Home » Warar »

Ra’iisul Wasaaraha DFKMG Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga

Warsaxaafadeed ka soo baxay DFKMG ayaa u qornaa sidan:

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali oo maalmahan booqasho rasmi ah ku jooga Rome ka dib markii uu casuumaad rasmi ah ka helay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga ayaa maanta kulan dheer la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti.

Labada Ra’iisul Wasaare oo labadaba ah Professoro dhanka Dhaqaalaha ah ayaa yeeshay kulan dheer oo ay uga wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xiriirka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga, burcad-badeeda, Qaxootiga Soomaalida, Roadmap ka iyo shirka London ee 23ka Febraayo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr Abdiweli Mohamed Ali ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa loo sameeyey. Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya iyo horumarka baaxadda leh ee ay Dowladdu ka sameeysey lixdii bilood ee la soo dhaafay dhanka amniga, xiriirka maamulada, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga, dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Mario Monti ayaa ballanqaaday inuu garab
taagan yahay Soomaaliya isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaan
shacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta amniga, gar-gaarka
bani’aadanimo, dib-u-dhiska dalka iyo sidii dhalinyarada Soomaaliyeed
loogu sameyn lahaa mashaariic horumarineed. Ra’iisul Wasaare Monti
ayaa sheegay in Shirka London uu Talyaaniga si weyn u taageeri doono
qorshaha Soomaalidu ay wadato ka dib markii uu dhageystay Ra’iisul
Wasaaraha Soomaaliya oo ka codsaday in shacabka Soomaaliyeed ay ka
sugayaan Shirka London inuu garab istaago Roadmap ka iyo Garowe
Principles oo la doonayo in baarlamaan tiro yar oo tayo leh la soo
xulo, isla markaana la dhameystiro dastuurka si looga gudbo marxaladda
kala guurka ah. Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli ayaa sheegay in
Shirka London laga filan karo inuu dib-u-soo nooleeyo hay’adaha amniga
Soomaaliya, iyo in August 2012 ay dhacdo doorashooyin.

Labada Ra’iisul Wasaare ayaa waxey si saraaxad leh uga wada hadleen
sidii Soomaaliya loogu heli lahaa xal oo ay isku af-garteen.


Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia
& Spokesperson of the Government
Tel: +252615479911
Tel: +252699998854

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.