Home » News »

siyaasada turkiga ee somalia

dalka turkey waa dal dhul ahaan kala qaybiya yurub iyo asiya waxuuna xuduud laleeyahay wadamo badan
dhinaca koonfurta waxuu xuduud lawadagaa syria ciraaq iyo iran halka
wadamo kale dhinaca waqooyiga kala wadaago xuduud sida greece iyo armenia iyo wadamo kale turkey waa
wadan lagu qiyaaso dadkiisa ilaa 80 milyan. waana wadan muslim sunni ah
turkigu waxuu leeyahay dhaqaale xoogan oo waliba hada si xowli ah usoo koraya
turkey waxay leedahay warshado rayid ah iyo kuwa militariba waana wadan waxsoo saar badan

turkey iyo somalia

turkiga waxaa hogaaminaya intii muda ah xisbiga islaamiga ah ee lagu magacaabo
AK Party ee Rajab Tayib Ordagan kamidyahay
siyaasada turkiga ee somalia dad badan oo somali ah ayaa ku jahawareersan ama layaaban
kana muujiyay tuhuno badan halka qaarakalana si kas ah ugu abuurayaan dadka tuhun
xaasidnimo si ay ukala fogaadaan labada shacab turkey iyo somalia kooxaha

faafinaya daacayadaha waxba kama jiraanka ah ee ku aadan dowlada turkey
waa kooxo jira lakiin si dhaba aanan isu soo shaac bixin mar an waxka
waydiiyay aqoonyahano iyo khuburo somaliyeed oo aqoon dheer uleh.kooxaha faafiya dacayahada
nocan okale ah ayaa farta ku fiiqay .wadamada neceb inay somaliya nabad ka dhalato

siyaasada turkey ee somalia

siyaasada turkey ee somalia 100% waa caawin iyo helida dowlad somaliyeed oo xor ah
iyo is garabtaaga shacabka somaliyeed ee ay ku rogmadeen mowjadaha colaadeed iyo kuwa abaareedba
waxaakale oo turkey ku dadaalaysa wax u qabashada shacabka sida

(1) waxbarashada qaybaheeda kala duwan
(2) caafimaadka – qaybahiisa kala duwan
(3)dhismaha xarumaha dowlada iyo kuwa shacabka
(4) dhismaha jidadka garoomada diyaaradaha iyo schoolada

maxu ka aminsanyahay somaligu turkey?

runtii dadbadan oo aqoonyahano iyo dad caadi ah isugu jira ayaa og
ujeedka turkey ee somalia in uuyahay kaliya isgarabtaag walaalnimo
iyo daacadnimo xaddhaaf ah oo taariikh abid somalia aysan somarin
caawinta turkiga caawiyay somalida maanta
waxaajira xarumo turkigu kafuray somalia oo caawimaad ah

xarumahaas waxay isugu jiraan kuwa lacag cadaan ah dadka lasiinayo
si ay ayagu danahooda ugu fushadaan halka qaarkalana cunta kufilan oo caafimaad qabta lasiiyo
magaalada muqdisho waxaa kadhacay dhacdo somalia hore logu arag
kadib markii hayadaha turkiga muqdisha jooga iyagu qoys walba uqalayeen hilib
aaad utiro badan oo dadkii ka batay heer markii danbe cid cuntaba lawaayay

waxaad eegtaa heerka daacadnimada deeqda turkiga ee shacabka somalia
soo kama duwana aduunyadiikale ee noogu gargaari jirtay .qamadi ama boorash
ama ciidan tiro waynleh oo wax olaliya oo aanan ukala aaba yeelin shacab iyo mucaarad
ma isku midbaa ciidanka tirada yar ee turkay somalia kajooga .iyo ciidamadii adunka ee yimid somalia 1993 kismaayo
kadibna ku jees jeesay nolal bini aadam muwaadin somaliyeed hadana aanan qaan gaar ahayn ee waliba nafta kaga qaaday
qaab arxan daro taas oo ahayd solid ama shiilid .halka qaarkalana faraxumeeyeen ?

