Home » Warar »

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Soomaaliya Oo Wareysi Dheer Oo Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya Siiyey SomaliTalk

Cabdullaahi Goodax Barre “Cidna Nooma Fikiri-doonto, Annaguna Taas Ayaa Mowqifkeena Ah…”

Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo booqasho ku jooga caasimadda dalka Jabuuti, islamarkaana Somalitalk wareysi dhinacyo kala duwan la yeelatey ayaa waxaa uu ka Hadley shir lagu qabanayo 05/02/2012 caasimadda dalka jabuuti, maamul u sameynta magaalada baladweyne, qodobada shirka Somali Contact Group looga hadlayo, wasaariika waxaan wax ka weydiiney shidaalka laga baaray Block L 5 iyo arrimo kale.

Wasiirku waxaa uu hadalkiisa ku bilaabey “Ra’iisul wasaaraha ayaan la soconaa annagoo laba wasiir ah, waxaan u nimid inaan ka qayb-galno qolada ICG-ga la yiraahdo ee soomaalida daneyso una badan wadamada Yurubka iyo Mareykanka, waxaana looga hadlidoonaa seddax qodob oo ay ka ah, sidii loodhamey lahaa wax la yiraahdo KMG, ee ay Ummadda soomaaliyeed maanta ay ku jirto, waxaa kale oo looga hadlayaa sidii loola xiriiri lahaa goboladda hadda Dowladda gacanteed soogalaya iyo Dibu-heshiisiinta” ayuu yiri

Mar aan weydiiyey sababta keentey iyadoo soomaaliya ay leedahay Baarlamaan, Gole Wasiir iyo Madaxweyne, in arrinta soomaaliya ay la Share-gareeyaan beesha caalamka? Ayaa wuxuu ku jawaabey “ beesha caalamka wey khuseysaa arrimahan, mashaakilkeena adduunka ayuu saameeyey, markaa inay wax ku lahaadaan wadatashiga waa wax aad muhiim u ah”.

Waxaa kale oo aan weydiiyey mar haddii laga hadlaayey qorsho hawleedka xukuumadda soomaaliya, siday adduunyadu u saameysey iyo sababaha loogu martiqaadey beesha caalamka? Wuxuu ku jawaabey “soomaaliya colaadeeda, dabcan wey iska cadahay, sababtoo ah, haba ugu weynaatee tan arrgaggixisada adduunyadii ku siifidaayo oo soomaaliya salka u noqdey sida Al-shabaab, waxaa kale oo khuseysaa arrimahan burcad badeeda adduunyadu way saameyneysaa, sababtoo ah ganacsiga aduunka ayey saameysey, nabad-gelyada adduunka ayey saameysey, markaa lama dhihikaro ma khuseyso oo soomaaliya waxa ka taagan adduunyada ayey khuseysaa”.

Xukuumadda Soomaaliya, qorsho hawleed iyadda u gaar ah miyaan la sameynkarin, kadibna hay’adaha caalamka ee maalgeliya in loogudbiyo, mieysan ku habooneyn? Ayaa waxaa uu ku jawaabey “qorsho hawleed kasta, haddii xukuumadda sameysa ama cid kastaba, dhaqaalo ayuu u baahan yahay, annaguna ma hayno dhaqaalihii, dhaqaalaha waxaa haya dadka ay arrintan nala khuseyso, markaa dhaqaalo aan annagu gaar u leenahay ma jiro oo aad buu u liitaa, wadankuna meel laga laga soo saaro dhaqaalaha ma leh, wax kasta oo la qabto kharash ayey u baahan yihiin, markaa in adduunyada lala fariisto oo kharash laga doono waa lagama maarmaan”.

“dabcan mar hadey khuseyso aad ayaan ugu rajo weynahay, barkee waa waxaa shirko ku nahay, dhibka ku haayo burcad badeeda, Al-shabaab dhibaatadda adduunyada ku hayaan, waan la wadaagnaa. Laakiin waa wax dunida oo dhan khuseeyo oo aan soomaaliya keligeed khuseyn, wadamada aad sheegeyso danahooda ayey daba socdaan, haddaan burcad badeeda soo qaato, maciishada adduunka oo dhan ayaa kor u kacdey, caymiska adduunka sidoo kale kor ayuu u kacay, kiradii maraakiibta ayaa kor u kacdey, DALXIISKUNA, dhaqaalihii la gelinaayey Dowladahaan deriska ayuu saameeyey, mathalan wadanka Kiiniya dhaqaalahoodu wuxuu ku xiran yahay addeeg dalxiisa iyo wax la mid ah, markaa ma dhihi kartid maxay u soo farageliyeen, dabcan haddii dhaqaalahoodo hoos u dhaco, soomaaliya waa la imaanayaa oo waa la soo faragelinayaa, waana lala dagaalayaa ” ayuu ku jawaabey mar aan weydiiyey Rajo intee la eg ayaad ku qabtaan wax-yaabaha aad dooneysaan 100%50 iyo wax ka badan inaad ku guuleysaneysaan dadka aad la tashaneysaan,?!

