Home » Maqaallo »

Mawliid Axmed Iley (Isbaandhays) oo loo doortay Gudoomiyaha Ururka Ardeyda Soomalida ee Dalka Malaysia.

Doorasho si heer sare ah loo soo agaasimaya ayaa ka dhacday Magaaladda Kuala Lumpur ee Dalka Malaysia gaar ahaan Hoolka jaamacadda UIA da. Doorashadan oo ay soo qaban qaabiyeen Guddiga doorashadda ee Ururka Ardeyda Soomaaliyeed ee wax ka barata Dalka Malaysia ayaa waxaa lagu dooranayey Gudoomiye cusub oo uu yeesho uruku, waxaana ku tartamayey musharixiin dhan 4 arday oo kala ah: Mawliid Axmed Ileey, Yasin, C/risaaq iyo Guuleed.

Halkan kadaawo masawiro dheeri ah

Ardeyda ka qaybqaadanaysay doorashada ayaa waxay isaga yimaadeen dhammaan jaamacadaha dalka Malaysia oo ay ku jiraan jaamacadaha ku yaal Gobollada fog fog ee ardeyda Somaalidu wax ka barato, waxayna ahaayeen kuwo aad u xiisaynaya ka qayqaadashayda doorashada gudoonka matalaya dhammaan ardeyda soomaalida ee wax ka barata jaamacadaha dalkan Malaysia.
Waxaa sidoo kale xafladda doorashada lagu casumay Gudoonka Jaaliyadda Soomaalida ee dalkan Malaysia, Aqoonyahano Soomaaliyeed, Barofisooro barayaal ka ah jaamacadaha dalkan Malaysia, iyo Saxaafadda.

Waxaa intii aysan cod-bixintu bilaaban musharixiinta la siiyey min 5 daqiiqo, si ay u akhriyaan barnaamijkooda waxqabad ee ku aadan haddii loo doorto Gudoonka Ururka. Kadib waxaa si toos ah u bilaabatay codbixintii, waxayna kusoo idlaatatay musharixiintii oo kala helay: Mawlid Axmed (Isbaandhays) 140 cod, Yasin oo helay 90, C/risaa 20 cod iyo Guuleed oo helay 50 cod, waxayna halkaas guushii ku raacday Mawliid Axmed Iley (Isbaandhays) .

Iskusoo wada duuboo, Doorashada ayaa kusoo dhammaatay jawi farxad iyo raynrayn ah, iyadoo ay xabadka isa saareen ardeydii musharixiinta ahaa iyo gudoomiyaha cusub oo ah Ardey bartay kuliyadda Public Administration kana gaaray heerka Master degree, waana nin dhallinyaro ah oo firfircoon bulshadana sumcad weyn ku dhex leh. Waxaana laga filayaa inuu qabto ballanqaadyo muhiim ah oo ay kamid tahay in uu ururku soo saari doono Journal ay adeyda Soomalidu kusoo bandhigaan afkaartooda iyo maqaalada ay danaynayaa.

ABDIKADIR DOOY

dooy11@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com // Halkudheg:

________
. Afeef: Aragtida maqaallada iyo faallooyinka waa kuwo u gaar ah qorayaasha ku saxiixan. E-mail Link Xiriiriye weeyey

comment closed after 30 days / Jawaabaha waa la xiray ama waa la joojiyay wixii ka badan 30 cisho.