waamaxay sababta qulqulka aduunka .somalia xiligan

qulqulka aduunk ee somalia xiligan waa laba arimood

(1) turkiga oo doonaya in uu dhiso dowlad cadaalad ah oo somalidu leedahay
(2) islaamiyiinta somalia oo awood militari yeeshay doonayana dowlad islami ah
inay katagan cariga somalia labadaan arimood ayaa ugu wayn qulqulka aduunka somalia
lakiin xowliga ama soo yaaca aduunyada ee somalia waxay timid kadib imaanshaha turkiga

wadamo badan oo reer galbeed ah ayaa aminsan in turkey garoonka siyaasada aduunka kusoo noqotay
oo ay doonayso soo celinta cuthmaniyadii xooga badnayd ee katalin jirtay kalhore aduunyada barkeed
hadaba aqoonyahano iyo siyaasiiyiin ku xeeldheer siyaasadaha is rogrogta ee somalia
ayaa sheegaya in somalia god gashay hadii turkey aysan laban laabin caawinta somalia ama isgarab taaga shacabka somaliyeed
mar aan waxka waydiiyay caawinta iyo isgarabtaaga turkiga qaabka ugu haboon ayay aqoonyahanadu iigu jawaabeen sidatan

(1) turkey inay fidiso gogol nabadeed oo la isugu yeero dhamaan shacabka somalia ee siyaasada isku haya
iyo dhamaan garabyada hubaysan si dhab ahna loo wada hadlo lagana gudbo qasabka iyo marin habaabinta
si xal loo helo
(2) in turkigu faringalin toos ah ku sameeyo somalia oo xaga militariga ah sababtoo ah
somalidu siyaasada turkey wax didmo ah kama qabto wayna soo dhawaynayaan

somalia iyo turkey waxay leeyihiin sxbtinimo fog xiligii cuthmaniyada waxuuna turkigu taageeray taageero militari (axmedgurey)
(sayid maxamed cabdule xassan )
turkey waa wadan xoogbadanleh maanta aduunkana kuleh qadarin waa wadan dadkiisu wadaniyiin yihiin jecel wadankooda
sidaa darteed shacabka somalia waxay hiil ka sugayaan dowlada turkiga in ay isgarab istaagto shacabka somaliyeed .
waxayna ku baqayaan qaybo kamid ah waxgaradka somalia in turkigu keeno ciidamo ilaaliya bada iyo xuduudaha somalia.

cabdiwahab shekh axmednur oslo norway
gedo_109@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " siyaasada turkiga ee somalia "

  1. kaahin nuur says:

    asc wr wb, aad ayuu u mahadsanyahay walaal cabdiWahaab sida qotodheerida ah ee uu uga hadlay siyaasada Turkiga ee ku aadan Soomaaliya, waa run waana xaqiiq in Allaah suuro geliyey in Cilmaaniyadii Turkiga laga takhaluso, hadaba xisbiga xukuma Turkiga ee AK party ahna xisbi Islaami ah, waxa uu in badan u soo dhabar adaygay tacaddi badan oo uga imanayey xukuumadihii hore ee cilmaaniyadda aaminsanaa. walaal cabdiWahaab waxa uu ka shanqariyey in ay haboonaan laheyd in Turkigu u dhigo gogol heshiisiineed kooxaha ku hardamaya Soomaaliya, waa wax fiican haday miro dhali laheyd, lkn Alshabaab ma u aaminsantahay Turkiga dad muslimiin ah, waxaan shaki ka qabaa in Kooxda Alshabaab ayna marnaba qoriga dhigeyn maxaa yeelay waxay u arkaan wax alaale iyo wixii ka gedisan fikirkooda dad baadi ah. gunaanadkeyga, Turkigu waa dal Muslim ah oo ka danqanaaya dhibaatooyinka Muslimiinta ee daafaha caalamka ku bahdilan, Rabi ha xifdiyo dalka Turkiga, cadwgoodana Allaah ha jabiyo, Rabi ha quweeyo Xisbiga Tyip Rajab Erdogan ee AK party, aamiin.