Wasiirku waxaa kale oo aan weydiiyey Dowlahada dunidu waxa ay ku dhisan yihiin waa ciidan, iyadoo ciidan soomaaliyeed jirin in lagu meer meereysto, lana yiraahdo qorsho hawleed ayaanu sameyneynaa oo burcad badeed ayaan ka hadleynaa iyo ammnigii arrgaggixisada ayaan ka hadleynaa sidey ku suuroobeysaa? “marka la shiraayo, waxa laga hadlaayo hadal keliya ma ahan, waxa laga hadlaayo waxaa ka mid ah sidii ciidan soomaaliyeed loodhisi lahaa, haddey ciidan nala gasho iyo hadey wax kale nala gashaba ee shirku macnihiisu ma ahan in sheekeysanayo, waxyaalahan sidii looga hortegi lahaa weeyaan waxa laga shiraayo, waxaan rajeynayaa inay wax fiican ka soobaxaan”.

Waxaan su’aaley wasiir Goodax 21-sanno arrinta soomaaliya waa laga shiraayey oo waa laga hadlaayey, dalall kala duwan ayaa loo fariistey, dalka waxaa yimid quwadaha waaweyn, kuwa afrika iyo duwan kale, intaasba waa la imaanayey waana laga noqonayey, marka soomaaliya arrinteeda in wax laga qabto lama doonayo?.

“annagu afkeena ma ahan, xukuumad ahaan, wax badan oo la qabtey wey jiraan, wax badan oo aan dhaliilsanahayna wey jiraan, runtii soomaaliya dhibaatadeeda ayaa balaaran, laf walba sida ay u jabta ayaa loo kabaa, marka nooca aan u jabney ayaa naloo kabayaa, sida ay ila tahay, wax-yaabaha aan dhaliilsanahay waxaa ka mid ahaa, fursaddo badan oo soomaaliya lagu sixi lahaa oo la lumiyey, dhaqaalo aw-geed, haddaan miithaal ku siiyo, haddadan aynu joogno fursad aad u weyn ayaa gacanteena ku soodhaceyso, cadowga waxaan ku jebinay magaalada xamar, gobolo badan ayaanu qabsaneynaa, hadda wax-yaalaha welwelka weyn nagu hayo waxaa weeye, goboladan gacanteena soogalayo, laga yaabo in aan hannan weyno dhaqaalo aw-geed xaqiiqduna waa taas, adduunyaduna waxaan u sheegaynaa inta aad ku kharash gareyneysaan ciidamadiina badda dhooban, in la dhiso ciidankeena, inaan arrimaha nabad-gelyada hannano, arrimaha noocaas ayaan ka hadleynaa, runtii adduunyaduna uma soojeedo.

Aduunyadu waxay xasuusataa markii aan dowladda weyn ahayn oo aan hubka faraha badan lahayn, waxaan wali isticmaaleynaa hubkii xukuumadii maxamed siyaad oo aan waliba isku dhameyneyno, adduunyadu waxaas ayey xusuusataa, marka in laga qanciyo, duruufti tii wey ka duwan tahay, maantey fursad weyn ayaa na hortaalo, waana wax addag, laakiin dunidu waxa aan ku dhaliilsanahay waxaa weeye, in dhaqaalkii loo baahnaa, ma galo meeshii loogu talo galey, iyadoo waliba ay dhaqaalo fara badan galaan soomaaliya” ayuu ku jawaabay Cabdullaahi Goodax.

Cabdullaahi Goodax, waxaan keloo weydiiyey, maadaama aad tahay wasiirkii qorsheynta, muxuu yahay qorshaha xukuumadda shirkan ka dhicidoona London? Wasiirku waxaa uu yiri “ shirka London, waxaan rajeyneynaa in uu kaabo oo taageero Roadmap-kii oo uusan ku dhinac furinin hawlo kale oo culus oo mataan la ah oo tii feer socoto, waxaan rajeyneynaa in dhaqaalo badan halkaas laga helo oo dunidu ay arragto in maantay soomaaliya dhaqaalo u baahan tahay, shidada aad ayaa loo cayimey, waxay tahay waa la yaqaanaa, sida wax looga qabanaayona waa la yaqaanaa, waxa maqan waxaa weeye dhaqaalkii wax lagu qaban lahaa”.

Kalsooni intee la eg ayaa lagu qabikaraa, in Roadmap-kii lagu taageerayo shirka London ayaa wuxuu ku jawaabey “dabcan ajendaha wax baan ku leenahay, marka waxaa wax looqabanayo waa annaga, markaa cidna nooma fikiridoonto, annaguna taas ayaa mowqifkeena ah”.

