku sadaxeeyay shirkiga, wuxuu darajada afraad ee ugu daran galiyay Alle ood ku been abuurato cilmi la’aan”.

 6- Culumaa’usuu waxay raacaan hawadooda iyo waxay naftooda u qurxiso, allahna qalbigooda iyo indhahoodaba dabool buu xaqa ka saaray, waxay xukumaana jowr iyo dulmi bay ku sameeyaan, Allahna markuu qabto fakin maayo , Allow culumaa’usuu ummada ka qabo,  diintii bay fududaysteen, wixii  la xarimayna waa banaysteen, sida dhiiga iyo maqaasidii Shareecadu waxay ku taagnayd.

 Qodobadaasi iyo kuwo kale oo badanba waxay ka mid yihiin tilmaamaha culumaa’u suu.

 Gabagabadii iyo gunaanadkii halkaas waxaan uga baxnay tilmaamaha rabaaniyiin iyo culumaa’usuu,  qormada xigta waxaan u soo dagaynaa dulucda warka insha Allah, waxba yayna arartu ila tagine waxaan hoos ugu soo dagi doonaa culummada Somaliyeed. Waxaan ku fasiri doonaa qaacidooyinkii aan soo maray waaqiceena, waxaana isku dayi doonaa inaan casrigeenaan cadayno yaa culimaa’u suu ah yaase culumaa’u rabaaniyiin ah insha allaah. Waxaan su’aalo badan iska waydiin doonaa, eraygan culumaa’usuu ee waayadan danbe loo adeegsado culumadii lagu bartay cilmi iyo wanaag maxaa ka danbeeya?. Maxayse tahay natiijada iyo miraha ka dhalan ee la rabo in la goosto, la soco qormada sadexaad insha Allah.

 W/Q/ Sh. Ahmednuur Macalim C/qaadir.
Imam masjid Abu-bakr Islamic Center.
        Seattle, Washington.

midnimo114@hotmail.com

 

 

 

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Culumada oo loo qaybiyo Rabaaniyiin iyo Culuma’usuu waa kalmad xaq ah oo loola jeedo baadil: Qaybtii 2-aad "

  1. Ahmed says:

    Sheikh Axmed Nur Allaha ku xifdiyo cilmigaadana naafic Allaha ka dhigo aad ayaad noogu faaideeysay waqti ay isku dhexyaacday mafaahiimtii oo idil oo loo adeegsado erayadii meel aan meeshooda aheeyn,sida eraygan culamaausuu iyo waa jaasuus loona adeegsado culimada toosan ee xaqa heeysta jazk.