Home » Warar »

Dowladda Kenya oo u Codsatey Amisom Diyaarado Dagaal si loogu Duqeeyo Deegaano ka tirsan Soomaaliya

Yuusuf xaaji oo ah Wasiirka Gaashaan Dhigga ee Dalka Kiinya iminka ka qayb galaya Shirka Midowga Afrika ee Magaalada Addis ababa ayaa ka hadlay arrinta Soomaaliya.Wasiirka ayaa ka war bixiyay Duulaankii Ciidamada Kiinya ay ku galeen Gudaha Dalka Soomaaliya kaasoo uu sheegey inuu ahaa mid loo baahnaa in Kiinya ay ku tallaabsato.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa intaa raaciyay in Ciidamada Kiinya ee soo galay Koofurta Soomaaliya ay wiiqeen awooddii Xarakada Shabaab ee Goboiladaas Koofurta Soomaaliya haatana ay doonayaan in ay ka cirib tiraan guud ahaan Gobolka. Yuusuf Xaaji ayaa soo dhaweeyay Ciidamadii Itoobiyaanka ee dhawaanta qabsaday Magaalada Beled weyne isagoo halka kalena sheegey inuu ku faraxsan yahay Ciidamo kale ee Itoobiyaan ah ee ka soo socda dhinaca Gobolka Gedo taasoo uu sheegey in ay tahay Aag kale oo ku Furmaya Xarakada Shabaab.Yuusuf ayaa ka codsaday Midowga Afrika in hawl galka Soomaaliya ee Amisom ee Magaalada Muqdisho lagu Taageero Ciidamo Dheeraad ah iyo waliba Diyaaradaha Helikobtariska ah si meesha looga leexiyo Xarakada Shabaab awoodeedana la isa sii raaciyo.

Wasiirka Gaashaan Dhigga ee Kiinya ayaa ku cel celiyay in dawladihii Afrikaanka ahaa ee hore u ballan qaaday in ay Ciidamo soo dirayaan in ay Ciidamadooda si deg deg ah u keenaan si loo soo af jaro dagaalka Mudada dheer ka soconayay gudaha Dalka Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaan Dhigga ee Kiinya ayaa hadalkiisa waxaa uu imanaayaa xilli Ciidamadii Kiinyaanka ahaa ee Dalka soo galay ayan wax Guulo dheeraad ah ka sameyn iyadoo tallabada Muuqata oo ay qabteena ay tahay oo keliya Duqeymaha loo gaysanayo Dadka Rayidka ah ee dhinaca Hawada ah taasoo dadka wax indha indheeyaa ay ku sheegaan in hawl Galkii Kiinya uu noqday mid dhicisoobay.

WD : Amiin Yuusuf Khasaaro
Email: amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
Email: amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.