Waxaan keloo weydiiyey, su’aal ahayd waxaa isa sootaraya hadal hayn ah, in soomaaliya maxmiyad la gelinaayo, arrinkaas maxaa ka jira? Wasiirku waxaa uu yiri “arrinkaas wax ka jira lama arko, inta uu qosley ayaa wuxuu raacsadey adduunka noocaas uma dhisna maanta, waa sheekooyinkii fadhi kudirirka, soomaaliya macno ay u gasho noocaas ma jirto,adduunyaduna hadda ka hor hore ugama dhicin, soomaaliyana taariikh cusub ma bilaabeyso, maalin dhoweyd wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska wuu ka Hadley, waxaasna in ay iska yihiin kutiri kuteen, runtiina waxa laga filaayo shirkaas waxaa weeye, in uu taageero Roadmap-kii oo uu kaabo oo aysan dhaafinin xukuumadan KMG ah waqtigeed bisha sided” ayuu ku adkeystey wasiirka.

Dowlada Ingiriiska 21-sanno oo dalka soomaaliya oo uu bur bursanaa, ma jirin wax muuqda oo la taabankaro oo shacabka soomaaliyeed ku qanacsan yahay ma aysan jirin, maxay tahay sababta xiligan keentey in shir arrimaha soomaaliya looga hadlayo ay qabato?, wasiir Goodax waxaa uu difaacay dowladda Ingiriiska waxaa uuna yiri “wax walba mar bey bilowdaan, dowladda Ingiriiska dhaqaalo ahaan iyo siyaasad ahaanba qayb weyn ayey ka ahayd, waqtigaas 20-ka sanno ahayd, runtii waddamada dhaqaalaha ugu fiican baxsho ayey ka mid ahaayeen, haddana haddii ay go’aan ku gaareen inay soomaali iyo adduunyada isugu yeeraan oo arrimaha soomaaliya laga hadlo, aad baan u soodhaweyneynaa waana dadd wanaagsan oo xiriir wanaagsan aan leenahay, mushkiladu ma ahan maxay shaley u sameyn waayeen, waxaa muhiim ah maanta ayaa la sameeyey, ee sidii looga faa’iideysan lahaa, soomaaliduna mar walba waxaan iska jecel nahay, inaan xasaasiyad gelino wax walba oo aan niraahno isticmaar baa jirey, runta marka loo hadlo, adduunyada, dowladd diyaar u ah dowladd kale inay isticmaarsato waqtigan ma jirto.

Ingiriiskuna Taariikhda qoran, xitaa ma ahayn dadd na isticmaarsadey, protact raid ayey ahaayeen, maadaama ay dan ka lahaayeen Badda Cass ayey iska waardiyeynaayeen inaan cid kale soodegin, taariikhduna haddii gumeysi lagu magacaabo, waa intaas haddana cid diyaar u ah, inay wadankaan gumeysato ma jirto, annigu ma aqaano wararka aadka u hooseeya meesha laga keeney, cid cid gumeysan karto ma jirto, iskaashi ayaa ka dhexeeyo adduunyada, haddii ay shir abaabuleen, aad bey u mahadsan yihiin waana soo dhaweyneynaa”.

Ra’iisul wasaaraha Ingiriiska Divid Camaron, intii uu ku jirey shirkan qaban qaabadiisa, waxaa uu yiri soomaaliya waa qaran fashilmey, waxay ka soo horjeedaa danaheena, sidaas darteed malooqaadan karaa in uu yahay mid ka tarjumaya danaha dowladda Ingiriiska?!!

La Soco Wareysiga Qaybaha kale oo aad u xiiso badan…!!

Wareysiga Waxaa Qaadey:-

Wariye Maxamed Macallin Cismaan (All-man)

Somalitalk Jabuuti.

fatxumaalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

1 Jawaab " Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga DFKMG Soomaaliya Oo Wareysi Dheer Oo Dhinacyo Kala Duwan Taabanaya Siiyey SomaliTalk "

  1. Ingiriisku waa gumeysiga ka ugu xun ,somaliyana in uu gumeysta shan qeybood ukala qeybshay xabashi iyo jilwo & kuukuyo siiyay wadanka somaliyeed boqolaal kun oo somaliyeed ku laayay diyaarado iyo celalka oo uu ka sumeeyay waa gumeysi waana cadow 1884kii kala qaybintii africa laguma qancin 2012 hadii ay marlabaad inagu sameeyaan inaga ayaa eeda wax ku leh caruurteena mustaqbalkeeda waa in aan u hiilino oo gumeysiga cusub waa in aan ka horistaagno maanta (midnimo iskufilaasho gumeysi diid).