Home » Warar »

Xarakada Shabaab oo Hayadda ICRC ka Mamnuucdey in ay ka Shaqeeyaan Deegaanada ay ka Taliyaan

War ka soo baxay Xarakada Shabaab ayaa lagu Mamnuucay in Hay’adda laankheyrta Cas ee ICRC ka shaqayn karin Degaanada ay maamulaan Xarakada Shabaab.,Warkaan ayaa lagu sheegey in Hay’addu Khiyaaneysey Dadka oo ay siisay raashiin waqtigiisii dhamaaday isla markaana xiligan aan la isticmaali karin,Warkaan ka soo baxay Xafiiska la socodka Hay’adaha samafalka ee Xarakada Shabaab ayaa lagu sheegey in Boqolkiiba Todobaatan Raashiinka ku jira Bakhaarada Hay’addasi ay yihiin kuwo dhacay lana isticmaali karin xiligan

Hay’adda ICRC ayaa ahayd hay’adda keliya ee iyadu ka hawlgasha Degaanada ay ka taliyaan Xarakada Shabaab,Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Xarakada Shabaab Hay’addu ku Eedeysey in ay is hor taag ku samayso Hawlaha Cunta qaybtinta ee hay’addu ay ka fuliso Gobolada Shabaabku ay joogaan taasoo Maamulka xarakada shabaabna uu aad uga xumaaday.

Hay’adda ICRC Xafiiskeeda Geneva ayaa iminka ka fiirsanaya bayaankan ka soo baxay Maamulka Xarakada Shabaab in kastoo weli wax hadal ah aysan ka soo saarin go’aankan ay qaateen Xarakada Shabaab oo ah inaysan Hay’addasu ka shaqayn karin Degaanada ay ka Taliyaan.Ma aha markii u horeeyay ee Xarakada Shabaab Xayiraad ku soo rogto Hay’adaha sama falka waxayna horey uga ceeyrisey degaanada ay ka taliso Hay’adihii samafalka ahaa ee ka shaqaynayay ka gadaal markii ay ku eedeeyeen arrimo ka baxsan hawshooda iyadoo Sannadkii Hore Deegaanada Xarakada Al-Shabaab laga joojiyey 20 Hayadood oo qaarkood lagu tilmaamey in ay Basaasiin u yihiin reer Galbeedka .

W/D Amiin Yuusuf Khassaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.co.uk
E-Mail amiinkhasaaro@yahoo.co.uk

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.